Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all 3922 articles
Browse latest View live

Daawo Video: Madaxweyne Siilaanyo Oo Macawis La Dabaal Yimid, Xeebta Batalaale-na Quusay Indhahiisuna U Muuqdeen Qaar Hafanaya, Iyo Golahiisa Wasiiradda Oo La Dabaal Joogteeyey

$
0
0

Jimce 14 March 2014 Berbera (Halbeegnews)– Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo tiradii ugu badnayd golahiisa wasiiradda oo soo cidleeyey xafiisyadoodii xarunta Hargeysa, ayaa maanta waxay u dabaal tageen xeebta batalaale, waxaana kamaradahu qabteen madaxweyne Siilaanyo oo bedda sabaynaya, iyo wasiiradiisa oo ku dabaal joogtaya, hoos nagula daawo muuqaalkani

Hoos ka sii daawo madaxweynaha oo hafanaya

Halbeegnews, Berbera

contact@halbeegnews.com


Daawo Sawrada Madax-weyna Oo Ber-Bera u Dalxiis Tagay Iyo Dhalinyarada jaamacada Culuumta Badda Oo Uu la Kulmay.

$
0
0

IMG_0150

Ber-Bera(Halbeegnews)- Madax-weyne Axmed maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Salaada Kadib markii ay Casarkii gaadhay Waxaa uu u kacay Dhankaas Iyo Batalaale Iyaga oo  isaga iyo Xubno Golahiisa Wasiirada Iyo Waliba Dhalinyarada Dhigata Jaamacada Baduba Ay ku Wada Dabaasheen Bada Batallale, madax-weynaha Ayaa Dhiiri galin Uga Dhigaayay Dhalinyarada dhigata jaamacada Isla Mar ahaantaana Waxaa Uu si Toosa Ugu Dabaashay badad Isag iyo Waftigiisi, Dhacdadani Ayaa Ah Tii ugu horeysay ee uu madax-weynahu Ku Dhiiri Galiyo Dhalinyaro Jaamacaddeed Isla mar AhaantaanA noqon Doonta Wax Taarikhda U Gasha.

IMG_0197

Waa Markii ugu Horeysay Oo madax-weyn Somaliland Somaraa Uu la Dabaasho Dhalinyaro u Dhalatay Dalka Oo Jamacadeed.

IMG_0127 IMG_0173 IMG_0176 IMG_0049 IMG_0057 IMG_0073 IMG_0116 IMG_0024 IMG_0008 IMG_0001 IMG_0028(1)

Warbixn Wariyah Radio Hirad Ee Aadan Shardi ka Diyaariyay Hooyo Ku Nool Xaafad Ku taala Magaalada Hargeysa Ee la Yidhaa State Houska Guriga Martida Ee Ingiriiski.

$
0
0

header_soHargaysa(HalbeegNews)- Hooyo ku nool magaalda Hargaysa Isla Mar Ahaantana Ay soo Wajahday Xaald Nolol Xumo Hooyadan Ayaana Ku Nool Oo dagen Guri Ay ku nool yahiin Caruur Ay dhashay Oo maskaxda Ka Waalan Waxaana Islaanta la Nool caruur ay dhashay inanteedu waxayna sheegaysaa inayna u hayn wax ay cunaan sidoo kalena mar mar ay ku seexdaanba iyaga oo gaajoonaya Dhagaysi Wacan.

Untitledwarbixinta radio hirad

Kumonekta sa Kaibigan, Kapamilya at Kaklase. Gumawa ng Profile Ngayon!

$
0
0

maxa

Inta badan waxaa dhacda in labo qof oo lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been iyo hadalo aan jirin oo khayaano ah.

Haddaba beys xumida iyo been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha, waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan haasaawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa”.

Haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad arkeysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci iyo naxariis kama ay soo baxaan  waayo qofkii been lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka iyo kala taga lamaanayasha Caashaq wadaaga noqday.

Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaane dumarkuba waxay halheys ka dhigtaan oraahda oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami iyo Jacayl ku beermi, bal ka waran qofkaasi hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano iyo sir loo geystay ma aha?.

Dhacdo hadda ka hor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano iyo sir Jacayl ku wadday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo kama uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan:-

“Ilaah iyo Owliyadaan baryiye

Allow afku leeble iga yeel

Ayaamo nuxuus laguu hoo

Oo arooska asaay laguu saar

Abeer noqo feera weyn

Oo Allow yaadan dheelin dhallaan

Ninkii ku guursada geeriyoo

Oo Allow yaadan gelin gandoob

Hadday dhalyadeenu dhab tahay

Allow yaadan dhalin dhal nool nool”.

Intaas markii uu mariyay ayuu meeshii ka luuday, balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xanuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa asiibay.

Cuqubadaasi foosha xun waxaa u sabab ah been iyo khiyaano lagu sameeyay qof daacad ah damacna laga soo riday, kadibna looga baxay oo meel cidlo ah looga tagay.

Marka dhalinta Soomaliyeed rag iyo dumarba gaar ahaan da’yarta xilliga haasaawaha ku guda jirta xilligan waxaan kula dardaraamayaa inay Jacaylka ka daayaan been iyo khayaano, kana run sheegaan damacooda iyo dookhooda, haddii kale dhacdada qormada ku dhex xusan ee cibroqaadashada ah ayaa ku habsan doonta, horaana loo yiri “Nabsigu ma baaqdo” xili kasta iyo waqti kastaba waa uun ku haleeli  haddiiba aad qof miskiin ah oo aad Jacayl ku abuurtay nafsi aad ka gasho oo ballan ka bax aad ku samayso.

Qalinkii Asma Maxamuud Hassan

waxan idiin so diiyar doon
Todoba kasta sheeko xiiso badan insh aallah wad mahasatiin dhaamatib

  • TOLDEEQ20@GMAIL.COM

Sheeko Gaaban,Habeen Kama-Seexdo W/Q: Abdikhaliq Mohamed Dhiirane

$
0
0

last2014

Hal sawir markaan iska qaado habeenka oo dhan isaga ayaan ka shaqeeyaa, brush mari, crop-kusameee, ma shaashada hore ayaad soo dhigtaa profile-ka? mise xagadanbe yacnii coverka?, ma 2 duhurunimo ayad dhigtaa? mise 6 fiidnimo dadku markay soo wadagalaan xiligaas ayuu suuqaagu xaami yahaye?, 7 subaxnimo hadad dhigto yaa arkaaya dadku iskuulo iyo waxay ku maqan yihiin shaqooyin? waar qaarbaa shaqada kasoo galoo lagu imtaxaamaye facebook,habeenkii kolba borogaraam ayaan soo dajiyaa si aan ugu hagaajiyo sawirda, waxaan ka fikiraa ma waxaad is baal dhigtaa kan haada 2014 ah iyo kii 2003? Maya kii 1999 ee kurka ahaa iyo kii 2010 markii aad ka baxadya jaaamaca labadaas is baal dhig habayaabeen, waar kii aad arooskii hebel iska qaaday ee aad suudhka macaan xidhnayd kaasa wacnaaye kaas dhig, waar kaaas iska daa kaas hebel aya kaa suudh macaanayoo isagaa soo dhigayee, waxan ka helaya inta ay asxaabtayadu I odhanayaan, nice profile, nuurkaa is dhaafay, isha cawrideeda allow kaa du, waa duco aan afka dhaafsanayn, habel waad shidan tahay,yarka sanadka yaan lagu cawriyin, qurux loow,waa sawirkii qarniga.

 

Malinta aan sawir galiyo waxaan raadiyaa asxaabtayda kuwa ugu codcad, waryaa hebel waan soo galiyay sawir cajiib ka commenta la soo eego,kuwaaso dhamantood odhnaayay, wad shidan tahay,nice pic,  mid I odhanya caynkan ayaad tahay ma jira, way I wada amaanaynaa, sawirka aan qurxoonay iyo midka an fool xumay maba jiro, qofkasta oo faceboog sawir soodhigaa , wuu shadan yahay,wakhtigiiba maalintaas xabadaas sawirka ah ayaan ku qaataa.

 

kan kudaa profileka,yasalaam indhaahd soo jiidanaysaa, waxan kala bartay qofkasta sawirkiisa waxa uu ku soo sameeyay, kan markasta wuxuu ku sameeyaa google +, kana ka daran waa Photoshop’s-te waynaaday new horizon ayuun ku dhigatay, maya hebel uunbaa ka khatarsan jamacada hargeisa wax kale mabuu baran aan Photoshop ahayn, sawirada si wacan ayuu u yaqaanaa, sida la isku baal galiyo kadaran, kana kale ayaa ka daran photofunia ayuu ku sameyay si ficna uma yaqaano, kaas waalan Imikimi iyo image chef waxan ahayn kuma sameyo sawiradiisa, madhax kani sidisa ayuu usoo dhigaa muxuu hadh yar u galin wayay,habeen kama seexdo hadaan sawiro soo galo,ilaa kuwa aan bisha danbe galinaayo facebook waan ka shaqeeyaa.

 

Hammigaygii oo dhami wuxuu ku soo uruuray facebook iyo wixii aan soo galin lahaa ma aqaan si aan iskaga daweeyo, waxaan ahay dhibane aan xanuun qabin,waxaan ahayn bukaan bilaa daawo ah,maalintii aan facebook bilaabay isticmaalkiisa xanuun iigama horayn, horaantii isticmaalka facebook ma aqoonin sida sawir loogalo loona galiyo facebook, waxan kaliya aqaan sida qofka loolaha hadlo, asxaabtayda ayaa tiro beesha waxaan kala sheekaystay hal gabadh, dharaarkasta waxay odhan jirtay sawir maxaa u dhigan wayday macaan, hadalkeeda ayaan tixgalinayay, dadka oo dhan sawir ayay soo wada dhigteen, adiga maxaa kuu diiday ayaan is waydiin jiray? ana waxaan odhan jiray sawirku waxba ma taraayee inaga dhaaf, ilaa aan soo gaadhay heerkan aan maanta taaganay oo ah hadii aanan sawir galin facebook in wax iga dhiman yihiin.

 

Waxaan  ku tabcaa sidii aan qoraalo dadka cajabiya u soo dhigilahaa, habeenkii ayaan ka fikiraa shalay wadigii dhigay,, jacayl dhiig ma lagu qoray,wali dhuux ma looshubay, saaka maxaad dhigtaa tolow? Saaka waxaad dhigtaa, jacaylka iyo lacaagta keebaa awood roon, maya waar iskada kaas, hee hadaa maxaan dhigaa? Siyaasada ka hadal oo dheh dhismaha wada ceerigaabo lacagteedii waa la cunay! Waar miyaad walantahay dalka ma mucaarid baad ku tahay? Hadaba waa saxe waxaad ka hadashaa shaqo la’aanta dalka ka jirta, intaas oo hadal midna kuma qanco habeenkii anoo maskaxda ka daalan ayaan seexdaa subaxa waxan soo toosaa anigoo madaxu  I xanuunayo.

 

Ma quracan man ka kicin halkaan hurday, durtaba faceboog ayan gurada uga baxay intaan mobile kii soo booday,waxaan isha la raacay dadku waxay soo dhigeen like miidhan iyo comment ayaan kala daalay, waxan tagay meesha qoraalada laga soo dhigo(update status ) waxaaban ku qoray Asxaaxeebay iisoo duceeyo saaka feeling sick walhi, cidna imay odhan maxaa kugu dhacay alle haku caafiyo walaalo, ayay la soo wada boodayaan, anigaa naftayda dawakhiyay, wataas maalintii oo dhan dhambaal duco ah la ii sii diray, galinii danbe waniga u mahaceliyay asxabtii ee hadan dib usoo galiyay(post ) waad mahadsantihiin intiinii iisoo ducaysay.

Wixii intaas ka danbeeyay waaban la qabsaday sida wax loo soo dhigo, waan eeg jiray guriga in qofka xanuunsanaayo, odayga idhalay madaxaa xanuunay, asxaabeey aabahay ayaa xanuunsan ee haloo soo duceeyo, maalinta kale ayay noqotay hadan asxaabeey safar ayaan baxayaaye iisoo duceeya, malinba maalin wixii I halaan layaabay, hees miidhan ayaan soo dhigay.

 

Doorba doorka ka danbeeyay waan si dibjiray, waxan ku sii siqaayay in aan dadka ugu faano anaa kaa online badan wakhtigaya inaan ku dhamaysto facebook ayaan iska jeclaystay, waxaan sameeyay group la yidhaahda Anaa ku bartoo kaama tagaayo,looma kala baxo duhurkii iyo habeenkiiba, wakhtiyada qaar raashinka ayaa la iigu dulkeenaa, casho qado ma jirto, salaada igag dul tagta intaa kor u boodo oo aan shaydaanka iska naaro “Accudubilaahi minashdani rajiim” kor intaan u kaco ayaan salada tagaa, marmar waxa jirta aanan xataa aadeenka maqal, masaajidkuna wuxuu ii jiraa laba talaabo, sameecada masjidku dhanka guriga ayay usoo jeedaan,hadana ma maqli kari, dhagahayga guux ayaa ka yeedhaya, wax ka yedhay codka ama dhawaqa fariinta facebook iyo codka faalooyinka laga bixinaayo qoraalka aan soo dhigay.

 

Naftayda ayaan sidaas ku qacsan, markaan salada tago xataa si fiican umma tukado, waxaan ka fikiraa wixii aan dhigay yaa faaleeyay tolow iyo maxaad dhigtaa markaad ka baxdo salaada, waxaa kaleba kama fikir, qushuuc ma leh salaadu,indhaha xaafada ayaan iskaga jeediyaa, waxan jecelay marka wadadku salaada ka baxo inaan kaligay meel gooniya ku tukado, si aan gabiga saladaba 2 daqiiqo kaga dhagi,durbaba waxaan ku soo labtaa sheekadii Facebook kana sii anba qado halkii, wakhtigaas waxan kugaadhaa salaada kale, kama dhargo kamana dhamaado facebook, wakhti kasta waan ku fooganay,maalinba maalinta ka danabaysa indhahaygu way so diciifayane,ilaa maalintii danbe markii la gaadhay aan waxba arki wayay, cidna iima ogo waxaas oodhan dadka faceboog kala hadi jiray xataa ismaanu arag, lugana iskuma soo gaadhno.

 

cid ii arxan oo wadad igu toosisa xataa ma hayo, guriga aniga ayaa isku xidhi jiray oo saacad kasta fadhiyi jiray balse hada wakhtiga iyo danta ayaa I dhigtay,suuliga iyo qolka aan seexdo ma dhaafo, yaan eersan, yaanan u dacwoon, ma faceboog mise kii sameeyay facebook, ma dadkii faalada kasoo dhiiban jiray sawirkayga ama qoral aan soo dhigi jiray, mise reerkayga ayaa ka masuul ah oo internet iyo aalaada lagu isticmaalayo isku kay dul saaray oo I odhan wayay kac oo waxbarashadaada tag salaada Illahayna tuko, hal maalin xataa waligood sidaas imay odhan, hadii ay odhan lahaayeen maanta sidan maan aheedeen.

Dhulka aan joogaa waa iftiin balse qalbigayga mugdi weeyaa, dushayda murug kama muuqato balse qalbigayga ilin ayaa hoos u daadagaysa,cidna uma cabanaayo laakiin naftayda ayaa I dacwaynaysa oo I leh maxaad sidan ii yeeshay.

 

Contact

Abdikhaliq Mohamed Dhiirane

abdikhaliqcmc@hotmail.com

Xukuumadda Siilaanyo Oo Markii Ay Labadii Tiir Ee Sharci Dejinta Iyo Garsoorka Dabka Hurisay,Hadana Usoo Dhigatay Dawladihii Hoose Oo Ay Faro-gelin Shaqo Ku Biloowday

$
0
0

1231496_145467218996880_1845976849_n

Xukuummadda uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed maxamed maxamuud (Axmed siilaanyo) oo dalka qabsatay sannaadkii 2010 ayaa waxaay xukuummadihii ka horeeyey kagaga duwaan tahay faro-gelin xad dhaaf ah, oo ay ku samayso haya”daha kala duwan ee sharci dejinta iyo garsoorka oo uu dastuurku siiyey awood ka madaxbanaan xukuummadda,wuxuuna sharciga dalka uu yaalla mid walbaa siinayaa awood xadiidan isla markaasna mid walbaa uu qayaaxaya shaqooyinka ay uu qabanayaan shacabka sidoo kaleena wuxuu jideeyey dastuurku in aanay midna ka kale ku xad-gudbin oo ku sammayn Karin fero-gelin oo aan lo baahneyn in laysku xad-dhaafo waxa kaloo iyaana uu simaa  dastuur inay tiirka dawladdu ka kooban yahay sadeex tiir isaago uu kala qaaday saddeex laamood oo kala ah gollaha fulinta, waax-da garsoorka iyo waaxda sharci dejinta ,guud ahaanna mid walba wuxuu faraa inay si daacad ah uu guttaan waajibaad-kooda  ay ummadda uu hayan.

Hadaba xukuummadda uu hoggaamiyo madaxweyne axmed siilaanyo  ayaa sanadkan aynu ku jirno gudihiisa  qaaday tallaabooyin xad-gudub ku ah laba hay’dood  oo ka madax-banaan  xukuumaddisa,kuwaas oo uu ku sammeeyey faro-gelin badheedh ah,ugu horreyna waxaaynu ogeeyn in xubno ka mid ah gollaha wasiirada ay iyaago jooga dalka dibadiisa oo isna uu goob jooge ka ahaa, una soo  han-jabayey  hayada madaxbanaan kaaso si badheedh ah ugu faanay in anay intii ay tallada hayeen,anay wali gollaha wakiiladu kusoo celin  xeer  qudhaa,taasi oo noqoneysaa mid  wax uu dhimaysaa sharafta iyo karaamada ay leeyihiin xildhibaanada aqalka wakiiladda,intaas ka dib  ayaa waxaa gollaha wakiilada ka is-taadhna khilaaf  culus kaaso uu dhexeeyey gudoomiyaha wakiilada iyo labdiisa ku xigeen,kaaso ka dhashay kadib markii uu isku shaan-dheyn ku sammeyey gudi hoosaadyada aqalka wakiilada,hadaba xukuumadda ayaa dagaalka ka gashay sidii ay guul-daro uu badi lahayd gudoomiyaha oo isaagu markii hore ku dhaqaaqay tallaabo,kala irdheeysay labadiisa ku xigeen oo uu ka kciyey garabkiisa,isaago kursiga uu dhigay meel ka hooseysa  isaago,dhimay tiraada codka lagu ridaayo oo uu ka 42 afartan cod halka ay markii hore ka ahaayeen 52 ,intaas markii uu sammeyey gudoomiye ciro waxaa gollaha ka bilaabmay,khilaaf weyn oo uu dhexeeya wakiilada.

Xukuumada ayaa si badheedh ah uu dhex gashay iyaado xildhibaanada qaarkood ku  fan garaysay sidii loo dhimi lahaa codka lagu ridi karayo gudoomiye,faro-gelintaas ayaa waxaa ka sinna xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne siilaanyo,iyaado xildhibaanada wakiilada ee taagersan fikirka xukuumadda ay aqalka la dhex wadeen khal-khal,waxaa kaloo wasiiradani ay gooni-gooni ulaa kulmayeen,xildhibaanada isaago sifo qabiileysan iyo mid dhaqaaleba usoo xeero geliyaan,waxaanay faro-gelintaas sababtay in fadhiyada aqalkaasi noqdaan kuwo markii uu gudoomiye ciiro uu baqay xilkiisa  uu dhawr cisho xidhay,fadhiyadii gollaha,khilaafkaas wuxuu gaadhay meel aad uu xamaasad badan waxaa soo dhex galay goolaha guurtida oo ku guntadatay inay dhammeeyan khilaafkaas oo ay si toosa xukuumaddu faro-gelintaas uu hagaysay.

Sidoo kaleena waxaa uu dhawaan la arkay dhacdo ku cusub dalka waxaana lagu war helay waaxd- garsoorka oo ka cabanaysa faro-galin ay ku hayan xubno ka mid ah golaha wasiirada sidoo kalena waxay sheegen inay ka shaqayn la”yihiin waxaanay soo bandhigeen waraaqo cadaymo ah.waxana si deg-deg ah arrintaasi uga jawaabay madaxweynaha oo sheegay in anuu ogayn fara-gelintaas waxaa kalo madaxweynaha uu sheegay in uu tallaabo ka qaadi doono, cidi lagu helo faro-gelin

Waxaaynu wadaa ognay in todobaadkan gudihiisa uu wasiirka hawlaha guud ku dhaqaaqay tallaabo ay la yaabeen shacabku iyo gollaha deegaanada dalka waxaanu wasiirkani hadana mar labaad uu ku celiyey tawaaq khaldan isaago ku wer-geliyey  inay soo wareejiyaan dhulka danta guud ah ee ay hayan taaso faro-geli qaawanku ah golaha deegaanka isla markaasna tilmaamaysa in ay dawladu la wareegaysa shaqadii dawlada hoose,waxaanay taani noqoneysa mid abuurta khilaaf gees kale ah oo dhex maraa dawladaha hoose iyo xukuumada hada lagu eedeyn jiray faro-gelin waxana laga war-sugaya sidaa uu madaxweyne siilaanyo uu uga hadlo xad-gudubkan

Qalinkii

Cabdi casiis bashiir nuur

Tel 4144434

info@xogreebnews.com
Hargeisa/Somaliland

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kadib safarkii Uu ku Tagay Addis-Ababa.

$
0
0

19154Muqdisho(HaleegNews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo noqday dalka kadib markii uu shalay uga qaybgalay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia shirweynaha 25-AAD ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD iyadoo garoonka uu kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkii IGAD iyo go’aanadii kasoo baxay ee lagu taageerayay Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen taageerada dawladda Soomaaliya iyadoo la bogaadiyay horumaradda laga gaadhay  howlgaladda lagula dagaalamayo xarakada  Al shabaab.

Waxaa si kulul loogu cambaareeyay shirkaasi dilka ay kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah; waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda.

Waxaa laga codsaday Urur Goboleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Kulanka waxaa la iskula gartay in IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaadhsiiyo  dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al Shabaab.

“Waan sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Nabad-diidka, magaalooyinka Soomaaliya oo dhan waan ka siffayn doonnaa. Alshabaab waxaa ay dhobaato ku hayeen dadka iyo dalka oo xataa waxaa ay burburiyeen ceelal iyo goobaha loogu adeego bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xarunta Cusub Oo Agoomaha Oo Laas-caanod Laga Dhisay

$
0
0

2014314635303786508509187M2460018

laascanood(Halbeegnews)-Xarun lagu xanaaneynayo carruurta agoonta ah  ee 15-ka sano ka yar ayaa laga furay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xaruntan oo loo bixiyay Al-Ixsaan ayaa lagu billaabay 118 cunug sida uu sheegay Sheekh Siciid Axmed Cadar oo maamulka xaruntaa soo warbaahinta la hadlay intii aqy socotay furitaanka xarunta.

Siciid oo ka hadlayay sababta ku kalliftay inuu xaruntan furo ayaa sheegay inay u muuqatay dayac iyo dhibaatada haysta agoonta, wuxuuna intaas ku daray inaanu awood u lahayn inuu isagu hawshooda daboolo, balse uu isku deyay oo keliya inuu billaabo lana kaashada dadka muslimiinta ah.

Sahra Cismaan Kaarshe oo ka mid ah haweenka arrimaha bulshada ka shaqeysa oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay ballan-qaaday inay u guntanayaan haween ahaan sidii loo dabooli lahaa baahida carruurtan.

Indha-deeq Ow-Daahir Af-qarshe oo ka mid waayeelka qurbaha ayaa waxay baaq u dirtay dadka dibadda kaga maqan dalka, iyadoo ka dalbatay inay agoonta wax-tar la garab-istaagaan, ayna ogaadaan in Alle ugu balaadinayo carruurtooda lacagta ay ku caawinayaan agoonta.

Waaliddiinta iyo carruurtaba ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad weyn oo ka muuqatay, taasoo ay ku muujinayeen sida ay raalliga uga yihiin garashada xannaanada islaamnimo ee loo fidiyay, waxase xusid mudan intii ay xafladaasi socotay inay yimaadeen haween badan oo carruur wada, balse aan ku jirin kuwa haatan hawshooda la billaabay, waxana dhegayhayga soo gaadhayay ballan-qaad dib loogu qabanayo.

Agoontan lagu billaabay xaruntan ayaa ka mid ah kuwo yar oo ka mid ah agoomaha ku sugan magaalada Laascaanood, iyadoo ay horay u jirtay xarun kale oo iyadana lagu xannaayeeno boqolaal agoon ah oo magaalada ku taalla.


WAR DEG DEG AH: Jowhar oo caawa la duqeeyay iyo bandow lagu soo rogay

$
0
0

imagesJawhar(HalbeegNews)-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa duqeyn ay ka dhacday deeganno ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Dadka deeganka ayaa sheegay in maqleen dhowr gantaal oo ku dhacaya deeganno ku dhow magaalada Jowhar balse xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale, waxaa gabi ahaan bandow ah caawa magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhex, waxaana dadka lagu amray in xilli horre oo fiidkii ah ay guryahooda kala aadaan.

Al-Shabaab ayaa dhul badan gacanta ku heysa Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ma jirto cid ka hadashay duqeynta caawa laga maqlay duleedyada magaalada Jowhar iyo deeganno kale oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe.

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Isku mari waayay Kulan Socday 6 Saacadood,

$
0
0

USA(HalbeegNews)-Kulan socday muddo lix saacadood ah oo ay yeesheen xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergio Lavrov ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Labada masuul ayaa in badan ka wada hadlay xaaladda cakiran ee dalka Ukrine ,waxaana dowladda Maraykanka ay ka soo horjeeddaa qorshaha Ruushka uu ka damacsanyahay gobolka Crimea oo ah halka muranka dhalisay.

“Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka marna isku aragti kama noqon karaan arinta Ukraine, iyadoo aan wax xal ah la gaarin,” ayuu yiri Lavrov oo ka hadlayay kulankii dhex maray isaga iyo Kerry oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxa kaloo uu sheegay in ruushku uu ixtiraamayo rabitaanka dadka ku nool gobolka Cramea ,waxaana lagu wadaa maalinta bari ah in la qaado afti gobolkaas uu kaga go’ayo qaybaha kale ee Ukraine, taasoo ay qaadaceen Maraykanka iyo xulufadiisa.

“Maraykana ma aqoonsan doono natiijada ka soo baxda aftidaas, waana mid jabinaysa sharciga dalka Ukriane”ayuu isna yiri Kerry oo aan faah-faahin dheeri ah ka bixin waxyaabaha la isku maan-dhaafsanyihiin.

Khilaafkan ayaa laga yaaba in uuu sii xoogaysto hadii aftidan ay dhacdo ,waxaana dowladda Ruushka ay ku doodaysaa in dadka dagan gobolkaas ay asal ahaan Rashiyaan yihiin ,isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay kamid noqdaan dowladda  Ruushka.

Kaahin

Kaahin1

Kaahin3

Kaahin4

Kaahin6


Kaahin7

Labba Qof Ayaa Midna Ku Dhintay Midna Ku Dhaawacmay Shil ka Soo Gaadhay Xadhko layd Oo Ku Yaala magaalada Tog wajaale

$
0
0

yuusuf(1)

Hargaysa(HalbeegNews)-Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibrtaahim Geedi, ayaa ka waramey xaalada shilka xadhkaha leydhka ee ka dhacey Magaalada Tog-Wajaale kadib markii laba kamid ah Dadweynaha Reer Tog-Wajaale midna dhaawac halis ahi kasoo gaadhey halka mid kalena ku geeriyooday, Waxaanu Gudoomiyihu Xusey in uu xalaadaa darteed goor dhaweyd u gaadhey Magaalada Tog-Wajaale.

Yuusuf Ibraahim Geedi Badhasaabka Gobolka Gabiley Ayaa Hadhwanaagnews  ugu waramey khadka Isgaadhsiinta isagoo kusugan Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale, ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhaceen  galabta rabshado kooban oo gadood ah oo ay ehelada iyo qaraabada dadkii ku waxyeeloobay xadhkaha leydhku kaga gadoodeen dhaawaca iyo dhimashada kasoo gaadhey, waxaanu Gudoomiyuhu sheegay in ay hada u fadhiyaan wadahadalka odoyaasha iyo ehelada qofkii ku dhintey iyo kii
ku dhaawacmey Magaalada Tog-Wajaale islamarlkaana, ay xalinayaan oo ay kawada hadlayaan sidii xiisada loo dajin lahaa arintana nabedgelyo iyo deganaansho loogu waajihi lahaa, Waxaanu Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi carabka ku dhuftey in dhacdadaasi ay u xidhan yihiin Maamulihii Shirkada Telesom Yuusuf Maxamed Xasan, iyo Gaadiid iska rogooyin ah oo iyaguna lagu tuhunsan yahey in ay xadhkaha Leydhka jareen, sidoo kale waxa uu xusey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley in Guud ahaanba korontadii ay usoo noqotey Magaalada Tog-Wajaale.
“Markii hore waxa la moodayey in laba qof ku dhinteen shilkan laakiin,waxa ku geeriyooday marxuum kamid ah dadka Magaalada ka kalena waxa soo gaadhey dhaawac halis ah oo koomo ayuu kujiraa, waananu u fadhinaa hada arinta in la xaliyo xiisada ka dhalatey dadkii ka gadooday shilka odoyaashii marxuumkana waanu wada joognaa, waxaana guud ahaanba usoo noqdey hada leydhkii Magaalada, inkastoo loo xidhay oo Ciidamada Boolisku u taxaabeen  Gaadiid iskarogooyin ah oo loo tuhunsan yahey in ay xadhkaha leydhka jareen baadhistuna Ciidanka Booliska ayay u taalaa, waana lawadaa baadhistooda”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.
Xiisada Magaalada Tog-Wajaale ayaa, hada aad u degan kadib markii rabashado koobani ka dhaceen gadoodkii laga gadooday dadka ku geeriyooday Xadhkaha Leydhka.
Halbeegnews
Office
Hargaysa

Fannaanada Hibo Maxamed Hibo Nuura Oo Ku Sugnayd Gudaha Hotelka Makka Al Mukkarama Oo Maanta Qarax Lala Beegsaday Kana Warantay Sheegtayna Inay Weligeed Ahayd Markii Ugu Horaysay Ee Ay Qarax Aragto

$
0
0

Axad 16 March 2014 Muqdisho (HALBEEGNEWS)– Fannaanada Hibo Maxamed Hibo Nuura oo hadda ku sugan magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa la kulantay qaraxii ugu horeeyey ee abid ay la kulanto oo maanta lala beegsaday hotelka Makka Al Mukarrama oo ay ku sugnayd.

Hoos ka dhegayso weraysi laanta afka soomaaliga VOA-du la yeelatay

Halbeegnews, Muqdisho

contact@halbeegnews.com

Maxamed Saleeban Tubeec Oo Alla Ha U Naxariistee Maydkiisa Berri Lagu Aasi Doono Magaalada Muqdisho Iyo Somaliland Oo Ku Fashilantay Olole Ay U Gashay In Fannaanka Magaaladii Uu Ku Dhashay Ee Berbera Lagu Aaso

$
0
0

Axad 16 March 2014 Muqdisho (Halbeegnews)– Fannaankii ugu cusla dunida fanka Soomaalida Maxamed Saleeban Tubeec alla ha u naxariistee oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jarmalka oo uu in muddo ahba xanuun u jiifay, ayaa maalinta berri ah maydkiisa la keenaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, iyadoo dawladda Jarmalkuna ay maanta maydkiisa ku wareejisay safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Jarmalka oo diyaarad lagaga soo qaadi doono.tubeec

Xukuumadda Siilaanyo oo olole laxaadleh oo saacadahii ugu danbeeyey ay ku baraarugtay u gashay in Maxamed Saleeban Tubeec lagu aaso magaaladii uu ku dhashay alla ha u naxariistee ee BERBERA ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa ku fashilantay.

Ergo uu horkacaayey madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay ka mid ahaayeen xubno wasiiro ah, ayaa maalintii jimcahii booqday guriga Jaamac Saleeban Tubeec oo ku yaalla magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaana la arkaayey madaxweyne ku xigeenka oo ka codsanaya Jaamac inuu telefishanadda u mariyo farriin ah in Maxamed Saleeban maydkiisa lagu aaso magaalada Berbera.

Jaamac Saleeban Tubeec oo ay walaalo yahiin Maxamed Saleeban, isla markaana ka weyn isaga ayaa sheegay inuu ku dardaarmay Maxamed Saleeban Tubeec in lagu ag aaso hooyadii iyo walaalahii oo ku aasan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo uu ku dhashay, balse dar daarankaasi ayaan noqon doonin mid fula iyadoo xukuumadda Muqdisho ay maroorsatay isla markaana ay aas qarran maalinta berri ah ugu samaynayso magaalada Muqdisho.

Maxamed Saleeban Tubeec ayaa muddo sannado ka hor ah mar uu isku dayey inuu soo booqdo Somaliland, waxaa u henjabay dad ka soo jeeda beelaha dhexe ee Somaliland oo ku eedeeyey inuu ka horyimid halgankii SNM, waxaana dhacday inuu marka safarkiisii u wareejiyey dalka Jibouti.

Halbeegnews, Muqdisho

contact@halbeegnews.com

Deg-Deg: Nin 50 Jira Oo gaadhi Ku jiidhay Wadada Haleeya Oo goordhawayd Cisbitaalak Hargaysa La Keenay

$
0
0

indexHargaysa(Halbeegnews)- Nin Lagu magacaabo maxamed Aadan Aw-cali oo ka mid ahaa dadka Dega Degaanka haleeya, Ayaa maydkiisa Goor dhawayd la Soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Weyn Ee Magaalda Hargaysa, ninkani Ayaa sida uu Noo xaqiijiyay mid Ka mida Shaqaalaha Cisbitaalka Oo Ku Sugnaa markii la keenay waxaa uu noo sheegay In Ninkan uu gaadhi Ku jiidhay Wadada u Dhaxaysa haleeya Iyo Ber Bera Taasi oo Keentay in Uu Ku Dhinto, Ninkani Ayaa Sida la Sheegay Da’diisa lagu Qiyaasay ilaa 50 Sanno jir.

Wararka Ay Halbeegnews Ka helayso dhacdadani Ayaa Waxaa Ay Sheegaysaa In 6:00 Fiidnimo Uu Gaadhigu Jiidhay isla Mar Ahaantaana Uu Ninkani ka Daadagayay Gaadhi Uu saarnaa sidaasina uu Shilka Kula Kulma.

Arintani Ayaa waxa Ay ku Soo Aadaysa Xili Wasaarda Arimaha guddaha Somaliladn Muddoyinkii la Soo Dhaafay Ay Soo saartay Sharciyo ay sheegeen in lagu mari doono meelaha ka baxsan magaalda iyo waliba magaalda Dhexdeeda balse Noqotay hal bacaad lagu lisay.

Halbeegnews
Hargaysa/Office

Viewing all 3922 articles
Browse latest View live