Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all 3922 articles
Browse latest View live

Dhamaan Shaqalaha Iyo Maamulka Halbeeg waxay Hanbalyo meher wacan U dirayaan Wariye Cumar Seerbiya Iyo Marwadiisa Hodan

$
0
0

1800409_10152222126276005_460253199_nDhamaan Shaqaalaha iyo Maamulka Shabakada Caalamiga Ee Halbeegnews Waxay Hanbalyo meher Wacan U dirayaan Wariye Cumar Serbiya Iyo Marwadiisa hodan Muuse Cabdilaahi, Oo maanata meherkoodu ka Qabsoomay Hotel Imperial Ee Magaalda Hargaysas, Waxan leenahay noqda Kuwii isku waara ubad Khayrqabana Kala Hela Amiin Amiin Amiin

 


Aniga Oo Ah Boobe Yuusuf Ducaale Waxaan Halkan Uga Tacsidayeeynayaa Geeridii Ku Timid Maxamed saleeban tubeec

$
0
0

Tacsi

indexMagacayga, magaca qoyskayga, magaca hal-abuurka, magaca fannaaniinta iyo guud ahaanba magaca shacbiga reer Somaliland waxaan tacsi halkan uga dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Maxamed Saleebaan Tubeec, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan. Si gaar ah waxaanu uga tacsiyadaynaynaa walaalkii Jaamac Saleebaan Tubeec. Aammiin

Ogaysiis : Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol iyo Cardiff UK Xafladii Mujaahid Cali Gurey Waxay Dhici Doontaa Axada 23/03/2014 in Bristol:

$
0
0

jhjhOgaysiis,  Dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee  ku nool Magaalooyinka  Bristol iyo Cardiff UK waxaan la socodsiinayaa in Xaflad meeqaamkeedu sareeyo oo ay iska kaashanayaan shacabka reer  Somaliland ee ku kala nool Maagaalooyinka Bristol Cardiff Uk  ay ka dhicidoonto Magaalada Bristol.

Xafladani waa xaflad lagu soo dhawaynayo Guddoomiye-ku-xigeenka Sadaxaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Gurey oo  ayaamahanba safar booqasho ku joogay Dalka UK.  Sidaa darteed dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland  ee ku nool magaalooyinka Bristol Cardiff waxaanu idinku martiqaadaynaa in aad ka soo qaybgashaan  xafladaas, soona dhawaysaan Mujaahid Cali Gurey oo ah Mujaahidiintii Dalkan u soo Halgamay.

Waxaa iyagana jira Xafladdo kale oo ka dhici doona Gobolada Dalka UK Insha Allaah, sida LONDON IYO BIRMINGHAM  iyo Magaalooyin kaleba,  kuwaa  xaga danbe ayaan idinka soo sheegi doonaa wakhtiga iyo saacada la qabanayo balse iminka waxaan  idin soo gudbinayaa Xaflada Bristol ka dhacaysa wakhtiga iyo saacada, waana sidatan:

 

 

Greek Community Hall.

Lower Ashley Road,

Easton, Bristol

BS5 0YL

DATE:   23/03/2014

TIME:    5:00 PM to   11:00 pm

 

 

Wixii faahfaahin ah ee aad u baahataan waxa kala xidhiidhaysaan masuuliyiinta Xisbiga UCID ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff oo aan halkan hoose magacyadooda iyo Telephone numberkooda idinku soo qoridoono, waa sidatan:

Magaaladda Bristol UK  Xisbiga UCID

Mustafe      Tel:  07450235684

 

Magaalada Cardiff UK Xisbiga UCID

Mubaarig      07908917988

 

 

ABDULQADIR MOHAMED (CUKAASHE)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

Xisbiga UCID Laanta UK

Halkan Ka Dhegayso: Madax-weynaha Somaliland Oo Malintii 2aad socodaal ku maraaya Degaano Xeebedka Somaliland maantana gaadhay Degaanka Lughaya Oo uu ka Dhagax Dhigay Dekad Cusub.

$
0
0

IMG_0248

Lughaya(Halbeegnews)-madax-weynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud Siilanyo Oo Ay waheliyaan Wafti balaadhan oo ka mida Golahiisa wasiirada iyo xukumadiisa, ayaa ku guda jira maalintii labbad ee socodkii uu ku maraayay gobalada Awdal Iyo selel kaasi oo ahaa sidii uu ugu kuudhgali laha isla mar ahaantaana uu u dhagax dhigi lahaa mashaaric laga hir-galindoona Gobaladaasi.

IMG_0259

Madax-weynaha Ayaa saaka ka ambabaxay magaaladad Saylac isaga iyo waftigii uu hogaaminayay iyaga oo u kicitamay, dhankaas iyo lughaya Isla mar ahaantaana Loogu soo dhaweyey si her sare ah.

IMG_0231

madax-weynaha Ayaa intii anu ka bixin magaalda saylac waxaa uu dhex-lugeeyay magaalda isaga oo sidoo kale fagaare weyn kala hadlay dadka ku dhaqan gobalkaasi, intaasi kadina waxaa uu madax-weynaha u unababxay degaanka lughaya.

IMG_0171

1:30 ayaa uu si toosa u soo galay magaalda lughaya isaga iyo waftigii uu hogaminayay iyada oo ay soo dhaweeyeen gudd ahaan shacbiga ku dhaqan magaaldaasi iyo sidoo kale cuqaal odayaal iyo wax-garad siyasiyiin ka soo jeeda degaankaasi, madax-weynaha ayaana dhagx dhigay Deked laga hirgalinayo magaalda Lughaya.

IMG_0189

Halkan ka dhegayso Codka Madaxweynaha ee dhagax-dhiga lughaya, iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin iyo Wasiirka Boosaha oo halkaasi ka hadlay.

110101_003

Idaacadii Saddexaad Oo Caalamiya Oo somaliland Laga Dhageysan Doono Dhawaan 15.03.2014

$
0
0

radio

Warsaxaafadeed ka soo baxay Radio Hilaac ee Laanta Magaalada Helsinki Dalka Finland kuna taariikhaysan 13.03.2014

 

Wargalin : Warsaxaafadeedkan oo ah wargelin lagu wargalinayo bulshada Somaliland.

 

Maamulka Radio Hilaac waxa uu ku wargalinaya bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida daafaheeda ka joogaan in taariikhdu markay tahay 15.03.2014. uu hawada soo galayo Radio Hilaac saacadu markay Sideeda fiidnimo ilaa Sideeda iyo badhka fiidnimo (8:00PM- 8:30PM) ee Afrikada Bari.

 

Radio Hilaac waxa aydun hawada ka dhagaysan doontaand 15180 khz mawjada gaaban ee dhererkeedu yahay 19 meter band oo ah mawjada Shortwaveka ee loo soo gaabiyo SW,maalinkasta marka laga reebo Jimcaha ama habeenimada sabtidu soo galayso,

 

Hadii aad ku sugantahay Bariga dhexe ama Geeska Afrika sida wadamada Somaliland Itoobiya Kenya Somalia Jabuuti Uganda iyo Sudan waxaad u maqli doontaa Radio Hilaac si aad u saraysa waa inaad lahaataa Radiyow saamaxaya in aad ka dhagaysan karto mawjada SW-yada. Waxa kale ood naga dhagaysan kartaa marwalba meelkastood joogto barta internetka ee https://www.radiohilaac.com

 

Ujeedo: Ka dib markii ay isu tageen dadka mida Qurbajoogta Somaliland waxay arkeen in ay tahay laga maarmaan in la helo Radio Dalka wada gaadha si loo kobciyo Saxaafadda Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, Dalkuna u wada socdo

 

Cadayn : Waxa uu Maamulka Radio Hilaac ku wargalinayaa Shacabka, Dawlada Somaliland, Axsaabta Qaranka, Golaha Guurtida, Golaha Baarlamanka, in idaacadu tahay idaacad dhexdhexaad ah isla markaana u dhaxayn doonta oo ay ka simanyhiin  Shacabka Somaliland Asxaabta Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidba. Radio hilaac waxa uu ilaalin doona akhlaaqiyaadka Saxaafadda,  waxa Radio Hilaac  aan laga sii daynayn marnaba warar wax u dhimi kara Karaamada Iyo Sharaf Shakhsi kasta oo Muwaadin ah iyo wixii waxyeelo u gaysan kara qarannimada Somaliland .

 

Radio Hilaac waxa uu mar walba sii dayn doonaa barnaaijyo sare u qaadaaya aqoonta iyo aragtida Shacabka Somaliland

 

Radio Hilaac waxa uu ku leeyahay xarumo  Qaarada Maraykanka State-ka Minnesota, Washiton DC, Nashville Qaaradda Yurub Magaalada London Dalka Ingiriiska Magaalada Stokholm Dalka Sweden Magaalada Helsinki Dalka Finland Qaaradda Eeshiya Dalka Malesiya Magaalada Kulalambur iyo Imaaraadka Carabta

 

Radio Hilaac waxa uu buuxiyey Shuruudaha Caalamiga ah ee xeerka Saxaafadda Aduunka waxa kale oo uu buuxiyey Xeerka Saxaafadda Somaliland.

 

Wixii Faahfaahin dheeraad ah waxaad kala soo xidhiidhaa

 

 

Cumar Cabdi Nuux

Chief of Editor/ Tifaftiraha Guud

Radio Hilaac

Email: radio.hilaac@gmail.com

Phone: +358466302484

Helsinki Finland

EDUCATION IS ESSENTIAL FOR EVERYONE.

$
0
0

40

Education is essential for everyone. It is the level of education that helps people earn respect and recognition. In my opinion, it is indispensable part of life both personally and socially. However, the unequal standard of education is still a major problem that needs to be solved.

The importance of education is undeniable for every single person. It goes without saying that education has a positive effect on human life. All people need to study. Only with the advent of education can people gain knowledge and enlarge their view over the world. For example, learning by watching TV or reading books gives people a huge amount of information about anything they are interested in such as mathematics, current news, exchange rates, other countries’ cultures and so on. Apparently, people may become more useful and civilized if better educated. In areas where residents are not able to receive an appropriate education, life cannot be as thriving and prosperous as locations where there is a high standard for education.

Secondly, education plays such a rudimentary role on our society that we cannot even imagine a life without it. It is a determined element for the civilization of human society. Not only does it helps us develop healthy surroundings but it also generates an advance community. As a matter of fact, everything we create today is based on the knowledge that we obtain throughout our life by way of education. This assists scientists in inventing equipment and devices, resulting in a high technology nowadays. The more developed life becomes, the more necessary education is for everyone.

Although education has a significant influence on life, the average education is not the same in different areas. As a result, strategies are being made to resolve the problems. Without education, life would be disastrous and detrimental. Consequently, to this day, we are trying or best to make education global and accessible for everyone particularly the poor and the disabled. There are still some places where the inhabitants are almost completely uneducated, causing a serious lack of knowledge. Additionally, every child should should be given equal opportunities to learn and study. Because the development of a country depends vastly on the standard of education, it must do everything in its power to improve it. Although the educational systems of different countries are not similar but they have to share a common goal which is to provide its citizens a suitable and proper learning.

In conclusion, education is absolutely beneficial for society on the whole. It is a life-long process to each person that needs to be reinforced throughout life. However, we need education system that may eradicate illiteracy and may provide the common man an access not only to basic education but also to higher and technical education.

BY: JAMAL ABDALAH  MOHMAED (ABU CIZA)

Waddooyinkan Iyo Shaqo-abuurista Kee Muhiimsan

$
0
0
shaqo
Maanta madaxweyne Siilaanyo laba waddo oo cusub buu dhagax dhigay oo Galbeedka waddanka ah. Isla markiina waxa la soo dhigay inay tahay xukuumaddii ugu wax qabadka badneyd. Horta halkaasi waxaad ka arkaysaa inay tahay campaign, oo dhagax dhig uun ay tahay ee wax la dhameeyay aanay jirin. Haddaba daweynoow idinku xisaabtama 18 km oo Kalabaydh ah ayaa ay afartii sanadood ee uu kursiga ku fadhiyey uu la rafanaayey, ee ma waxay kula tahay inuu dhameeynaayo waddooyinkan ee waagii ka beryey ee ay sanadkan doorashadda u hadhsan dhagax dhigaayeen. Horta waa xukuumad nasiib leh oo waddankii oo dhaqaalahiisii fiican yahay, maadaama ay xukuumadahii ka horeeyey u shaqeeyeen ayeey la kulmeen waddanka oo ay qabsadeen, iyadoo nabaddii iyo wixii adkaa oo dhan loo sii farsameeyey. Canshuurihii ayeey cirka geeyeen oo lacag xad dhaaf ah baa ina soo gashay, Sanduuqii horumarinta Somaliland oo xilligii Riyaale laga soo shaqeeyey ayeey xukuumaddani la kowsatay, waana sababta uu Siilaanyo maanta xadhiga wax k jaraayey markii ugu horeysay. Markaa ma xukuumaddan baa ku faanaysa mise tii ka horeysay, malaha wey wadda yeelan karaan guushaasi. Waxaan arkaayey xukuumaddan Kulmiye oo iyadoo sanad u hadhsan yahay doorashadda xiiqsan oo kolba imika waddooyin cusub dhagax dhigaysa. Waa sidii ay UDUB sameyn jirtay uun oo sanadka ugu danbeeya ayaa doorashadda la xasuustaa.
Haddaba maadaama dadkeenii boqokiiba 90% ay shaqo la’ yihiin; dadku ma waddooyin bay cunayaan inkastoo aynu u baahan nahay. Dadku biyo ayeey rabaane ma waddooyinkaa uga muhiimsan? fadlan xukuumaddan is diyaarinta iyo campaignka ku jirtaa ee xisbiyadda mucaaridka ahna u diidan goboladda tagaan; ha ka daayaan dadka indho sacraadkan waalan iyo xukuumaddan beenta ka iibinaysa. Xatooyaddii ummaddu halkii ugu sareeysay bay maraysaa, wasiiradeediina millionaro ayeey noqdeen. Horumarka ay sheeganayaan ma dhagax dhisitan baan?
Yasmin Ali
USA

Telefoonadda Gacanta Ee Qaar Ka Mid Ah Dadkii Rakaabka Ahaa Ee Saarna Diyaaradda Malaysian Airlines Ee La La’yahay Oo Dhacaya Balse Aan La Qabanaynin Iyo Cirlaliska (Satelite) Oo Qaban La’a Halkay Ku Suganyahiin

$
0
0

kuala lumpur

Arbaca 12 March 2014 Kuala Lumpur (Halbeegnews)– Qaar ka mid ah eheladda 239 qof oo ahaa rakaabka diyaaraddii Malaysian Airlines ee sumadeedu ahayd MH370, oo todobaadkii hore la waayey iyadoo marka ka duushay gegida diyaaradaha ee Kuala Lumpur Intl Airline kuna sii jeeday magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha, ayaa sheegaya in telefoonadda gacanta ee eheladooda diyaaradda saarna ay dhacayaan, balse aan la qabanaynin.

Gabadh dhalashadeedu tahay Chinese oo walaalkeed ka mid ahaa rakaabka diyaaradda saaran ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters inay saaka subaxii wacday ama garaacday telefoonka gacanta walaalkeed, isla markaana uu dhacaayey, balse nasiib darro aan la qaban, waxay sheegtay inay marlabaad ku celisay inay garaacdo ama wacdo telefoonkiisa gacanta oo uu sidoo kalana dhacaayey balse aan la qabaynin “gacmaha iyo lugaha ayaa i gariiray markaan arkay telefoonkiisa oo dhacaya, waxaan aaminsanahay inuu noolyahay” ayey tidhi gabadhaasi.

Nin kale oo isaguna ku sugan magaalada Beijing ayaa sheegay in telefoonka gacanta ee walaalkii uu dhacaayo, balse markuu laba jeer dhaco uu u muuqdo in qof goynayo.

dhammaanba telefoonada ayaa waxaa loo gudbiyey dalalka China iyo Malaysia, iyo sidoo kale shariikadda diyaaradaha Malaysian Airlines oo baadhitaan ku haysa arrintani.

Diyaaradda Malaysian Airline MH370, oo ay saarnaayeen dad tiradoodu gaadhayso 239 qof ayaan weli cid garanaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigtay, waxaana laga baadi goobaya biyaha bedda bedaha loo yaqaana Mallaca Strait iyo biyaha bedda Andaman oo ah biyaha u dhexeeya dalalka Vietnam iyo Malaysia.

Halbeegnews, Kualumpur

contact@halbeegnews.com


Qamar Sanaaci (Satelite) Uu Leeyahay Dalka Shiinahu Ayaa Hellay Qalcad Ka Mid Ah Diyaaraddii Malaysian Airlines MH370 Goor Dhawaydna Shaaciyey Sawirada Daawo Sawirada

$
0
0

Khamiis 13 March 2014 Beijing (Halbeegnews)–Dawladda shiinaha ayaa maanta goor danbe waxay bog ay maamusho haayadda sayniska iyo cilmi baadhista u  qaabilsan dalka shiinahu shaacisay sawiro uu qaaday qamar sanaaci laga leeyahay dalka shiinaha oo muujinaya qalcad weyn oo dhex taalla biyaha koonfureed ee  bedda shiinaha, taasi oo si weyn loogu malaynayo inay tahay qayb ka mid ah diyaaraddii Malaysian Airlines MH370 oo jimcahii todobaadkii hore muuqeeda la waayey, ka dib markii xidhiidhiyahii diyaaradda iyo raadaalka xarunta dhexe ee diyaaradda Malaysian Airlines uu lumay.

Sida lagu sheegay boggani dawladda shiinaha, sawirada ayaa la qaaday Axaddii todobaadkii hore, balse waxaa uun lagu shaaciyey bogga dawladda shiinaha maanta Arbacadii goor danbe, waxaana qalcadaasi uu cabirkeedu yahay 24 M x 22 M.

Balse markii warkani lagu shaaciyey boggani laga leeyahay dalka shiinaha, ayaa sida wakaaladda wararka dalka faransiisku ay shaacisay war ay ka soo xiganaysay haayadda sirdoonka dalka maraykanka ee CIA, qamac sanaaci laga leeyahay dalka maraykanka oo ah nooca loogu tallo gallay basaasidda, ayaa xaqiijiyey inuu qamar sanaacigaasi marka diiradda ku hayey goobtaasi, isla markaana aanay jirin wax qarax ah oo ka dhacay goobta laga hellay walaxdani.

Farriintii Ugu Danbaysay Ee Duuliyaha Diyaaradda MH370 Uu Soo Tabiyey

Diyaaradda Malaysian Airlines ayaa shaacisay codkii ama farriintii ugu danbaysay ee uu duuliyaha diyaaradda Malaysian Airlines MH370 hagaayey uu gudbiyey oo ahayd “wax weliba way fiicanyahiin Roger” isagoo u jawaabaayey mid ka mid ah hawl wadeenadda radaalka fadhiyey.

Eheladdii Dadka Saarna Diyaaradda Oo Ka Cadhaysan Xog La’aanta iyo Gabaabsiga Shariikadda Malaysian Airlines

Boqolaal ka mid ah eheladii 239 qof ee ahaa rakaabka diyaaradda Malaysian Airlines, ayaa ku soo qul qulaayey magaalada Kualampur ee xarunta u ah diyaaradda, waxaana la dareemaayey cadho iyo hugun ka baxaayey oo ay kula dul dhacayeen maamulka diyaaradda.

Haayadda CIA Oo Sheegtay In Wax Weliba La Fili Karo Inay Sabab U Ahaayeen Burburkani

Laba maalmood ka dib markii la waayey diyaaradda Malaysian Airlines MH370, ayaa waxaa soo baxay in laba qof oo dhalashadoodu Iranian yahiin oo diyaaradda raacay, ay wateen baasabooro foojari ah, waxaana soo baxay tibaaxo iftiiminaya in diyaaradda la afduubay, balse haayadaha sirdoonka dalalka maraykanka iyo haayadda INTERPOL ayaa xaqiijiyey in labada qofba ay ahaayeen tahriibayaal caadi ah oo aan looga shakiyi karin inay falal afduub ah ku dhaqaaqayaan.

Madaxa haayadda CIA ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in duuliyaha diyaaraddu uu naftiisa khaarajiyey, taasina ay keentay inay diyaaraddu burburto, balse tibaaxdaasi ayaa waxaa ganafka ku dhuftay maamulka Malaysian Airlines oo sheegay in duuliyahoodu ahaa nin aan looga shakiye karin arrimahaasi, isla markaana 22 sannadood u shaqaynaayey Malaysian Airlines.

Hoos Ka Daawo Sawirada Lagu Shaaciyey Bogga Haayadda Saynis iyo Cilmi Baadhista Dalka Shiinaha Ee Walaxda Loo Malaynayo Diyaaraddii Malaysian Airlines Oo Laga Qaaday bedda koonfureed ee dalka shiinaha

malaysian malaysian1 malaysian2 malaysian3

 

Halbeegnews, Kuala Lumpur

contact@halbeegnews.com

 

 

 

Ogaysiis Halbeegnews: Cilad Weli Naga Haysata Tiriya Cododka Visitors Counter

$
0
0

save

Haddii aanu nahay Bahda Halbeegnews waxaanu ka raali gelinayna dhammaanba dadka ku xidhan shabakadani caalamiga ah ee Halbeegnews, cillad naga haysata barnaamijka loo yaqaano Visitor Counter oo badanka tiriya inta qof ee booqatay war ama qoraal ama muuqaal kasta oo Halbeegnews ka baxa.

Tirada uu barnaamijkaasi soo saaraayey lixdii bilood ugu danbeeyey waxay ahayd mid khaldan oo aad iyo aad iyo aad uga hoosaysa tirada dhabta ah ee inta qof ee booqatay, iyadoo tusaale ahaan war ama qoraal ay akhristeen 4000 (Afar kun oo qof) dad ka badan uu soo saarayo inay 60 qof oo qudha ahi booqdeen, taasi oo ah khal khal iyo cillad ku jirta barnaamijka oo aanu dhawr jeer isku daynay inaanu cillad saarno.

Cillada ayaa ka timid ka dib markii qofkii sameeyey Plugin kaasi aanu dib u dayac tirin, isla markaana Halbeegnews oo isku dayday inaanu la wareegno gebi ahaanba Plugin ka aanu waynay ciddii lahayd oo aanu qiyaasayno inaanu noolayn.

Haddaba Halbeegnews waxay maalmaha soo socda haddii alla idmo ku bedeli doonta Plugin cusub oo si dhab ah usoo bandhigi doona inta qof ee akhrisatay qoraal ama war kasta, waxaananu idinka raali gelinayna muddada cilladaasi jirto, anagoo idinku wergelinayna inaanay tiradu sax ahayn ee aydaan isku hallayn

Maamulka Halbeegnews

Gudoomiye xigeenka maaliyadda degmada baydhabo oo ka hadlay wafdigii Turkiga ee Baydhabo soo Gaadhay iyo balanqaadyadii ay sameeyeen.

$
0
0

 

gud

baydhabo(halbeegnews)-Wafdi ka socday dowladda Turkiga ayaa shaley gaadhay  magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay danjire ku xigeenka dalka Turkiga ee Soomaaliya.

Sidoo kale wafdigan Turkiga ah ayaa waxaa la socday, C/qaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Turkiga, waxaana kusoo

dhaweeyay Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Wafdigan ayaa isla maanta booqday goobaha waxbarashada iyo isbitaalka wayn ee magaalada Baydhabo,

Mas’uuuliyiinta hoggaaminaysa wafdigaasi ayaa sheegeen inay Baydhabo u yimaadeen sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladaha caafimaad iyo waxbarasho magaalada Baydhabo.

Mudane maxamed isaaq ibraahim gudoomiye ku xigeenka labaad ee maaliyada degmada baydhabo ayaa maanta waxaa uu u waramay warbaahinta radio hirad ee u taala hargeisa isagoona sheegey gudoomiyaha iney zaaid ugu hanweyn yihiin in wafdigii ka socday turkiga balan qaadyadii ay sameeyeen ay fuliyaan.a

Gudoomiye afloow ayaa sidoo kale waxa uu sheegey in xaalada amaan ee magaalada baydhabo ay si buuxda iyaga gacanta ugu hayaan. Shacabkana ugu baaqay ineysan ka wel welin falalka amni daro ee alshabaab mararka qaar ayka sameeyaan gobolada kale ee dalka sida caasimada soomaaliya ee muqdisho

Talyaha Saldhiga Qudhac Dheer Iyo Guddomiyaha Garsoorka Oo Isku Dhacay Xili La Sii Daynayay Eedeysane Maxkamadu fasaxday isla Mar Ahaantana Uu Diiday Talyahu.

$
0
0

index

Hargaysa(Halbeegnews)-falkii ugu foosha xumaa ayaa shalay Gil-gilay Maxkamadda Gobolka Hargeysa kadib markii Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer Axmed Dacawo diiday Amar uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal C/laahi Ismaaciil (Dhaga-dhago) ku amray in uu Damaand ku sii daayo Ganacsade la yidhaahdo Maxamed Axmed Geelle (Gaa-gaab) kaasoo kaalin shiidaal ku haysa agagaarka Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali ama (Gacanta).

 

Amar diidada Taliyaha saldhiga Qudhac-dheer ku sameeyey Amarka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ayaa shalay sababtay markii Maxkamadda la horkeenay ninka ganacsadaha ah in uu Guddoomiye Faysal C/laahi Ismaaciil Maxkamadda horteeda ka sii daayo, taasoo uu markale Taliye Axmed Dacawo diiday in uu fuliyo taasoo sababtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Booliiska amro in la xidho Taliyaha, laakiin Booliiskii goobta joogay ayuu Taliyaha saldhigu Amray in aanay taaban Karin, taasoo hadana sababtay in Guddoomiyuhu Amarka Xadhigiisa siiyo Booliiska Gaarka u ah Maxkamadda.

 

Booliiskii Goobta joogay ayaa kala saftay isla markaana qoladii Taliyuhu watay iyo kuwii kale ayaa hanjabaad iyo dagaal af-ka ahi dhex maray, iyagoo kuwii Taliyaha ilaalinayey ay diideen in la xidho, dhacdadan oo gaadhay marxaladii ugu xumayd oo ka dhex dhacday Maxkamadda Dhexdeeda ayaa shalay Dadweynihii goob jooga u ahaa ku abuurtay Yax yax iyo amakaag kadib markii ay cakirantay xaaladda Maxkamadda oo aanay markaas rasaastu af-ka qoryaha ka bixin uun.

 

Dhacdadan dhex martay Taliya Axmed Dacawo iyo Guddoomiye Faysal dhaga dhago ayay Dadweynihii Goobta joogay ku biireen dhinaca Garsoorka, waxaanay Xoog kaga fur fureen Ganacsadihii ay haysteen, iyagoo Booliiska ugu hanjabay haddii Go’aanka Maxkamaddu socon waayo in aanay iyana Dirayska xidhnaan doonin, waxaanay Ganacsadihii ku soo xareeyeen gudaha Maxkamadda iyagoo uga dhaartay in ay kaxaystaan.

 

Dad goob joog ahaa ayaa Wargeyska Waaheen  u sheegay in goor danbe uu soo gaadhay xarunta Maxkamadda Gobolka Hogaanka Hawl-gelinta ciidanka Booliiska Gaashaanle sare Maxamed Ducaale Cali kaasoo kulan albaabada uu u soo xidhay la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Taliyaha Saldhiga Qudhac dheer, hase yeeshee war faahfaahsan lagama helin kulankooda wixii ka soo baxay.

 

Ilo wareedyo goob joog ka ahaa dagaalka dhex maray Taliyaha iyo Guddoomiyaha ayaa sheegay in Taliyihii Saldhiga Qudhac-dheer iyo Ciidankiisii ka huleeleen Maxkamadda iyagoo fara madhan, hase yeeshee warar kale oo dheeraad ah oo  Wargeyska Waaheen ka heshay dad u dhuun daloolay dhacdadan ayaa sheegay in Booliisku Suuqa ka kaxaysteen nin ay Ganacsadaha walaalo yihiin oo la yidhaa Siciid Axmed Geelle, kaasoo ay u haystaan walaalkiisa Maxkamaddu ka sii daysay.

 

Dhinaca kale, warar Hoose oo ayaa  Shegaya in  bahda Garsoorka  in ay arrintani aad uga cadhaysiisay isla markaana Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa uu qorshaynayo Dacwad ka dhan ah Taliyaha uu uu u gudbinayo Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qaranka si ay usoo xidhaan Taliyaha saldhiga Qudhac-dheer ee diiday Amarka Maxkamadda, isla markaana ka abuuray xasilooni darada.

 

Wararka dheeraadka ah ee Wargeyska Waaheen ka helay khilaafka Taliyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegaya in uu la xidhiidho dhacdo Tuugo ah oo ka dhacday Kaalin shiidaal oo uu leeyahay Gancsadaha maxkamaddu sii daysay kaasoo mid ka mid ah shaqaalihii uga shaqaynayey kaalintu ka xaday lacag, talaabadaas oo qaar kale oo isla shaqaaluhu inta ay ka shakiyeen iyagoo qori sita la tageen masalaha, kadib markii ay u hanjabeena uu qirtay.tuugadaasi.

 

Dhacdadaas ay sameeyeen shaqaalaha Kaalintu ayaa dhamaantood loo wada xidhay kii xaday iyo kuwii qoriga ku qabtayba, hadana waxa ay Booliisku xidheen Mulkiilaha Kaalinta iyagoo ku haysta qorigii lagu qabtay ninka iyo Moobilkiisiiba in uu keeno, balse qaar ka mid ah Ehelada oo dhex galayey ayaa Maxkamadda ka dalbaday si uu u keeno waxa laga doonayo in ay damaanad ugu sii daayaan, taasoo markii ay Maxkamaddu ka aqbashayna Taliyaha Saldhiga Qudhac-dheer ku diiday.

 

Diidmada Taliyaha Booliiska ayaa u muuqda mid taageero ka haysta Saraakiisha ka saraysa ee Booliiska, iyadoo Amar diidadiisu ku soo hagaagayso maalmo yar uun kadib markii wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland si toos ah u diiday fulinta Dacwadaha Garsoorka ka soo dhamaada kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ay ku arkeen cadaalad darro, iyadoo sidoo kale-na wasiirka Arrimaha guduhu ka hor ku-xigeenkiisa ku Eedeeyey Garsoorayaasha Laaluush in ay ka qaataan Dadweynaha waxay doonaana xukumaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ah masuulka ugu sareeya Dalka ayaan waxba ka qaban khilaafka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Garsoorka, iyadoo ta kaga sii daran Garsoorku ay tahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Garabka saaray Xukuumadda halkii uu kala safan lahaa Guddoomiyayaashiisa Maxkamaddaha Hoose.

Hargaysa Halbeeg office

Xigasho Wargeyska Waaheen.

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed”Madax-weyne Xasan Sheekh

$
0
0

madax0w

Jabaan(Halbeegnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe.

madax

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud  Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ka dib kulan  labo dhinac ah oo ay kaga  hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah  shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan  bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan  sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf caawa ugu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 5aad Bogga Khamislaha Ah ee Boobe Yuusuf Ducaale.

$
0
0

Boobe

Untitled 

Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

 “Maalintaan gacan-qaado,

  Aan wax garaac is-idhaahdo,

  Hadba laan ma gammuuro e’,

  Geedku hays wada raaco e’,

  Gun hoosaan ku simaa,”

 

Geeraarka Gelbis, Timacadde, 1960kii,

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

13/3/2014ka, Hargeysa

Qormada: 1aad

Hordhac

Waa Khamiisle-taraar……Waa taxane….Qalinkii iyo tawaaddii ayaanan wax badan ka tuujin……Qabyadaa badan……Qalinka dararay tawaaddana ku dhex raday in uu qallaha iska rido ayuu doonayaa……Gacantuna ma daallana….. Garashadu sidii ayay weli ii dudduucdaa….. ……Goortu waa goorteed…….Wax la rajaana rag kuma sama.

Khamiislihii maalinta qudh ah ahaa ayaa igu fillaan waayay, markaas ayaan is-idhi intii ay Khamiistani caddaysimo ahaan lahayd waxoogaa dadka ka marriin oo weliba Qormooyin kale dhibaad u raaci ee iga guddooma. Berri waa Jimce oo waa nasasho ee Sabtida iyo Axadda ayaa raaci doona haddii Eebbe oggolaado.

Innaga oo ku jirna bishan Maarj, 2014ka, suuro-gal ma tahay in aynu qabsanno doorashadii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada bisha Juun 2015ka, haddii Eebbe idmo?

Waa amba-baxeenna maanta, qormadu meel ay inala martaba, idinkuna ha samir darraanina.

In qof la doortaa waa xil iyo gudshadii. In Gole la doortaana waa xil iyo gudashadii. Qof iyo Gole mid uu yahayba xeerar biraysan oo xalaal ah iyo qodobbo dastuuriya ayaa lagu doortaa. Qof iyo Gole mid uu yahayba waajibaad, xilal iyo muddo-xileed dastuuriya ayay leeyihiin oo ay gabbood-fal dastuuriya tahay in ay ku-xad-gudbaan.

Waa ayaan-darro haddii uu qofkan la dooranayaa u qaato in uu weligii meesha joogayao. Waa halkii Cabdillaahi Cabdi Shube e’: “Wax waliba way fasakhmaan.”

“Xil-dhibaan mar la doortay,

 Haddii uu dirgan waayo,

 Damco uun kursigiisa,

 In uu daayinkii haysto,

 Durba wuu fasakhmaa,

 Oo danayste noqdaa,”

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa xil dastuuriya oo saaran hadba inta xilka dawladeed haysa. Waa hawl ka dhexeysa: Xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Xeer-dejinta, Komishanka Doorashooyinka, dawladaha taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo intii kale ee ay adeegsadaanba. Waa xil si gaar ah u saaran shacbiga iyo saxaafadda oo ay tahay in ay si taxaddar leh had iyo jeer ku baraarugsanaadaan.

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa qasab. Amarka Ilaahay in ay ku qabsoomaan weeye. Waa in ay dedaalkeenna iyo xil-kasnimadeenna ku qabsoomaan. Ma aha cid kasta oo la doortaa in ay been ku dhaarato, kursiga ku fadhiisato, ka dibna loogu taag waayo xilligiinna waa uu dhammaaday e’ ka soo dega. Ma aha in ay sida mara-boobta ku dhegaan kuraasida oo ay ‘Aabbahay goblin miciinsadaan.’.

Awoodda iyo karaamada qarannimada

Waxaaba marka laga soo tago haddii ay Mabaadiida Guud ee Dastuurka Qaranka dhowri waayaan dadka la doortaa – Madaxweyne ilaa xildhibaanno – maxaa shacbiweynaha la dulmiyay ee xuquuqdoodii la duudsiyay laga sugaaya ama laga filan karaa? Xubinta 1aad, Qodobka 1aad, Faqradda 2aad ee Dastuurku waxay leedahay:

“Awoodda iyo karaamada qarannimada waxa leh shacbiga, wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”

Hadda ha u qaadanina in uu yahay Qodob dastuuriya oo keliya. Xaasha! Waa Qodob gaashaaman oo ku jira Mabaadiida Guud. Weliba Faqradda 2aad ee Qodobka ugu horreeya Dastuurka. Muwaaddinka dhabta ahi wuu og yahay, dhawaan-xoolowga dhan-dahamada sedka moodayna cidi wax weydiin meyso. Muuwaaddin, yaan lagu dhaafin xuquuqdaada. Dalkan karaamadiisa iyo haybaddiisaba shacbiga ayaa iska leh, sidaa uu Dastuurku qeexayo, xinjir baana lahu qoray oo wax si fudud u tirmaya ma aha.

Ma Madaxweynahaa, ma ku-xigeenkaa, ma inta kale ee aad cod ku doorateen baa? Waa ay kuu adeegaan. Shacbigaa dirtay, iyaga ayay u shaqeeyaan. In ay innaga inoo sarakacaan weeye, ma aha in aynu innagu u saro-kacno oo weliba ka dhigno waxaanay ahayn. Ma aha in aynu ka dhigno awood wax kasta bixin karta. Xaasha! Awooddoodu waa ay xaddidan tahay oo xeer ayaa sar-jaraya.

Dastuurku miyaanu kaas ahayn? Xaggee naloogu durdurinayaa ee hadba ciidammo sheydaan oo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen saqaha dhexe la isugu soo dalbanayaa? Sow tan aynu mar labaadka dadkii la xasuuqay mar kale si sharaf leh u aasaynno? Durba miyaad illowdeen, waa halkii Ibraahin Gadhle e’.

Muddo-dhaafka Golayaasha Xeer-dejinta

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la kala magacaabay. Gabow, geeri iyo geeddi lagu goblamay oo dibadeed ayaa dhammeeyay. Ilaa maantadaa aynu joognana diyaar uma aha in ay beddelkoodii diyaariyaan. Waxaad mooddaaba waxyaabo aynu beryo hore kari jirnay in aynaan maanta tamar iyo taag midnaba u hayn. Dunidii ina majeeran jirtay ee tusaalaha nool ee Soomaaliyeed inoo haysatay ayaa hadba inaga sii durkaysay oo sii niyad-jabaysa. Dibudhacaasi wax kale kuma imanayo oo aan ahayn damac kooxeed iyo qofeed oo aanay innaga dani inoogu jirin ummad ahaan. Golayaashii iyo madaxdii qaranka ayaa xilalkii loo igmaday u qaatay shaqo la siiyay. Nimanku shaqo-beelka iyo waayaha dalka ka taagan u nugulaa. Aniguba, aniga oo aan shaqo hayn sownigan nool. Ilaahay miyay ka quusteen. Subxaan!

Golaha Deegaanku sidii loo doortay 2002dii ayay iskaga fadhiyeen sidii wax kuraasida la amaahiyay. Noofambar 28dii, 2012kii ayay doorashadii 2aad dirqi iyo si fool adag ku qabsoontay. Waa aynu ku rogman gaadhnay, xanafteediina ilaa maantadaa aynu joogno waa ay taagan tahay. Waa doorashada keliya ee ay xukuumaddeenan amaan-jecel, waddo-walaf qabatay intii ay xilka haysay. Wallaahi, tu kale si ay ku qabanna Ilaahay baa og.

 (La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

DHEH CARUURTAADA YAA DHALAY MIRQAAN AWGII !!!

$
0
0

40

Waa qormo kale oo aan kaga hadlayno mid kamid ah dhibaatiiyonka qaadku uu u leeyahay bulshada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iyo sida uu gobonimo darada ugu riday umadii soomaaliyeed ee lagu yaqaanay ciziga iyo sharafta isla markaana lagu majeeran jiray in ay tahay hormoodka u madaha kale.

bulshada soomaaliyeed waxay ahaan jirtay bulsho caafimaad qabta oo ka fayaw balwada qaadka iyo maan dooriye dhamaantiis waxaa jirijirtay iyadoo odayaashu marka qaadka ay qaataan ay iskaga kaci jiren salaada casar kana cadayan jireen danohoodana ku foofijireen oo aanu haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan jirin balse sidaa cagsigeeda waxaa uu inaga dhigtay maxmiyad uu isagu iska leeyahay oo aynaan  dayn karin sidaa si lamidana aan yarayn karahayn waxaynu wada siinay nafteena waxaan  aaminay in hadaan dayno ay balaayo inagu dhacayso ama ay jirayso wax xaraaro la yidhaaho  oo aanad ka shaqaysan karahayn.

hadaba hadaan intaasi taabasho guud kaga imaado aan u guda galo badhaadhaha maqaalka ee maanta waa waayada ka mid ah ayaa waxaa jirijiray nin muqayil ah oo aan u naqaano habeen noole oo macneheedu yahay habeenkiiina waa qayilaa maalintiina waa hurdaa oo wax aduunyada ka dhacaya war u mahayo ninkan odayga ahi waxaa uu qaataa biil dibada looga soo diro hantina waa iska leeyahay dhaxal ah aabihiis xoogsaday oo uuga tagay oo dhawr bakhaar ayaa u kiraysan iyo guri xaafadeedyo sidaa awgeed habeenkiiina waa qayilaa maalintiina waa hurdaa ninkan isaga ahi noloshiisii caadiga ahayd waxaa uu ka dhigay mid jaha wareertay oo madaxiisa ayuu mijo u rogay  noloshana guud ahaan waa ka dhacay ninkani war uma hayo xaafadiisa iyo caruurtiisa mana yaqaano waxay ku sugan yihiin sidoo kale maba kala yaqaano caruurtiisa oo waxaa ugu danbeeya maalinta ay dhashaan ilayn waa nin habeenkiina qayilaad ku maqan oo iyaga oo hurda ayuu yimaadaa maalin oo dhana waa hurdaa warba kama hayo xataa makala yaqaano siday ukala egyihiin iyo midabadooda intaba.

Sidoo kale mayaqaano meel ay wax ka bartaan iyo inta ay leegyihiin iyo dhamaan axwaashooda oo dhan iyadoo xaaladu sidaa tahay ayaa waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah ayuu soo yara dhakhsaday isla markaana waxaa uu la kulmay wiilkiisa curad oo hada nin wayn ah waxaa uu la joogaa hooyadii dabeeto waxaa u soo galay  aabihiis oo aan waayadan arag oo qaad ku mashquulsanaa markaliya ayaa waxaa odaygii ka soo yeedhay iska warama waxaa loogu jawaabay waa nabad hadana waxaa uu dhahay wiilkana waa kuma waxaa lagu dhahay waa hebal waxaa uu ku celiyey oo waa ina ayo halkaasi markuu maraayo ayaa gabadhii iyo wiilkiiba naxdin isla qaboobeen gabadhii ayaa waxay ku tidhi walal waa wiilkeenii curad ee hebel hadana waxaa ka soo baxday kalmad kale oo aan sax ahayn oo ah oo goormuu intaa leegaaday gabadhii waxay ugu jawaabtay intaad qaadka cunaysay ayuu intaa leegaaday dabeeto waxaa uu yidhi oo maxaa qaadkayga iyo afaarahayga kaa galay waxay ku tidhi walaal waad isnacday oo noloshaada waad ku ciyaartaye is daba qabatee oo iska daa qaadka walal waxaa uu ku jawaabay qaadkayga iyo amuurahayga ka bax hadii kale wax kale ayaad isku arki, waxay tidhi walal waad iska hadashay oo waayadanba anuuba dirqi ayaan guriga ku joogay waayo nin waalani ima qabi karo mana wada joogi karno waa inaad warqadayda isii saa isagoon isba dhibin ilayn waa nin waalan oo daroogo waashaye waxaa uu yidhi waad furan tahay, sheekadii waxay socotaba waxaa ay gaadhay meel aan laga soo noqon karahayn reerkiina sidaa ayuu ku dumay waana lagu kala tagay.

bal hadaba waxaad qiyaastaa qaadku dhibka uu u horseeday reerkaasi dhan ee daganaa waxa kala gaadhay waxaa kale oo aad eegtaa odaygan wiilkiisi uu isagu dhalay  garan waayey markii loo sheegayna baladu ka higtidhi ee ay sababta u noqotay in reerkiiba burburo.

guntii iyo gaba gabadii waxaan dhahaynaa waar waad aragtaanoo qaadku waxaa uu inala marahayaa meel aan caruurteena kala garan wayno oo aan dhahno ayaa dhalay sidaa awgeed waa inaad iska daysaa cunista qaadka iyo hawlihiisa waayo waa dilaa aan naxariis lahayn.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

 


MURSI XADHIGIISII, DOORASHADIISII ILAA MAXKAMADEYNTIISII! W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI

$
0
0

kk

WAA KUMA MAXAMED MURSI

Maxamed Maxamed Mursi Ciise Cayaad isagoo ku caan baxay Maxamed Mursi wuxuu ku dhashay 22/08/1951, tuulo lagu magacaabo “CADWAH” oo ku taal waqooyiga dalka masar, wuxuu ku barbaaray isla tuuladaa kuna dhex korey qoys jilicsan, aabo beero qodaal ahaa iyo hooyo guri joog ahayd. Wuuxu la dhashay labo hablood iyo saddex wiil, wuxuu galay dugsi hoose iyo dhexe, kadib markuu dhameystay wuxuu u wareegay caasimadda qaahira si uu u sii wato waxbarashadiisa.

Mursi wuxuu heerkiisii jaamacadeed ku dhameystay Qaahira, isagoo qaybta injineerinka ka qaatay shahaada masterta sanaddii 1975, kadib wuxuu u baxay dhinacaa iyo maraykanka si uu waxbarashadiisa u dhamayastiro isagoo sanadii 1982 qaatey shahaadada PHD-da, kadib wuxuu ku soo guryo noqday dalkiisii hooyo wuxuu hormood ka noqday kuliyada injineerinka ee jaamacadda” ZAQAASIYA” sanadihii u dhaxeeyey 1985-2010, sidoo kale wuxuu macalin ka noqday jaamacado dhawra oo kale.

Maxamed Mursi ayaa guursaday sanadii 1978, gabadh lagu magacaabo “NAJLAH MAXAMUUD”, waxaanay u dhashay shan caruura oo kala ah afar wiil iyo gabadh, qoyska mursi ayaa noqday wada aqoonyahano iyagoo iskugu jira macalimiin jaamacadeed iyo dhakhaatiir.

MURSI IYO SIYAASADDA.

Maxamed Mursi wuxuu ku biiray Ikhwaan Al Muslimiinka 1979, sanadihii 1995 ilaa 2000 wuxuu isku sharaxay golaha Baarlamaanka waanu ku guulaystay, doorashooyinkii dhacay 2005-kii ayuu mursi noqday mid codad badan kaga saro maray kuwii la tartamayey. Mursi ayaa ahaa mid ka dhex caana golaha intuu ku jiray golaha wakiilada, wuxuu ahaa mid ka qayb qaatay dhawr urur oo is-badel doon ahaa wakhtigii Xusni Mubaarik, taas oo ay ugu caansanayd midowgii 40-kii urur ee loogu magac daray isku-tagii Dumaaqaadiyada sanadkii 2011, kadib golaha dhexe ee Ikhwaanka ayaa 30/04/2011 u doortay gudoomiyaha Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada.

ISKU TAAGIISII XILKA MADAXTINIMO IYO XIL KA TUURISTIISII.

Maxamed Mursi ayaa ikhwaanu muslimiinku u doorteen musharax madaxtimo sanadkii 2012, mursi ayaa ahaa mid waajahay tartan adag taas oo uu la galay sagaal tartame oo kale, waxaana ugu waynaa loolankii uu la galay wakhtigii doorashada Axmed Shafiiq, laakiin nasiib wanaag Mursi ayaa noqday mid u dheereeya dhinaca guusha. 24/06/2012-kii ayey ahayd markii gudidii doorashadu ku dhawaaqday inuu Mursi ku soo baxay doorashadii celcelis ahaan 51.71%.

30/06/2012 ayaa loo dhaariyey xilka madaxtimo ee dalka masar markii gacantiisa midig maxkamadda horteeda ku saaray kiitaabka ALLE “swt”, dhaartaas oo ay ahayd mid ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynayaal, Safiiro Dawladeed, Shakhsiyaad caan ka ah dunida, iyo madaxdda Qaramada Midoobay.

Maxamed Mursi ayaa  u guntaday sidii u hagaajin lahaa xukunka markii xilka uu qabatay, wuxuu soo magacaabay Raysal Wasaare ay isku fikir dhawaayeen, magacaabidaa kadibna wuxuu soo dhisay Raysal Wasaarahaasi dawalad u badnay dhinaca ururkii uu ka soo baxay, taas oo keentay in kacdoon kaga yimaado, waxaana xusid mudnayd in aanay ku jirin xubnihii wasiirada gabadhi, taasi noqotay carqalad kale oo soo waajahday dawladii mursi hogaaminayey.

Madaxweyne Mursi ayaa la sheegaa inuu wax ka bedelay cadaalad daradii uu ka tagay xukunkii ka horeeyey, isagoo jeelasha ka sii daayey dad tiro badnaa oo taliskii ka horeeye xidhxidhay, Mursi ayaa la tilmaamaa nin wax ka bedelay qaabka ay u shaqeynayso dawladu iyo xidhiidhka ay la leedahay bulshada, sidoo kale xidhiidho fiican ayuu la sameeyey wadamada carabta iyo dawladaha Iraan iyo Turkiga, waxaanay isku dhaceen xukunkii mursi dawladaha Itoobiya iyo Israaiil.

Maxamed Mursi ayaa  waajahay kacdoono badan taas oo ay hogaaminayeen xisbiyadii mucaaridku ka soo horjeeday xukunkiisu, waxaayana kacdoonadaasi bilaabmeen 07/2013, sababo tiro badan ayaa loo aanaynayey ka soo horjeedka xukunka Mursi ee dhaliyey kacdoonadan, hase yeeshee qaar kala go’a may noqon mudaharadadaasi waxayna wadadda u xaadheen inay xilka ka huleeliyaa dawladii uu gadhwadeenka ka ahaa maxamed Mursi, waxaana taladii wadanka afganbi kula wareegay milatarigii waddaankaas.

MURSI IYO XADHIGIISII.

Musri ayaa ahaa mid dhowr jeer oo kala danbeeyey galay jeelka, taas oo ay ugu dheerayd markii uu ku jiray xabsiga todoba bilood, 18/05/2006 taas oo lagu eedeeyey inuu ka qeyb galay mudaharaado maxkamaduna ku riday xukunkaa dhowrka bilood qaatay wuxuuna soo baxay 10/12/2006, kuma ikayn xadhigu intaa, hase yeeshee wuxuu jeelka galay sanadii 28/01/2011, markaas oo ay ahayd markii la ridayey xukunkii xusni Mubaarik, nasiib wanaag’se waa laga sii daayey jeelka.

Xadhigu kuma koobnayn mursi oo qudha laakiin wuxuu gaadhay ehelkiisa waxaana laga xidhay caruurtiisa, iyadoo ay ugu danbaysay 02/02/2012 taas oo ay xadhiga iibsadeen lana sii daayey.

Waxay ahayd dabayaqadii 2013-kii, markii xabsiga la dhigay mursi isagoo afganbi laga tuuray xilkii ay sida xorta ah ugu soo doorteen shacabka dalkiisu, maxkamad ayaa dhowr jeer oo is xig-xigay si loo xukumo hase yeeshee ilaa hadda maaha mid xukunkiisu dhacay oo la xukumay,

 

 

Gudomiyaha Cusub Ee Degmada Allaybaday Oo Durba Bilaabay Dhaqanadii Ay Dawlada Deganka Somalida Etho xilka ka qaday isagoo qasnadii Dawlada U Rartay Gurigiisa

$
0
0

images

Sidoo kale waxa uu fuliyay balanqaadkii uu la galay ganacsade nusdanbeed  khadar maxamed samaale oo ah ninkii xilkan u magacabay  intii aanu xilkan qabana uu shaqayn jiray gudomiyaha cusub ee dagmada allaybaday kayse megaar

Waxaan marka hore hanbalyo iyo bogadin aan  u dirayaa dhaman bulsho waynta degmada allaybaday inta jecel horumarka degmada allaybaday  iyo in ay dagmadu hesho maamul suban oo aan cid gaar ah u adeegin sido kale ka shaqeya sinaanta iyo cadalada u dhaxaysa dhaman degaanka dagmada hoos yimaada kana madhan in daha dabadisa laga maamulo waxanan dhaman bulshada reer allaybaday ka codsanayaa in anay niyad jabin ee ay u samraan wakhtiga ay hada ku jiraan oo ah kii ugu xumaa ee ay abid la kulanto dagmada allaybaday intii ka danbaysay markii xilka laga turay maamulkii kalidii taliyhii maxamed siyaad bare oo anay dhicin in dagmada allaybaday laba sano oo kaliya yelato 5gudomiye sido kale waxay bulshada allaybaday la yabantahay sida anay uga warhayn shantaa maamul ee iska daba imanayay oo cid gaar ahi kolba kay donan u kenayeen marka ay ka wayaan danahooda shakhsi isla markana kolba kay isyidhaahdan kani ayaa malaha qadan dona amirkina oo si gaar ah idinku adeegi dona dagmad usoo magacaba  waxana marag ma don ah in marka uu diido amarka shakhsiyaadka xilka laga qaado waxana ku cadaynaysaa arinkaa waxaa dagmada allaybaday laga badalay shan gudomiye oo anay markii horeba odayaasha iyo aqoonyahanka dagamada allaybaday la socon magacabistoda cid kala tashatayna anay jirin iyaga inta hadan ku dhaafo tabashada dadwaynaha reer allaybaday aan u daadago dulucda qoralkayga oo ah gudomiyaha cusub ee dhawaan loo magacabay dagmada allaybaday Kayse Meegaar oo ah nin reer allaybaday ah balse degan ahaan degan tulo hoos timada dawlada deganka somalida ethop ee gargoorka la yidhaahdo hadaba akhriste

waxay suasha kobad tahay halkee ayuu ka yimid gudomiyaha cusub ee dagmada allaybaday intii aaan loo magacabin xilka uu hada hayo

waxaa uu ka yimid gudomiye keyse meegaar magalada hartasheekha oo ah magalo ku taal dalka ethobia waxanay hoos tagtaa dagmada qabribayax kayse megaar waxa uu gudomiye ku xigeen ka noqday magalada harta sheekha isagoo xilka hayay mudo gaban ka dib markii lagu helay danbi musuqmaasuq ah waa laga qaday xilkii gudomiye ku xigeenka inta ka dib waxay maamulkii dagmada qabribayax amar ku bixiyeen in lasoo xidho kayse megaar isla markii arinkaa uu maqlay waxa uu kayse usoo baxsaday dagmada allaybaday oo uu islahaa halka ayuunbaad ku badbaadi kartaa sida ayaanu ku yimid dagmada uu hada ka yahay gudomiyaha hadaba markii uu dhawr cisho jogay dagmada allaybaday waxa uu shaqo ka helay meharad jaadka ibisa oo uu leyahay nin la yidhaahdo Khadar Maxamed Samaale inankan oo lagu xanto in uu yahay ninka inta badan badala gudomiyaasha qadan waaya amarkisa daha dabadisana ka xukuma dagmada allaybaday waxba yaanu qalinku ila taraarine wuxuu kayse ka shaqeyo shirkada jaadka ee uu leyahay inanka aan kor ku xusnay ayuunbuu war shegayaa  gudomiyihii dagmada allaybaday oo is casilay soo galay dagmadi allaybaday sidii looga bartay ayuu sameyay nus danbeedki dagmada allaybaday daha dabadisa ka maamulayay ee Khadar Maxamed Samaale in uu hada haysto janiskii ugu ficnaa ee soo mara intii uu xilka gudomiyaasha badalayay mar hadii uu gaysan karo ninkii u shaqaynayay maamulka dagmada allaybaday oo markii horeba uu isagu maamuli jiray balse kayse megaar uga dhawyahay dhaman ragii hore e uu xilka gaysan jiray oo inta badan ay  telofonka iska barteen inta anu xilka u magacabina awaamirtisa gaarka ah u akhriyi jiray hadii ay ku adkaatana anuu magaacibi jirinbaa janiskan uu manta helaynaa yahay mid qaliya mar hadii kii hoos jogaha u ahaa uu gaysto maamulka magalada wax kasto uu bahdana ka heli karo ninkan goanki uu qatayna ka dhebee khadar yare isagoo kayse megaar u magacabay gudomiyaha dagmada allaybaday sidaana uu hada ku yahay gudomiye kayse megaar  balanqaadkii kayse u sameyay khadar maxamed samale waxa ka mid ahaa in khasnajiga dagmada allaybaday laga badalo shakhsiga hada haya oo ah runtii qof mudan in la xushmeyo sharaf iyo qadirina ay inaga sarantahay dhamanten mar hadii ay tahay marwo hooyo ah iyado aynu nahay umad islaam ah dhaqana aynan u lahayn in aynu dhex galo hawlaha dumarka balanqadka labad waxa uu ahaa in jaadka uu leyahay khadar maxamed samaale aan wax cashuur ah laga qadin loona sameyo cashuur dhaaf sanad iyo badh ah qodobkaasina wuu fulay oo waxa loo sameyaa cashuur dhaaf jogta ah jaadka nusdanbeedka dagmada allaybaday oday khadar maxamed samaale sido kale waxa ka mid ah in wadoyinka dagmada allaybaday yelanayso laga duwo dhaman melaha ay ku magacabanyihiin qoyska khadar maxamed samaale allaw sahal umuraha tolaw side la yeeli marka wakhtigu is badalo ileen sidan loo talin maaye

suasha labad waxay noqon dontaa yaa ka danbeyay in uu xilkan qabto nin ka yimid dhinaca iyo dalka aynu jaarka nahay ee eth

waxaa ka danbeyay in kayse meegar loo magacabo gudomiyaha dagmada allaybaday oday aqonyahan ganacsade kaligii isku koobe wax kasta oo dagmada ka socda nusdanbeed khadar maxamed samaale

suasha sadexaad waxay noqonaysaa muxuu uga yimid ama looga qaday  xilkii uu ka hayn jiray hartasheekha oo ah magaalo hoos tagta dagmada qabribayax oo ah dawlad degaanka somalida etho

maqaal

ku takri fal hanti umadeed lunsi xad dhaaf ah oo uu ka gaystay deganada hoos yimaada magalada harta sheekh isagoo qamadigii la siin jiray dhaman tuloyinka ay ka mid yihiin 1.WARAABA JIRO 2. GARGOORKA  3.CARANCARKA  4.MADHEEDHLAY uu si habaqla,aan ah uga lexsaday rashinkii la siin masakinta danyarta reer miyiga ah ee ku nool dhamaan tuloyinkan oo aan helin wax rashin ah intii uu xilka hayay kayse megaar oo matalayay tuloyinka aan kor ku xusnay waxana la shegaa in rashinka uu ka ibin jiray ninka hada xilka u magacabay khadar maxamed samaale oo hore loogu edayay in uu qamadi ay ledahay dawlada etho ku haysto bakhaaro ku yaala dagmada allaybaday arinkaas oo markii danbe gadhay wasirka wasarada maliyada somalilnd oo ay ninkan walaalo yihiin balse aanu wasirku arimahan waxba kala socon xilka uu umada u hayo baladhan awgii marka uu dagmada warkeda dona laga qariyo ku takri falka uu walalkii ku hayo maamulka la geyo dagmada allaybaday waxanan si gaar ah u hanbalyanayaa wasirka wasarada maliyada oo ah isagu shakhsi ku dayasho mudan si aad ahna aan tixgalin u hayo ilahayna waxaan uga baryayaa in uu hankisa siyaasadeed ku gulaysto insha allah

Guryahii Lineka Booliiska, Indian Lineska, Bakhaaradii Shacabka Iyo Dhulkii Beeraha Ee Galbeedka Iyo Koonfurta Hargeysa, Iyo Guryahii Hobolada Waabari Ee Xaafadda Goljano Oo Xukuumadda Siilaanyo Ka Iibinayso Ganacsato Iyo Shakhsiyaad Madaxweyne Siilaanyo Ay Isku Qoys Yahiin, Laguna Dhisayo Kharashka Ka Soo Baxa Jidka Ceerigaabo Halka Madaxweyne Siilaanyo Diiday Inuu Booqdo Jidka Dawga Cad Oo Ka Muhiimsan

$
0
0

hargeisa

Jimce 14 March 2014 Hargeysa (HALBEEG)– Guryahii dawladdu lahayd ee ku yaalla caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaar ahaana xarumahii ay shaqaalaha dawladda u shaqeeya degi jireen, ayaa lagu wareejiyey xafiiska qandaraasyada qarranka, iyadoo wararka Halbeegnews hellaysaana xaqiijinayaan in dhammaanba guryaha laga iibinayo ganacsato ka soo jeeda beesha madaxweyne Siilaanyo.

Xarumaha la iibinayo ee suuqa xaraashka la geeyey ayaa waxaa ka mid ah guryahii Booliisku degi jireen ee loo yaqaano Laynka Booliiska (Police Lines), guryahii Hindiya Laynka, suuqii Inji, iyo guryahii ay degi jireen hobolada waabari ee ku yaalla xaafadda goljano.

Waxaa sidoo kale goobaha iibka loo diyaariyey ka mid ah dhismayaal ku yaalla xaafadda shacabka Hargeysa, waxaa sidoo kale iibka loo diyaariyey xaruntii naafadda SNM ee ku dhawayd xarunta haayadda shaqaalaha dawladda ama ku taallay agagaarka hotelka Baar Hargeysa.

Dhulka la iibinayo ayaa waxaa kale oo ka mid ah dhul beeralay ah oo ku yaalla galbeedka, koonfurta iyo waqooyiga Hargeysa, waxaa kale oo iibka ku jira gurigii martida qarranka ee loo yaqaanay (State House) oo ku yaalla goob aan ka fogayn guriga dawladdu leedahay ee madaxweyne Siilaanyo ku noola intaanu madaxweynaha noqon ee xaafadda shacabka,  waxaa sidoo iibka loo diyaariyey wershadii kabista iyo weliba wershadii caanaha ee ku yaallay koonfurta caasimadda Hargeysa, goobaha kale ee Halbeegnews loo xaqiijiyey inay xukuumaddu qorshaysay in la iibiyo ayaa ka mid ah xaruntii gantaalaha loo yaqaanay oo ahayd, saldhig Militery oo la dhigi jiray hubka waaweyn oo ku yaalla galbeedka Hargeysa iyo weliba wershadii PEPSI-ga ee xaafadda Tradeska Hargeysa.

Dhammaanba dhulkaasi ayaa waxaa laga iibinaya ganacsato iyo tujaar ka soo jeeda beriga magaalada Burco, kuwaasi oo laga siinayo qiimo ka jaban kuwa uu caadi ahaan suuqa uga taaganyahay, iyadoo lacagta ka soo baxdana la gelinayo dhismaha jidka Ceerigaabo.

Caasimadda Hargeysa oo dadka deegaan ahaan u badani ay dhisanayaan jidad kala duwan sida jidka Dawga cad oo isku xidha dalalka Somaliland iyo Jibouti, jidka Salaxley iyo Hargeysa, jidka Oodweyne iyo Hargeysa, iyo jidka Baligubadle iyo Hargeysa, ayaa dhammaanba laga qadiyey kharashkani.

Arrintani ayaa waxay tahay ceebtii ugu weynayd ee la soo darista xukuumadda Siilaanyo, isla markaana si qabiilaysan oo beelaysan loogu kala sad burinaayo, iyagoo dadkii deegaan ahaan u lahaa dhulka la iibinayo laga qadiyey, laguna dhisayo meel 750 KM u jirta.

Jidka Dawga Cad

Jidka Dawga cad oo ah ka ugu muhiimsan dhaqaale ahaan Somaliland isla markaana isku xidha dalalka Somaliland iyo Jibouti oo ay maalin kasta isticmaalaan boqolaal qof oo iskaga goosha labada dal, isla markaana uu maro ganacsi ku dhaw 100 Milyan oo dollar sannadkii, isla markaana jidku uu maro kastamyada ugu waaweyn ee cashuuraha berriga dalku ka soo gallaan, ayaa xukuumadda Siilaanyo diiday inay bixiso kharashka 4 KM oo ay hore u ballan qaaday, iyadoo wararku tibaaxayaan in sababta ay xukuumadda Siilaanyo u diiday tahay maadama dadka deegaankaasi ka soo jeeda ay bixin waayeen kharashka jidka Ceerigaabo oo ah jid sadbursi iyo qaraabo kiil lagu dhisayo.

Xaraashkani qabiilaysan ee xukuumadda Siilaanyo ku xaraashayso hantidii gobolka Hargeysa, ayaa haddii aanay shacabka ka soo jeeda deegaankaasi ka dhiidhiyin waxay ku noqon doonta mid deegaankoodii lagu dul xaraashay.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Dawlada Hoose Oo kaliya Ayaa xaq U leh Inay Bixiso Danta Guud”rashiid Aadan Dhari

$
0
0

index

Hargaysa(Halbeegnews) Halkan Ka Dhageyso Af-hayeenkii  Uruurka Xaqsoor Ee ka hadhay Doorashooyinkii Golaha Degaanka Oo Ka Waramaya xaalada Wadanka Iyo Waliba Khilaafyo  hadheeyay maamulka Siiranyo Iyo Xisbiga Kulmiye.Aadan Dhari

Aadan Dhari

Kala xadeynta gobolada iyo degmooynikaDalka jsl waa hawl uu taal siilaanyo.

$
0
0

maqaal-300x1051

Sida u qorayo distoorka u yaal jsl waxaa lagu heshey shirweynihi lagu qabtey Borama 1991-1992 in ay gobolada iyo degmooyinku dalka jsl ay ahaadan sidi u kaga tegey dawlada ingirisku 1960-1967,hasayeeshe islamarkiiba waxaa soo baxay in la candaduulo qodobaddii shirkasi ka soo baxay meeshana uu soo gallo distoorkiin ka yimmid dawladihi kala danbeyey ee xukumi jirey dalkii la isku odhan jirey Somalia ee 1960-1991kii ee la magac baxay dan iyo duulme ee u shaqeysan jirey in ay  ku shaqeysan jireen dad gaar ihi, islamarkana lagu duulmi jirey dadkii dacada ka ahaa wadani jirey wakhtiga. Xukumaddi Dahir riyaale iyo tii in Ibrahim cigal waxay meesha soo geliyeen distoorkii la magac baxay dan iyo duulmi ee ay dadka qaar ku shaqeysan jireen,iyaga oo soo sarey in ay dadka ku nool xeebaha waqooyigga gobolka maroodo jeex ay marti ku noqan wanka, isla markaana lagu celiyey wixii ay ka dagalameen iyada oo aany dadka qarkii aan doonin in lagu dhaqo distoorka u yaal jsl. Waxaa aynuu manta arkeynna in ay dawladii dhexe in ay ku duushey madaxdii xukumeysey dawladaha hoose ee magalooyinka waaweyn ee jsl, islamarkanna ay u sheegen in ku soo wareejiyaan wixii dhuul u yaal danguud,taasi miyaan uu egeyn distoorki la magac  baxay dan iyo duulmi. Dawladii dhexe waxaa ay lee dahay dadkii la soo doortey ma jirtan.waxaan xasustey maalin u siilaany tegey dawlada ee hargeisa oo ku yidhi mayarka dhulka waa la indinla eeggi doona,halka waxaa ka cad in uu siilaanyo ka dhex hadlayo wasirka hawlaha guud.waxaan hore ula socdey in wasir xaabsadi soo tiro koobey dhismayeesh ingrisku kaga tegey dalka ee loogu taalo galey shaqalah baal waxaa aad sheegtan waxaa ka sii jooga. Waxaan doonay in aan daransiiyo xisbiyada mucariidka ah in dabasha loo tegey jasiirada sacado in ay tahay sii loo iibin laha  khayraka ku  jira meesha ee xisbiyada iyo daweynuhu ha la socdan sida.waxaana iga tallo ah inta aad heleysan madaxd indin xaqsoorta in dalka illasan. Waxaa la indin dhagax dhigaya waa jeedin dalka la indinka jeedinnayo.

                              Alla madleh

                             iBrahim isse

Viewing all 3922 articles
Browse latest View live