Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Maxkamada Ciidamada Somaliya Oo Dil Ku Xukuntay Saddex Askari Oo Ku Eedeysnaa Inay Dhac U Gesyteen Shacabka Somaliya.

$
0
0

download (17)Somaliya(HalbeegNews)-Maxkamadda ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dad shacab ah dhac ugu geysteen waddada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

 

Xukunkan maxkamadeed ee lagu riday askartan ayaa yimid kaddib markii maxkamaddu ay soo gaba-gabeysay baaritaanno ay ku sameysay dhaca hubeysan ee ay u geysteen gaadiid ay shacab saarnaayeen.

 

“Saddexda askari waxay maxkamadda horteeda ka qirteen inay dambiga lagu soo eedeeyay galeen, ayna dhac ugu geysteen waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye laba gaari oo dad shacab ah waday. Maxkamadduna waxay waxay saddexdan askari ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda ciidamada.

 

Garsooraha ayaa intaas ku daray in askartan ay xaq u leeyihiin inay rafcaan ka qaataan xukunka lagu riday muddo bil gudaheed ah, haddii ay ka qaadan waayaanna uu sidaas ku dhaqan-galayo.

 

Afhayeenka maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga, Col. Cabdullaahi Muuse Keyse, ayaa sheegay in maxkamaddu ay fasaxday afar askari oo kale oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

 

Dhaca hubeysan, kufsiga iyo dilka ayaa ka mid ah dambiyada ugu sarreeya ee Soomaaliya ka dhaca, kuwaasoo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkood ku labisan dharka ciidamada Soomaaliya.

 

Ciidamadan ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa kusoo beegmaya iyadoo maxkamadda ciidamadu ay si cad u sheegtay in xukun dil ah uu mudanayo askarigii lagu helo dhac iyo in uu shacabka dhibaato u geystay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles