Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliland ee gudo iyo debedba, haloo bixiyo xukuumada somaliland dhibaato jecel, waayo waxa wax lala yaabo ah, waxay waxaan jirin iskugu mashquuliso, wixii loo baahnaana iskaga indhatirto, wiig ka hor bay ahayd markii madaxweynaha dalka, iyo madaxda sadexda xisbi qaran ku heshiiyeen, in aanu kaadhka dhalashada madanigu loo qaban wakhti lagu dhamaystirayo, oo lagu dadaala uun in inta badan dadku iska bedelaan kaadhadhkii hore, kuwii aan hore u lahaynina qaataan, inta ka horeysa doorashooyinka, intii ka gaadhsiinweydaana ay ku galaan kuwoodii hore, halka kaadhadhka codbixinta loo cayimay mudo ah inay ku dhamaadaan inta aan la gaadhin wakhtiga doorashooyinka, oo dabcan la’aantood wax doorasha ahi aanay dhici doonin, qofkii aan qaadanina doorasho galayn, halkaa waxa ka cad sida cadceeda, in labadan kaadhadh ee xukuumadu is dhinac eryeysaa sida ay u kala fadilan yihiin ka ahmiyada weyn la saarayaa kuu yahay, ee ay muhiim tahay in uu dhamaado, oo ah kaadhka codbixinta. hadana waxaan aragnaa xukumadii oo wali isku mashquulinaysa kaadhka dhalashada oo kaliya, halka kaadhkii kale aanad arkayn cid ka hadlaysaba.
Hadaba waxa iska cad in xukuumadu, oo ugu horeeyo wasiirka arimaha guduhu ku ciyaarayaan dab naar ah oo laga yaabo dabkaasi inuu dalkoo dhan gubo, waxay umadda somaliland ee gudo iyo debedba ugu baaqayaan xukuumada, oo uu ugu horeeyo madaxweynuhu in uu talaabo cad ka qaado cid kasta oo isku dayda inay ciyaar siyaasadeed galiso u diyaar garawga doorashooyinka uu madaxweynaha laftiisu balan qaaday inay ku qabsoomayaan wakhtigii loogu talogalay, iyo cid kasta oo isku dayda wax isdaba marin iyo inay ka warwareegto meel marinta bilaabida iyo qaadashada kaadhadhka codbixinta, oo so dhaqso ah loogu hawlgalo bilaabidooda.
Waxa kale oo ay ka codsanayaan madaxweynaha in lagu dhaqsado samaynta in hawlgelinta gudida doorashooyinka, oo dibu dhacoodo sababi karo in hawlihii doorashooyinku isku cakirmaan.
Waxa kake oo aanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta caadaystay belo abuurka, iyo belo sheega, aanay somaliland maanta u baahnayn, qaadi karinna inay ka waantoobaan, oo ay horumarka iyo dhisida dalka mashquulaan, iyo sidii ay uga foojignaan lahaayeen cadawga badan ee ku gadaaman, hadh iyo habeena ka shaqaynaya sidii ay u heli lahaayeen daaqad furan oo ay uga soo galaan, kana baabiyaan dalkan.
Q O R E ; A . A. CIRSANKAYEEDH.