Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all 3922 articles
Browse latest View live

Diyaarad Malaysia Airlines oo la la’ yahay

$
0
0

airlines

Sabti 08 March 2014 Kualalumpur (Halbeegnews)–Waxaa raadintu ka socotaa qayb aad u baahsan oo badda ah kala bar meel u dhaxaysa Malaysia iyo Vietnam.

Military-ga Malaysia ayaa sheegay in Helicopter-o iyo maraakiib la diray balse baadigoob hordhac ah aan ilaa hadda waxba lagu soo helin.Diyaaradda la la;yahay oo ah nooca Boeing 777 waxaa saarnaa laba boqol iyo sodon iyo sagaal rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Saraakiisha shirkadda Malaysia Airlines ayaa sheegay in aan wax qaylo dhaan ah laga helin diyaaradda la la’yahay.Wasiirka gaadiidka dalka Malaysia ayaa sheegay in warar hore oo laga helay Vietnam oo sheegayay in diyaaraddu meel xeebteeda ka baxsan ay ku burburtay aan la xaqiijinin.Diyaaradda ayaa isgaarsiinta iyo xiriirkii aaladda raadaarka lumisay laba saac markii ay sii safraysay.

Xigasho Laanta Afka Soomaaliga BBC-da

Halbeegnews, Malaysia

contact@halbeegnews.com


Madax-weynaha Somaliland Oo Soo Saaray Digreeto Lagu Joojinayo Iibinta Danta Guud.

$
0
0

AHMED SIILAANYO OFFICE DESKHargaysa(Halbeegnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Caawa Soo saray Digreyto madaxweyne oo ku Mabnuucayo Iibinta Gurayaha Dawlada, Waxaanu amdaxweynuhu Guddi u saaray Arrintaasi.

Sidaasi wax lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED – 08/03/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa u xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014, ku daqan geliyey Dib-u-soo Celinta Gacan Ku Haynta iyo Ku-tasarrufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Faqradiisa 3aad iyo Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 31aad, Faqradiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001;

Markuu Tixgeliyey: Xeerarkii kala danbeeyey ee ay soo saaraan Madaxweynaha iyo Madaxweynayaashii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu mamnuucayay ku-takrifalka Dhulka iyo Guryaha Danta Guud;

Markuu Helay: Daraasadda, warbixinta iyo talo soo jeedinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka;

Markuu Ku Qancay: In uu dayac iyo boob ka jiro hantida ma-guurtada ah ee Dawladda (Dhulka iyo Guryaha);

Wuxuu soo Saaray Xeerkan oo uu ku go’aamiyey;

1. In Guryaha Dawladda ee aan Hay ‘ad dawladeed gacanta ku haynin:

a) In dib loogu soo celiyo gacanta Xukuumadda.
b) In aan magdhaw loo celin qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhalan-rogay ama wax ugu kordhiyey Guryaha Dawladda.

c) In qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhistay dhul bannaan oo shacab-eeriya ah uu bixiyo qiimaha u dhigma dhulka uu dhistay ama dawladdu u celiso qiimaha dhismaha ka galay.

d) In aan waddooyinka iyo goobaha adeega guud loogu talo-galay sinaba loogu mulkiyi karin lahaansho gaar ahaaneed.

e) In qofkii dumiyey dhisme dawladeed lagula xisaabtamo magdhawgiisa.

2. In la asteeyo lana xadido Guryaha dawladda iyo dhulka shacab-eeriya ee aan looga maarmayn danta guud ee Qaranka.

3. In la iibiyo Guryaha Dawladda iyo dhulka Shacab-eeriya ee aan loo isticmaalin danta guud ee Qaranka laguna shubo Khasnadda Dawladda.

Fulinta iyo dhaqan gelinta Xeerkan waxaa u xilsaaran Guddiga qaran ee ku xusan Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lr. 17/2001 Qodobkiisa 31aad, Faqradiisa 2aad oo u dhigan sidan “Wixii dhul dawladeed ah ee dan loo arko in laga iibiyo qof, shirkad, safaarad iwm ee leh sifo la ogolaaday, waxaa iibin kara oo keliya Dawladda Dhexe oo ay wakiil ka yihiin Guddi Qaran oo ka kooban:

a) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka “Gudoomiye”.
b) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda “Xubin”.
c) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Xubin”.
d) Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka “Xoghayn”.

Waxaa la’ dajinaya siyaasadda iyo qorshaha guud ee lagu maamulayo isla markaana ka gacan siinaya fulinta xil-gudashadooda masuuliyiinta kala ah:

• Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
• Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
• Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
• Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.
• Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
• Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

walaalahayaga bariga somaliland waxaan leeyahay wixii aad ka cabanaysaan iyadoo cad miiska wadahadalka la yimaada, intayada kalena waxaa nagu waajiba in aanu idin dhagaysano oo aanu fahano cabashadiina,prof ahmed ismaaciil samatar daawo video.

$
0
0

salaykum alaykum, walaalayaal waxaan idiin soo gudbin doonaa kulan dhex maray

prof axmed ismaaciil samatar iyo jaaliyada somalialand ee ku nool gobolka

columbus, ohio ee cariga maraykanka.

 

 

halbeegnews. uk

CUNISTA QAADKU WAA GAF!!!!

$
0
0

mWaxaynu waayadanba wadnay maqaalo aynu kaga waramayno qaadka iyo dhibtiisa uu bulshadeena ku hayo inagoo marba tusaale soo qaadanayna isla markaana waraysiiyo iyo la sheekaysiiyo layeelanayna hadba dadka uu saameeyay isla markaana mahadhooyinka kala kulmay sidaa awgeed baa maqaalkeenii shalay waxay inoo maraysay iyadoo ninkii odayga ahaa ee soo mirqaamay ee guri aanu lahayn isku qaaday dabeeto la garaacay fadeexaduna ka raacday uu waabarigii kacay waxna kala gartay isla markaana gabadhiisii ama xaaskiisii ku dhahay naa bal dhakhtar ii qaada ceebaa dhacdaye ilahay ceebteena ha asturee sida waajibku ahaa gabadhii odaygii waa qaaay waxaana lageeyay dhakhtar waana la soo daweeyay oo waa caafimaaday balse maxaa ku bilaabmay? waxaa ku bilaabmay sheeko aanu qaadi karahayn oo xaaskiisii ayaa waxay aamintay inuu odaygani godadle yahay oo way masayrtay ilayn waatii u taagnayd isagoo guri hortiis lagu garacaayo oo la dhahaayo habeen walba waxaan uga taag laayahay reer kayga waxay gabadhu u qatay dhab oo ma oga in odaygu qaad soo cunay oo soo waashay sidoo kale kama war hayso inuu ninkan kalena yahay hinaasi oo waxay iska wadatay hawsheedii hinaase odaygii hada waxaa haysata dhibaato wayn gurigii waa laga eraya oo caruurtii waa lagu diray waxaa uu hada noqday duur gal ergo kasta oo uu soo diraana way shaqayn waysay ugu danbaystiina reerkii waa kala yaacay oo waa burburay.

Bal hadaba hadaan yara falanqayno waxyaabaha salka u ah burburkan waa qaadka waana markhaati madoon waayo waxaad ogaydeen inta mar xaladood ee uu ninkaasi la soo maray qaadku iyo dhibaatada uu u gaystay odayga ugu danbayna waxaa uu ka dhigay rug iyo reer beel sidaa awgeed waxaan dhahaynaa waar qaadku waa danbiile dagaal una baahan in maxkamad lasoo istaajiyo oo lagu qaado xeer ciqaabeed.

saaxiibayaasha cunista qaadka ku hawlana waxaan kula talinaynaa waar iska dhiciya gumaysiga qaadka oo naftiina gacantiina ha ku haligina cunista qaadku waa if iyo aakhiro seeg waa ayaan daro waa nacasnimo sidaa awgeed aan iska dayno oo is daba qabatayno saaxiibayaal.

waayo dhinac walba waa inaga dilaa oo wax uu inoo reebay ma jiro dhinacyada uu inaga dhaawacay ama uu inaga dilaybana waxaa kamid ah dhinaca cafimaadka oo waxaad arkaysaan wax uu reerkaasi aan ka soo waranay kukala yaacay waa qaadka iyo mashaakilka uu bado ruuxa cuna ama isticmaala.

waxaa kale oo uu baabashaa dhinaca dhaqaalaha oo inta ruux ee shalay qani ahaa maantana uu saboolka ka dhigay waa badanyihiin.

guntii iyo gaba gabagabdii maqaalka waxaan soo jeedinaynaa waar sidan ku soconmayno oo waad aragtaane qaadka joojiya.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

Wasiirka Hawlaha guud oo Dawladaha Hoose ka mamnuucay in ay bixiyaan ama qorsheeyaan Dhulka Danta Guud

$
0
0

Isniin 10 March 2014 Hargeysa (Halbeegnews)–wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed ayaa manta soo saaray Digreeto uu Dawladdaha Hoose ee Somaliland uu kaga joojinayo sharciyeynta, Qorshaynta dhulka banaa ee magaalooyinka Dalka iyo bixinta danaha Guud.warka

Qoraalka amarka wasiirka oo saxaafaddu nuqul ka heshay ayaa u qornaa sidan:

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka ahna guddoomiyaha guddida qaranka Naqshadaha guud iyo guddoomiyaha guddida dib usoo celinta gacan ku haynta iyo ku tasarufka dhulka iyo Guryaha Dawladda.

Markuu Arkay: qoddobka Sadexaad, afraad iyo shanaad ee Xeerka Dhulka Xeer  No: 17/2001

Markuu arkay: Qoddobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo qoraya jago bixinta ka reebanm dawladaha hoose faqradiisa 1aad oo u dhigan sidatan(maamulkaDawladaha hoose wax aka reeban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha Macdanta, Dhul beereedka, xeebaha iyo meelaha Danta Guud loo qorsheeyey) iyo faqradiisa labaad.

Markuu arkay: qoddobka 43aad ee Xeerka ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka dalka jsl faqradiisa ee qeexaya wax aka reeban inay saxeexaan documnty la xidhiidha

Bixin dhul
Waxa ka reeban Dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha
In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha jsl ee dibu sioo celinta iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cada arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw

Qoraalkan oo dhaqan galaya manta oo uu saxeexay wasiirka WWH/G/ G waxa lagu wargelinayaa hay’addaha dawlada ee ay khusayso iyo mulkiilayaasha beeraha in ay dhawraan isla markaana sharciga iyo xeerarka dalka u yaala

Xigasho Wergeyska Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

 

Dawladda Soomaaliya Oo Somaliland U Saxeexday Mashruucyo Ay Bixinayaan Dalalka Turkiga, Emirateka Iyo Weliba Baanka Horumarinta Afrika Lacagaha Oo Loo Soo Marinayo Somaliland Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya

$
0
0
Ra'isal Wasaare Axmed oo la kulmaya dhigiisa dalka Emirateka lix cisho ka hor magaalada Abu Dhabi saxeexayna heshiiskani

Ra’isal Wasaare Axmed oo la kulmaya dhigiisa dalka Emirateka lix cisho ka hor magaalada Abu Dhabi saxeexayna heshiiskani

Isniin 10 March 2014 London (Halbeegnews)– Ra’isal wasaaraha dawladda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhawaan safar uu ku tagay dalka Emirateka carabta, wuxuu heshiisyo qallinka ku duugay lacago iskugu jira deeq iyo weliba kabis ay dawladaha Emirateka, Turkiga iyo weliba bangiga horumarinta Afrika ugu deeqday Soomaaliya, lacagahaasi oo qaybo ka mid ah loogu tallo gallay in la siiyo Somaliland.

Guji Kor Si Aad U Daawato Video

Lacagtani oo qadarkeeda lagu sheegay ilaa 5 Malyuun oo dollarka maraykanka ah, ayaa waxay si toos ah ugu soo dhici doonta bangiga dhexe ee dalka Soomaaliya, iyadoo lacagtaasi 2.3 Malyuun oo dollar oo ka mid ah loo qoondeeyey in la siiyo Somaliland, isla markaana loogu tallo gallay in wax lagaga qabto horumarinta dhinaca tababarka shaqaalaha iyo weliba qallabaynta xarumaha dawladda gaar ahaana casriyaynta waaxaha cashuur uruurinta.

Lacagta la siinayo Somaliland ayaa waxaa loo soo mariyey bangiga dhexe ee Soomaaliya oo iyaguna dusha kala socon doona mashruucani siduu u fulo, waxaana Somaliland laga dhigo sida gobol ka mid ah dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Ma cadda cidda heshiiskani dhinaca Somaliland usoo saxeexday, balse diblomaasiyiin Soomaaliya oo ku sugan magaalada London oo shabakadani Halbeegnews si qarsoodi ah ugu waramay iyagoo ka gaabsaday in magacooda la xuso, ayaa u sheegay in arrintani ay qayb ka tahay heshiiskii lagu gaadhay magaalada Ankara ee ahaa in deeqaha Soomaaliya la siiyo qaybta Somalilandna la gaadhsiiyo iyadoo loo soo marinayo dawladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland intay madax banaanideeda heshay lacago fara guudkood ah oo dawarsi lagu bixiyey ay u hoos fadhiisato Soomaaliya, taasi oo nusqaan iyo quudhsi ku noqonaysa madax banaanidii Somaliland shacabkeedu ku dhawaaqeen 1991 kii 18 May.

Halbeegnews, London

contact@halbeegnews.com

Madax-weynaha Somaliya Oo maanta U ambabaxay Dalka Japan.

$
0
0

Madaxweynaha6Muqdisho(HalbeegNews)-Madaxweynaha Dowlada Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha calamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda dalka Japan kaddib markii Madaxweynuhu uu casuumaad ka helay Ra’iisulwasaaraha Wadanka Japan Shinzo Abe.

Af-hayeenka Madaxweynaha somaliya  Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha uu u ambabaxay dalka Jaban,isagoona shaaciyay in Jaban ay ka mid tahay wadamada taageera Soomaaliya.

madax-weynaha Oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxaa uu yidhi.

“Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirada Arrimaha dibedda iyo Howlaha guud, sidoo kale waxa ku jira mas’uuliyiin kale, waxaana ay casuumaad ka heleen Ra’iisul wasaaraha Dalka Japan Shinzo Abe, shirkaan waxaan filaynaa in dib u dhiskii ay horey u balan qaaday Japan in ay ka dhabeyso, maadaama ay kalhore qabteen shir arrimaha Soomaaliya ku saabsan” ayuu yidhi Af-hayeenka Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa dalka Jaban ku sugnaan doona mudo seddex cisho,iyagoona inta ay ku sugan yihiin dalkaasi kulumo kala duwan la qaadan doona madax kala duwan.

Dawlada Hoose oo ku mashquulsan Xadhida Iyo Qurxinta Wadada Hormarta Madax-tooyada Iyo Xaafada goljano Oo Cabasho ka Muujiyay Waddo La’aan haysata.

$
0
0

subaxaHargaysa(HalbeegNews)- Dadka Ku dhaqan xaafada Gol-jano  ayaa cabasho ka muujiyay waddo La’aan ka taagan xaafadasi, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaybo ka mida dadkaasi kuwasi oo sidoo kalena xusay in ayna haba yaratee jirin ilaa imika meel hadii cid ay ka geryooto mayda lagaga soo qaado.

Hadaba dadkani ayaa waxaa ay baaq u diren dawlada hoos ee magalada hargaysa madama oo ay ku shuqul ledahay arimahaasi.

Dadkani ku dhaqan xafada isla mar ahaantana manta la hadlay bahda saxaafada oo iskugu jiray haween culimo awdiin, iyo waliba dhalinyaro ayaa sidoo kale sheegay in ay xidhantahay wadadii gudd ahan isku xidhi jirtay xafada xero awr Goljano iyo Xawaadle taasi oo ahayd rukunka kaliya ee xaafadaasi leedahay.

Arintani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili dawlada hoose ee magalada hargaysa ay dhisayso wadada Isku xidha Madax-tooyada Ilaa Suuqa Weyn Ee hargaysa taasi oo waliba habeen kasta la xaadho wadadaasi, halka xaafadaha Ay ka mid yahiin laynka Milatariga iyo waliba xaafado ku yala magaaladu ay daadsanyahay xashiishkii.

 

 

 

 


Muuse Biixi oo Maanta Qado Sharaf U sameeyay Xubno iskugu Jira Odayaal iyo Xubno Ay isku Hayeen Khilaafki Xisbiga Ee Dhawaan la Xaliyay.

$
0
0

UntitledHargaysa(Halbeegnews)-Guddomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ee kulmiye Muuse biixi cabdi ayaa Maanta waxaa uu qado sharaf ku maamuusay Qaybo ka soo jeeda Waqooyiga Iyo Galbeedka magaalada Hargaysa Kuwasi oo kala ahaa qaybaga kala duwan ee dadka ku dhaqan halkaasi, Casuumadani ayaa ka dhacday hoteel Guuleed Ee magaalada hargaysa.

Kulankani oo ahaa mid qarsoodiya isla mar ahaantaana aan loo ogoleyn in ay ujeedadiisa ogaadan bahda Saxaafada Ayaa hadana sida ilo-wareed u dhuun Daloola Aanu ka helayno waxaa ay shabakada Halbeeg U xaqiijiyeen in ay Ahayd sidii uu muuse biixi uu u kasban lahaa  Miisan culus Ka hor Shir-weynaha xisbiga Kulmiye oo loo asteeyay inuu ka dhaco hotel mansoor.

Hadaba Sida Warark nagu soo gadheen ayaa waxaa ka qaygalay munasibadani qado sharafta ah masuuliyiinta ay ka midka yahiin,

Wasiir ee Ganacsiga iyo Arimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Maxamed Biixi Yoonis, Pro. Cabdi Dusse, Dr.Xuseen Bulxan,Duuliye Sare Cabdi Rodol,Aadan Cumar Illeeye, Xildhibaan Ibraahim Kacaan (oo kamid ah Garbaha uu  ku duulo Muuse-Biixi), Iid Daahir Salaan (Madexweynihii hore ee kililka Shanaad), iyo Odey Maxamed Cabdi Aadan(Iskeerse).
hadaba munasibadani ayaa waxaa y ku soo beegmaysa xili xisbiga kulmiye oo is qabqabsigoodu batay ay dhamaatay isla mar ahaantaana xaliyeen xubno uu madax-weynahu u xilsaaray isla mar ahaantaan ay qaybo ka soo jeday Xubnahii ay is hayeen Muuse biixi ay ku jiraan casuumada.
Halbeegnews
Hargaysa Voice.

FAALLO: Maxaa Sababay In Maanta Dulmiga Iyo Dilku Gaadho Heerkii Ugu Sarreeyey Uguna Foosha-Xumaa!!! ? By Wariye C/salaam-Abuhurayra

$
0
0

Cabdisalaan Abu-hurayraSida aynu la socono beryahan dambe waxaa aad u soo xoogeystey isla markaana heerkii ugu sarreeyey maraaya dilalka ukaska ah ee guud ahaan ka dhaca dalkan Somaliland.

Dilalkaasi oo haatan la caadaystay dhagaheenana kusoo batay lana qabsadeen ayaa kuwii ugu dambeeyey uguna yax-yaxa badnaa waxaa ka mida dilkii dhawaan ka dhacay bariga magaalada Hargeysa.

Dilkan oo argagax hor leh ku abuuray bulshada ayaa 24/02/2014 guri ku yaalla bariga magaalada Hargeysa loogu geystay Marxuumad Ruqiya Saciid Ayaanle (IHUN). Waxaana dishay gabadh ay saaxiibo ahaayeen.

Horta qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan qaranka waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo, marxuumaddana jannadii Firdawsa haka waraabiyo. Waxaana dishay gacan ka xaq-daran oo aan odhan karo waxay kalsooni buuxda ka haysataa halka ay qormadaydani daarantahay.

Waan dareensanahay si wayn-na waan ula damqanayaa gaar ahaan qoyskii marxuumaddu ay ka baxday, masiibadaasi xanuunka badan ee ku habsatay. Waxaanan filayaa qofkastoo damiir lihi inaanu ka ladin jidhkuna ka dubaaxiyey.

Ilaahay haka abaaliyee ciidamada ammaanku si aad u qiimo badan loona bogaadiyey ayey u guteen kaalintoodii kaga aadanayd kiiskii dilkan. Waxaanay si hagar-la’aan ah uga hawl-galeen soo qabashada gacan-ku-dhiiglayaashii iyo ciddii loo tuhmay inay gacan ka gaysteen dilkan foosha-xun.

Marxuumad Ruqiya oo bad-qab kaga jarmaaday gurigeeda, ayaa  Shan Cisho kabacdi maydkeedii laga helay lagana soo saaray God dheer oo lagu riday. Kaasi oo laga dhex qoday guri ay geli jirtay gabadh ay saaxiibo ahaayeen marxuumadda oo magaceeda lagu sheegay Muna Maxamed Cabdilaahi.

Sid la xaqiijinayo marxuumadda ayaa Lacag ku lahayd gabadhan saaxiibadeed ahayd ee nafteeda galaafatay. Waxaanay marxuumuddu ku booqatay uguna tagtay gurigeeda, si ay uga soo qaadato lacag ay amaahisay oo bixinteeda maalintaasi loo ballan-qaaday.

Sida caadada ah Dayn-bixiyaha waxaa maskaxdiisa ku meera marka uu Dayn-qaate uu lacag ku leeyahay lasoo hadlo ee uu yidhaa soo doono lacagtaadii waan kuu hayaaye “Tolow muu/may iska wada bixin mise badh buu/bay iska bixin …iwm”. Marnaba maskaxdiisa/maskaxdeeda masoo marto khaarajin ayaa laguugu yeedhayaa.

Marxuumadda oo iska baraad la’ ayaa si kalsooniya u tagtay gurigii saaxiibadeeda ay lacagta ku lahayd oo in muddo ah looga sii qodayey looguna sii diyaariyey God dheer. Halkii ay ka eegaysay kuna rajo waynayd in lacagtii oo dhamaystiran la siiyo ayaa inta dhuunta laga aslay, bohoshii dheerayd-na gunta loo dhigay.

Gacan-ku-dhiiglayaashu wadhaaba ma wataan, afkana waa la dhabaan-dhabtay. Qoyskii marxuumadduna waxay baadi-goob ku jireen oo ay baaxaa-degayeen muddo ka badan Lix Casho. Caalimul-qaybka ayaan waxba laga qarin karine, fashilme dhagar-qabayaashii. Waxaana maydkeedii loogu tagay God dheer oo dusha ka malaasan.

Bal u fiirso gabadhaasi ku kacday falkan foosha-xun ee anfariirka ah, waxaa la fududaatay isuna qurxisay inay saaxiibadeedan daynta ku leh qudha ka goyso, urta iyo aragga maydkeedana god aan kaba fogayn oo guriga dhexdiisa ah iskaga leexiso, si ay meeshaba uga saarto qaddarka lacagta ah ee marxuumaddu ay ku lahayd.

War iskuma haysee waxay maleegtay, qoortana la gashay mid ka mida dunuubta ugu waaweyn. Waxaase isweydiin mudan maxaa sababay in maanta uu heerkaasi waxashnimada ah  dalkeena ka gaadho dilku, iyadoo la fudaydsanayo lana xalaashanayo dhiigga walaalka muslimka ah?

Waxaan filayaa qofka war-celinta waydiintan ka raadiya meelo kale inuu ku wareeri doono. Balse haddii aynu sideeda u abbaarno, waxay jawaabtu kusoo ururaysaa Cadaalad-darro baahsan, xadhkahana goosatay oo haatan si xawliya uga socota Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Waxaan filayaa in waxyaabo badani ka hir-galeen, wax-na ay jidka kusoo jiraan ballan-qaadyadii ay samaysay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. Balse waxaa nasiib-darro ah in lagu hungoobay, wax kasoo naaso cadina aanay jirin halkii ugu darnayd uguna muhiimsanayd oo ah Cadaaladda.

Madaxweynuhu bilawgii xukuumaddiisan-ba wuxuu ku dhawaaqay in cadaalad-darrada oo xilligaasna siduu isba qiray meel xun maraysay uu wax weyn ka qabanayo. Waxaanu isbedel ku sameeyey garsoorkii dalka. Isagoo gudddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabay masuulka haatan xilkaas haya oo magaciisa la yidhaa Yuusuf Ismaaciil Cali.

Inkastoo isbedelkaa aad loogu riyaaqay, hadana dad badan oo aqoon u lahaa guddoomiyaha cusub ayaa aad uga  deyriyey . Waxaanay wer-wer iyo walaac badan ka muujiyeen mustaqbalka cadaaladda dalka. Iyagoo saadaaliyey xaalad sillan oo ka daran tii hore.

Haddii aynu dib u jalleecno tan iyo maalintaa uu madaxweynuhu isbedelka sameeyey, waxaa isa soo taraayey oo sare u sii kacay, halkii ugu sarraysayna caga-cagaynaya tabashooyinkii ka jiray garsoorka. Waxaanay cadaalad-darradu maraysaa meeshii ugu xumayd.

Haddaba meeliba meelbay ka cawdubillaysataaye, meesha ugu daran ee ay biyo-dhagatay cadaalad-darradu balaayoo dhamina kasoo burqanaysaa waa Maxkamadda Sare. Waana meesha keliya ee wakhti xaadirkan ay daalimiintu kusoo hirtaan, kuna doogsadaan. Waxaanay haatan ku caan-baxday Badbaadinta Dhagar-qabayaasha.

In dilku gaadho heerkii ugu foosha-xumaa, waxaa u aabbo ah cadaaladdan madaxa ka dhimatay oo ah Maxkamadda Sare gebi ahaanba ka xuubsiibatay Xaqsoorkii. Waxaana qaybteeda fulintana haatan la moodaa in ay meeshaba ka baxday oo aanay jirin-ba.

Waxa haatan la maqaa waa Dhagar-qabe Dil lagu xukumay oo la seexiyo laguna baxnaaniyo goobta haatan loo baxshey Albeerkada Cadaaladda. Muddadaa uu ku raaxaysanayo Albeerkadana waxay Maxkamadda Sare ka shaqaysaa qorshihii ay ku sii dayn lahayd.

Muddo aan badnayn kadib-na waxaa la maqlaa uun Gacan-ku-dhiiglihii waxaa sii daysay maxkamadda Sare. Oo haddii aad u kuur-gashid aad ogaanayso in aan loo marin sifo Sharciya. Waxaanad arkaysaa Maxkamadda Sare oo mararka qaar gaaf-wareegaysa gobolada dalka, abaabulaysana Odayaasha reeraha si waliyu-damka oo ah Cidda dhiigga leh ee wax laga dilay ay ugu khasbaan Magta. Haddii ay suuroobi waydana ay maxkamaddu ka dul-booddo Waliyu-damka lana xaajooto Odayaasha sidaasna kusii dayso gacan-ku-dhiiglihii, iyadoo isticmaalaysa awood ay caadaysatay beryahan oo gabi-ahaanba baal-marsan Cadaaladda.

Qofkastoo qudh-gooyo geystaa wuxuu hubaa in sharci iyo sharci-darraba aan la qisaasi karin lana sii dayn doono. Sidaasi darteed, waa ta maanta keentay in dilku fududaado, fahana ka baxo, oo uu gaadho heerkii ugu xumaa. Waxaana beryahan aad u soo shaac-baxday odhaahda liidata ee Mus-dambeedkeedu yahay Maxkamadda Sare ee ah “Wallaahi in aan waxba la iga kaa weydiin doonin oo shilin shilin laguu bixin”.

Haddii Caddaaladdeenii ay ka dhimatay Madaxa, Maxaa laga filan karaa Mijaheedana? Waa weydiin ku sar-go’an, heerka natiijo ee halkaasi ka dhalan karta. Waxaanan filayaa in qof waliba fahmi karo, kii kasi waayaana waa nasiibkii.

Maxkamadda Sare waxay ahayd inay noqoto meel aad looga baaraan-degay uguna sugan cadaaladda. Si aanay daalimiintu marnaba usoo haweysan. Nasiib-darro se waxay maanta noqotay meesha ugu sillan garsoorka una suntan cidkastoo dulmi raadis ah. Waxaanan filayaa haddii aan la daba-qabatayn in ruux ruux ay innoo taabato, xaaladduna faraha ka bixi doonto. Ilaahay kama yeellee.

Haddaba aragtidayda gaaban markaan ku fiirshey, halka ay sartu ka qudhuntay. Waxaan ka geyn waayey madaxa ugu sarreeyey cadaaladda oo midada daabkeeda haya ahna guddoomiyaha haatan ee maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil oo gebi-ahaanba ka arradan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso aqoonta diinteenna suubban ee Islaamka oo gun-dhig u ah cadaaladdeena.

Sidaasi darteed, lagama yaabo inuu guul ka keeno qawaaniinta ay Bani’aademku dhoob-dhoobeen, kol hadduu ka qaawan yahay Qaanuunkii Ilaahay ina soo raaciyey. Waxaana taa u dheer taariikhdiisa dhanka garsoorka oo aan la mahadin, lagana weji-dadbo.

Aqoon-darradan baahsan ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka haysata dhanka diinta, waxaa markaaba laga dheehan karaa sida aanay waxbaba u xidhin ee uu garsoorkii ugu tuntay sidii Awr dabar la’aan dhacay. Tan iyo maalintii la magacaabayna waxaa halkii ugu sarraysay gaadhay cadaalad-darradii ka jirtay garsoorka. Sidaasi darteed ayuu dulmigiina gaadhay heerarkii ugu sarreeyey uguna yax-yaxa badnaa.

Anigoo filaya magacaabista guddoomiyaha haatan ee Maxkamadda Sare inay ahayd XAL. Hadana taasi socon weyday haatan, oo waa taa horteena timi ee cadaaladdii ay godka madaw ku hoobatay. Waxaase faa’iido ah oo aan filayaa in duruustii XAL-ka aynu si fiican u darisnay.

Maadaama aynu dheeftiisii hayno dhaxalkii XAL-ka. Waxaan filayaa in aynaan isku diidanayn, qiraal-na lagu wada yahay in xilligii XAL-ku uu dhammaaday, loona baahanyahay oo aynu gaadhnay xilligii XUL-ka. Waxaanan kusoo gunaanadayaa cadaalad haddii la waayo ammaan ma jirayo. Waana tii horey loo yidhi Rag Cadaalad Waayey, Sidii Cawsha Kala Yaac.

Qalinkii Cabdisalaan-Abuhurayra

salaanmuctasim@hotmail.com

abuhurayra@hadhwanaag.org

Hargeisa, Somaliland.

Khilaaf La sheegay inuu Dhex Yaalo Mayarka iyo Badhasaabka Gobalka Sanaag sidoo kalena isku Awood Sheegtay Xili ay timid Dacwad Adag Golah Degaanka Dhexdiisa.

$
0
0

Golaha Wakiilada Somaliland-Ceerigaabo(Halbeegnews)Kadib markii Golaha Deegaanka Degmadda Ceerigaabo Ay dhowaan go’aan Xadhig Iyo ganaax Ah kasoo sareen Cida Af-lagaadeysa Diinteena Suuban ee Islaamka islamarkaasina lagu fuliyay shaqsiyaad hore ayaa waxa Taliyaha Saldhiga Dallo ee magaaladda Ceerigaabo gacanta kusoo dhigay Askari Ciidamadda Police ka katirsan oo amar diido iyo aflagaado Diin Cay kula kacay isaga kadibna xabsiga Utaxaabay.

Waxana arintaasi ka horyimi Badhasaabka Gobolka Sanaag Geele Dacar oo Taliyaha ku Amray inuu soo daayo askarigaasi Waxana talaabadda Badhasaabku ku fasaxayo dembilahan ay umuuqataa inuu ku tirtirsiyayo amarka golaha deegaanka Kadib khilaaf la sheegay inuu dhex yaal isaga iyo Maayarka Degmadda Ceerigaabo

Saraakiil Sar sare oo Madaxda Haayaddaha laamaha dawladda ee Gobolka Sanaag ayaa dhankooda ka gaabsaday inay iftiimiyaan khilaafka labadda masuul dhex yaal balse dul kaxaadis ku sameeyay in arimo muran dhaliyay oo lagu kala fog yahay ay jiraan.

lama Oga  Ilaa hadda khilaafka labadda masuul oo in mudo ah la hadal hayay halka uu ka bilaabmay iy arimaha muranka keenay.

Hargeysa/Office

HalbeegNews

Qaybo ka Mida Haweenka Ku Dhaqan Caasimada Hargaysa Oo Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Eedeymo Warbahinta loo Mariyay Garsoorka Dalka.

$
0
0

???????????????????????????????Hargaysa-(Halbeegnews)-QaarkamidaHaweenkakuDhaqanCaasimadaHargaysaooMaanta(shalay)Shirjaraaidkuqabtay Hotel XarafayaawaxbakamajiraaniyoDacaayadoRiqiisakuTilmaamayEedoiyodhaliilobaryahandanbe war-baahinta loo galiyayGarsoorkaMaxkamadahaDalaka.waxaanayHaweenkanimarkahorexaalkabixiyeenhadaladiiniyad-jabkaahaaeewarbaahinta loo galiyay, waxaanaysheegeen in GarsoorkamaantaDalkakahawlgalaa 90% kawanaagsanyahaykiihore. NadiiraIsmaaciilMaxamedookamidahaweenkamadashanisuguyimidoouguhoraynhalkaakahadashayayaatidhi “HortaaniguTodobaBilood bay MaxkamadaDacwadiiigasocotaymudadii ay Dacwadaasi ii socotay wax dhib ah iyo wax Cadaaladaka fog midnamaanarag,markaahortawaxaweeyimarkalabaqofDacwad loo qaado mid kamidahuun bay garturaacaysaa.Dhaqanahaana ma quruxbadana in qofkagartalagahelayuuka been abuuroGarsoorkaoouuDacaayadowarbaahinta u mariyo”Waxaa kale ooiynamada-ShaasikahadashayMarwoFilsanCabdiXasanooiydunasheegtay in ay mudosadandiyolababilood ah Dacawadougasocdeenmaxkamadadagmadaiyo ta gobolka-ba,Waxaanaykudheeraatayhabsami u socodkahawlahaGarsoorkaiyosidawanaagsanee ay u hawlgalaan,iyadaooBulshadanaugubaaqday in lagarbistaagoloonahiiliyoCadaaladaiyosinaanta. Mar ay arimahaasikahadlaysana wax aytidhiSidan. “diintaiyodhaqankasuubanmidnakumabannaana in la is fadeexadeeyo,waxaananigukamarkhaatikacayaamudadiidacwduiigasocotaymaxkamadahainaygarsoorkusicadaalada u sheqeeyaaanwaalagayaabaa in aadmarmarsaluugto mid kamida gar-yaqaanka,Taasnamacneheedumaaha in ay wadaxunyihiinooilaahayuunbaankhaldamin,Haddiiaad wax saluugtanawaxaakuubanaan in aadAnbiil Ka qaadato.” Haweenkanisuguyimimadashaayaawaxaydhamaantoodsheegeen,inGarsoorkamaantaDalkakahawlgalaoo u badanDhalinyaroaqooniyokarti u lehhawlaha ay Bulshada u hayaan ay aadugawanaagsanyihiinkuwiihoretaasina ay markhaati u tahaymalaayiindacwada ah  oomurug Sanaa in ay dhaqaajiyeenoo ay go’aamokasoosaareenmudadaiiyaradee ay joogeen.Gabagabdiiwaxayhaweenkaniubulshadaugubaaqeen in cadaalada la garb istaagoloonahiiliyoGarsoorkahabeeniyomaalinbaheegankaugujirahawlaha ay qaranka u hayaan

Daawo Hal-Abuurka Da’da Yar C/qani Maxamed Xuseen (Mandela)

$
0
0

abwaanDaawo Hal-Abuurka Da’da Yar C/qani Maxamed Xuseen (Mandela) Oo Soo Bandhigay Maanso Cusub Oo La Magac Baxday “Hami” Kana Hadlaysa Horumarka iyo isku filnaashaha Dawladnimo.

Shirkadda Baloore iyo Khubaro Somaliland metelaya oo Faransiiska ku falanqaynaya Heshiiska Dekedda Berbera

$
0
0

ballore

Sallaasa 11 March 2014 Hargeysa (HALBEEG)–Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo maal-gashi Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay halka uu marayo Xidhiidhkii Xukuumada Somaliland iyo Shirkada Boloore oo la saadaalinayo in lagu wareejiyo Dekeda Berbera.

`q12QWasiirku waxa uu sheegay in wakhtigan ay isku maqan yihiin Khubaro ay Somaliland dhinaceeda ka socda iyo shirkada Boloore kuwaasi oo kulan ku yeelanay dalka Faransiiska. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horeyn ka hadlayey halka uu marayo Heshiiska Shirkada Boloore iyo Xukuumadu wuxu yidhi. “Todobaadkan waxa dalka yimid oo muddo ilaa afar cisho ah wadashaqeynaynay koox khubaro ah oo farsamo yaqaano ah oo iskugu jirta Sharciyaqaano iyo Injineero oo aqoon xeel dheer u leh arrimaha Dekedaha, kuwaasi oo ah dad madax-banaan oo dawladeenu qabsatay, markaa waxa na dhex maray kulan dheer oo ku Saabsan arrimaha ay Somaliland doonayso, runtii talooyin muhiim ah ayey nasiiyeen oo ku saabsan hindisihii shirkada Baloore ay noo soo gudbisay ku saabsan, markaa imika waxa isku maqan shirada Boloore iyo Qoladan inaga ina mataleysa kuwaasi oo shirar ku leh dalka faransiiska waxayna sii wadayaan wadahalada, marka ay Somaliland ku qanacdo in horumarka aynu la doonayno dekeda Berbera iyo waxa ay waddo shirkadu is yeeshaan markaas uun bay dawlada somaliland go’aan ka qaadan kartaa in ay heshiis la gasho iyo in kale” Ayuu yidhi

Isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “laakiin shirkadan Baloor ma aha shirkad si gaar ah aanu dekeda ugu xidhayno Berbera, laakiin cid allaale iyo Cidii kale ee anaga halkan wax nagala qaban karta ee si madax-banaan arrimahaasi waanu ugala xaajoon karnaa, waxaanay danta dalku tahay in aanu helno cid wax nagu kordhisa oo dhista Dekeda, dhaqaale keenta, farsamo wanaagsan keenta macaash faro badan keenta, dekedana deked weyn oo gobolka geeska oo dhan u adeegta ka dhiga.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ka hadlay Safar uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta waxaanu yidhi. “Waxaan u baxayaa Safar aan ku tagayo dalka Imaaraadka carabta, waxaanan sii mari doonaa dalka Itoobiya, runtii safarka aan u baxayo waxa uu la xidhiidhaa arrimaha maal-gashiga iyo ganacsiga, sida laga wada war qabo dalka imaaradka carabtu waa dalka ugu horeeya ee Somaliland ay la leedahay ganacsi iyo maal-gashiba, inta aan halkaasi joogana wax aan ka wada hadli doona arrimahaasi.”Ayuu yidhi.

Xigasho Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Gole Ay leeyahiin Barayaasha Duruusta Kala Duwan Ee Dalka Oo soo Saaray War-saxafadeed Ay kalsoonidi kala Noqonayaan Guddomiyaha X.Imtixaanaadka.

$
0
0

haaHargaysa(Halbeegnews)-Golaha Macallimiinta Qaranka Somaliland oo ah madal kulmisa bareyaasha ka hawl-gala dugsiyada kala geddisan ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddaynayaan in ay kalsoonidii kala laabteen Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland. Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee Golaha Macallimiinta Qaranka ayaa u dhignaa sidan:

1. Kaddib markii aanu aragnay in Daauud Axmed Faarax, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu si badheedh ah u dafiray jiritaanka iyo xuquuqda aanu u leennahay in aanu samaysan karno Gole/Urur/Madal u doodda aanu ku gargaarno Wasaaradda Waxbarashada Somaliland
2. Kaddib markaanu ogaannay in aanu Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku dhex u ahayn dugsiyada ku tartama horumarinta waxbarashada Somaliland, isla markaana uu gunno, gacan iyo xulasho siiyo bareyaal ka hawl-gala dugsi uu Daauud Axmed Faarax ku leeyahay meherad ganacsi, taasna loo fasiri karo in uu saami dadban ku leeyahay dugsiga lagu xanto in uu iibsado imtixaanka dawliga ah.
3.Kaddib markaanu faaqidnay waxa xafiiska imtixaanaadka qaranka ka dhigay meel u xidhan koox gaar ah oo gacanta ku hayay illaa 1997kii.
4. Kaddib markii aanu yeelannay wada-tashi, xog ururin, baaraan-deg, iyo ka-fiirsi mug iyo miisaan leh, oo aanu xaqiijinnay in Daauud Axmed Faarax si hubsiimo la’aan ah ugu dhex dhacay xaajo aanay waxba ka khusaynnin, isla markaana uu isu magacaabay Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland
Golaha Macallimiinta Qaranku waxa uu ku dhawaaqayaa in ay kalsoonidii kala laabteen Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md Daauud Axmed Faarax oo ku fashilmay xilkii uu qaranka u hayay iyo dhisidda maamul ku salaysan caddaalad. Ugu dambayntii Golaha macallimiinta Qaranku waxa uu baaq u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo si xilkas ah uga soo baxday masuuliyadda ballaadhan ee ay u hayso Qaranka Somaliland….
Allaa Mahad Leh
Siciid Maxamuud Gahayr
Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee Golaha Macallimiinta Qaranka

Alle Ha u Naxariiste Waxaa Saaka Ku geeryooday Dalka Jarmalka Fanaanki Codka Somaliyeed Maxamed Suleymaan Tubeec.

$
0
0

Maxamed_Saleebaan_Tubeec_Xanuunsan_1Germ(Halbeegnews)-Fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka ayaa saaka ku geeriyooday cisbital ku yaala dalka Jarmalka oo uu in muddo ah ku xanuunsanayay.

Mustafa Maxamed Suleyman Tubeec oo ah inan uu dhalay fanaanka geeriyooday ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee Maxamed Suleyman Tubeec isagoo sheegay in mudadii uu ku jiray cisbitalka laba mar  qalliin lagu sameeyay isagoo xusay in uu ka xanuunsanayay sambabada.

Allaha u naxaraiistee Maxamed Suleyman Tubeec ayaa ahaa fanaan Qaran waxaana lagu xasuustaa heeso wadani ah oo uu ku luqeeyay xiliyo kaladuwan wuxuuna ahaa wadani geesi ah oo magac iyo maamuus ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed

“Waar Taariikhda SNM Ha Lagu Daro Manhajka Waxbarashada Dalka Oo Caruurta Ha La Barro, Hadii Kale Waxa La Waayi Doonaa Cid Difaacda Qarankan Maalinta Cadaw Ku Soo Duulo”Cismaan Hindi

$
0
0

Sallaasa 11 March 2014 Hargeysa (HALBEEG)–Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), kana mid xooggaga dhexdhexaadka ah Somaliland, ayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ugu baaqay in manhajka waxbarashadda dalka lagu daro taariikhdii ururkii xaq u dirirka ee SNM ee dib u xoraynta Somaliland.

Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (HINDI) Guddoomiyaha Golaha Siyaasadda Dhex Dhexaadka Ah Ee Somaliland

Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (HINDI) Guddoomiyaha Golaha Siyaasadda Dhex Dhexaadka Ah Ee Somaliland

Cismaan Hindi waxa uu ku dooday in cid qaranka difaacda la waayi doono hadii aan caruurta iyo dhalinyarada dalka la barrin wixii loo soo maray dib u xoraynta Somaliland, isaga oo tilmaamay inaanay cidina difaaca dalka ku dhiiranayn doonin hadii la cisayn-waayo mujaahidiinta nool iyo xaasaska iyo caruurtii ay ka tageen geesiyadii SMN.

Cismaan C/laahi Cigaal waxa uu sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku hambalyeeyey xeerka uu ka soo saaray dhawaan ee ilaalinta iyo daryeelka hantida dawladda oo ay dhulka iyo guryuhu ka mid yihiin.

Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Wargeyska Haatuf  qoraalkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu ku bilaabay  “Waxaan ku talinayaa in guud ahaan bulshadda Somaliland ay ku dagaalanto oo ay ku dadaasho sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkii xasuusay shacbigii iyo maatidii aan waxba galabsanin ee maalin walba godka laga soo saarayo lafahoodii iyaga oo isku xidh-xidhan.

Cismaan Hindi isaga oo qoraalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Ilaahay ha u naxariisto dhamaan dadkii reer Somaliland ee uu xasuuqay taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, waanan ka mabsuuday oo run ahaantii Jidhiidhico ayaa I qaaday markii aan arkay 45 qof oo saraakiil ciidan iyo shacbi-ba leh oo uu xasuuqay Siyaad Barre oo shalay aas-qaran loogu sameeyey Hargeysa, run ahaantii gacan ka gardaran ayaa dishaye Alle ha u naxariisto. Waxaanan xukuumadda, madaxwaynaha iyo guud shacbigaba ugu baaqayaa inay sharfaan agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen geesiyadaasi u dhintay dalkooda ee loo xasuuqay isir-ahaanta,waxaynu ognahay in dalalka Ethiopia iyo Eretria sida wayn iyo sharafta la siiyo dadkii u halgamay oo ninkasta oo mujaahid ahi waxa uu leeyahay ID Card lagu aqoosanayo oo qofkasta oo arkaa fadhiga ayuu uga kacayaa oo wuxuu dadkiisa ugu dhexnool yahay cisi iyo sharaf ee aynu sidaas yeelno oo aynu sharafno oo ixtiraano geesiyadii SNM inta nool, isl markaana inta dhimatay waxa sharaf ugu filan inaynu tixgalino caruurtooda iyo ooriyahooda nool”.

Cismaan Hindi mar qoraalkiisa kaga hadlayay taariikhda SNM waxa uu yidhi “Waxaan ku talinayaa oo aan cod dheer ku soo jeedinayaa in taariikhdii SNM iyo halgankii ay dalkan kaga xoreeyeen taliskii macangaga ahaa ee dhiiga dadka cabi jiray in lagu dhigo Iskuulada oo Manhajka waxbarashada dalka lagu daro si aanay mar danbe u dhicin tii oo kale, run ahaantiina barashada taariikhda SNM waxay dawo u tahay oo ay dhiiri-galinaysaa dhalinyarada iyo caruurta reer Somaliland oo dareemi doona in hadii ay difaaca dalkooda u dhintaan in la sharfi doono xaaskooda iyo caruurta ay ka tagaan, hadii taariikhda SNM barri-waayo dhalinyarada waxa la waayi doonaa cid difaacda dalkan oo ku dhiirata halgan danbe oo lala galo cadow, dadkuna way ka niyad jabi doonaan inay sharaftooda iyo qarankooda difaacaan”.

Qoraalkiisa isaga sii wada, waxa uu intaasi raaciyey  “Waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku hambalyeynaynaa u dhegonugaylka, sixida iyo wax-ka-qabashada cabashooyinka ummaddu ay tabanayso.

waxa kale oo aannu si gaar ah madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland aannu ugu hambalyeynaynaa xeerka madaxweyne ee uu ka soo saaray sidii dhulka danta guud ee guryaha iyo dhulka loogu soo celin lahaa gacanta xukuumad si looga ilaaliyo tasarufka lagu hayo, sidoo kale waxaannu ku ammaanaynaa sida uu xeerka ugu caddeeyey inay waajib tahay ilaalinta waddooyinka iyo dhulka kale ee danta guud oo aan loo samaysan karin sharci lahaansho ah, sifo kalena loo isticmaali karin.

Haddaba, dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso iyo guddiyada qaranka ee madaxweynuhu magacaabay, waxaannu ku boorinaynaa, kuna dhiirigelinaynaa in sida ugu degdega badan ee la xidhiidha danta qaranka u fuliyaan xeerka madaxweyne, iyagoo aan cidna u habranayn.

Waxa kale oo aannu halkan ka sheegaynaa, kana codsanaynaa in hoos loo eego mujaahidiinta waaweyn ee dalka ee guryaha dawladdu hoyga u yihiin haddii guryahaas looga maarmi karo danta qaranka, maadaama digreetada madaxeynuhu khusaynayso guryaha dawladda oo dhan oo ay ka mid yihiin kuwa ragga mujaahidiinta ah, agoomihii SNM iyo qoysaskoodu hoy ahaan ugu jiraan, arrintaasna waa in hoos loo eego,” ayuu Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.

Xigasho Haatuf

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Raysal wasaaraha Somaliya Ayaa Sheegay In ay Gurmad Gaadhsiinayaan Deeganadii laga Saaray Al-shabaab.

$
0
0

IMG_91311Muqdisho(Halbeegnews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay weheliyaan qaar kamid ah ah xubnihiisa Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Safiirka Britain, Safiirka Turkey, Imaaraadka iyo xubno kale.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin  lahaa shacabka ku dhaqan deeganada dhowaan laga xoreeyay kooxda Xarakada  Al-shabaab isla markaana looga dhaqan galin lahaa deegaanadaasi adeegyada bulshada ee aas aasiga ah sida Amaanka iyo Maamul.

Raysal Wasaaraha Somaliya oo Arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxaa uu yidhi “Waxaan kala hadlayay xubnaha Beesha Caalamka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qorshaha dawladda ee gurmadka loogu fidinayo dadkeena Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha aan ka xoraynay kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Waxaan gaarsiin doonnaa biyaha, cunada, waxbarashada anagoo sugayna amaanka goobahaasi.” Ayuu yidhi  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in ay xukuumaddiisu juhdi badan galin doonto sidii dib-u-xoraynta kadib looga hirgalin lahaa goobahaasi xasilooni iyo garab-istaaga shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay ku hayeen kooxahaasi.

Wasiirka Arimmaha Gudaha oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta kulankaasi kadib ayaa sheegay in sidoo kale ay deeganadaasi gaadhi doonaan xubno kamid ah Golaha Wasiirada si ay u qiimeeyaan waxyaabaha ay dadku u baahan yihiin iyo hubinta xasiloonida goobahaasi laga saaray Nabad-diidka.

Xubanaha kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in ay ka qaybgali doonaan gurmadka ay dawladdu u tahay hormuudka.

Safiirka dawladda Turkey u fadhiya Soomaaliya ayaa intii kulanku uu socday waxaa uu sheegay in dawladiisu ay dib u bilaabi doonto miisaaniyadda ay ku kabi jirtay dakhliga dawladda Soomaaliya

Muqdisho

halbeeg office

 

Kumanaan Beesha Ciise Ah Oo Iska Diiwan Geliyey Magaalada Jibouti Iskana Dhigay Qaxoonti Ka Soo Haajiray Saylac Iyo Lughaya Oo Dhul Laga Dejinayo Somaliland

$
0
0

djibouti refugees

Sallaasa 11 March 2014 Djibouti (Halbeegnews)– Waxaa dalka Jibouti ka bilaabmay olole laxaadleh oo ay maal iyo moodba ku bixinayso dawladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo la doonayo in dadka ka soo jeeda beesha Ciise gaar ahaana jifadda mamaasanka loo yaqaano in gebi ahaanba laga soo raro dhinaca Jibouti isla markaana lagu deegaameeyo degmooyinka Saylac iyo Lughaya ee Somaliland.

guji kor sawiro kale

Qorshahani oo ay in muddo ahba wada xaajood hoose kaga jireen wasiiro ka tirsan xukuumadda Siilaanyo iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Jibouti, ayaa timid ka dib markii doorashadii golaha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 2012 kii, ay deeganaadaasi oo ay isku tirinaysay beesha Ciise inay xoog ku leedahay ay ku fashilmeen, islamarkaana beelaha kale ee dega gobolka Awdal ay kaga xoog bateen tiro ahaan, isla markaana la wareegeen maamulka deegaanadaasi, taasi oo keentay in xildhibaano iyo masuuliyiin ka soo jeeda beesha Ciise oo ku jira golayaasha qarranka iyo xukuumadduba ay ku tilmaamaan in si xoog ah loogu shubtay doorashadaasi.

Wasiirka dibu dejinta Somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayuunba dhawaan ka soo laabtay dalka Jibouti isagoo in muddo ahba ka shaqaynaayey sidii dadkaasi loo dejin lahaa deegaanada Saylac iyo Lughaya, waxaana qorshahani kala shaqaynaaya wasiiro iyo madax ka tirsan dawladda Jibouti, waxaana lagu bixiyey lacag malaayiin dollar ah.

Arrintani ayaa haddii aanay xukuumadda Somaliland ka qaadan tallaabo kama danbays ah waxay keeni karta cawaaqib xumo siyaasadeed, iyo kala qaybsanaan sababta dagaalo iyo colaado ka dhex qarxa beelaha wada dega gobolada Awdal iyo Salal.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Daawo Video: Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Ololahii Doorashada Uu Markale Doonaayey In Dib Loo Doorto Waddooyina Xadhiga Ka Jaray

$
0
0

Sallaasa 11 March 2014 Hargeysa (HALBEEG)– Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa safar siyaasadaysan oo u muuqda inuu hordhac u yahay ololaha uu ku doonayo in dib marlabaad tallada dalka loogu doorto wuxuu ku jooga magaalada Boorama, isagoo xadhiga ka jaray jid la sheegay inuu isku xidhayo magaalooyinka Boorama iyo Dila, iyo jid kale oo isku xidhaya gobolada Gabiley gaar ahaana degmada Boorama iyo degmada Kalabaydh.

Hoos ka daawo muuqaaladdani

Viewing all 3922 articles
Browse latest View live