Waxaynu ognahay in cadaaladu tahay asaaska nolosha, asaaska Horumarka iyo nabad gelyada.
Madax banaanida nidaamka cadaaladu waa aasaaska nidaamka dawlad nimo iyo kala dambaynta iyo u hogaansanaanta sharciga.
Hadaba waxa maalmahan socday dood ku saabsan madaxbanaanida nidaamka cadaaladda Somaliland (judiciary system). Garsoorayaal ayaa si badheedh ah u soo bandhigay faragelinta lagu ahyo nidaamka cadaaladda. Isla markiiba koox kale oo ka tirsan bahda cadaaladda oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha maxakamadda sare ayaa iyaguna shir jaraaid ku sheegay in cadaaladda Somaliland madax banantahay oo garsoorayaashii hore khaldameen.
Runtii waa nasiib daro in garsoorayaal iyagu soo bandhigay cadaymo iyo cabashooyin ay ka muujiyeen faragelin ay ka tirsanayaan qaar ka mid wasiirada xukuumada, ay garsoorayaal kale oo uu ku jiro Gudoomiyaha maxakamadda sare ay u jawaabaan, halkii ay la safan lahaayeeneen ee ay difaaci lahaayeen madaxbanaanida cadaaladda, waa sheekadii caanka ahayd ee hebelow hebel u jawaab.
Waxaan is waydiinayaa madaxbanaanida nidaamka cadaaladda ma waxa lagu cadaynayaa hadal, warsaxaafadeed iyo shir jaraaid oo la qabto iyo in la yidhaa cadaaladu way madaxbanaantahay? Sidee garsoore cadayn soo bandhigay garsoore kale ugu jawaabi karaa? Ma taasaa madaxbanaani ah? Miyaanay kashifaad ahayn? Miyaanay siyaasadii qaybi oo xukun iyo hebelow hebel u jawaab u egayn?
Runtii madaxbanaanida cadaaladu way ka balaadhantahay wax hadal iyo sheegasho lagu cadayn karo, waxay leedahay tiirar ay ku taagantahay iyo waxyaalo calaamad u ah oo lagu yaqaan. Waxaan isku deyayaa bal inaan dhawr qodob ka tilmaamo tiirarka aasaaska u ah ee lagu yaqaan cadaaladda madaxa banaana.
Tiirarka Asaaska u ah madaxbanaanida cadaaladda
1. Madaxbanaanida nidaamka cadaaladu waxa uu ka bilaabmaa qodobo distoori ah oo cadaynaya ama qeexaya nidaamka cadaalada iyo madax banaanida cadaaladda.
2. Waxa ku xiga Sida loo raaco/dabaqo ama loogu dhaqmo qodobada distooriga ah ee qeexaya madax banaanida maxakamadaha iyo garsoorayaasha.
3. Waxa ku xiga Xulashada garsoorayaal tababaran, aqoon leh, dhex-dhexaada, dhaqan suuban oo ku sifoobay cadaalad kana madax banaan siyaasada iyo wax kastoo bulshadu ku kala qaybsantahay sida qabyaaladda IWM.
4. Waxa ku xiga in garsoorayaasha ay noloshooda iyo baahiyahooda aasaasiga ahi ay daboolan yihiin oo mushaharka ay qaataan si fiican ugu filanyahay inuu daboolo dhamaan baahiyohooda aasaasiga ah.
5. Waxa ku xiga in garsoorayaasha amaankoodu xafidanyahay oo aan xukun adag oo ay cid ku rideen khatar gelin Karin noloshooda.
6. Waxa muhiim ah in garsoorayaashu sida wasiirada oo kale helaan additional privileges sida gaadhi fuiican iyo guri fiican.
Madaxbanaanida maamulka cadaaladda
1. In maamulka cadaaladu leeyahay miisaaniyad ku filan oo ka madaxbanaan raali gelinta dawladda oo ku salaysan baahida miisaaniyadeed ee maamulka cadaaladda.(Tolow wasaaradda cadaalada iyo TV-ga qaranka ee lagu faafiyo propagandaha dawlada keebaa miisaaniyad badan?)
2. In sharci ahaan aan laamaha dawlada ama madaxda dawladu aany soo fara gelin Karin nidaamka cadaaladda isla markaana aanay hor istaagi Karin fulinta go’aamada maxakamadaha.(Tolow wasiirada isku dayay in ay maxakamadda sare u adeegsadaan in ay joojiyaan shirka baarlamaanka, wixii ka sokeeya baarlamaanka ma ka baydhayaan?)
3. In nidaamka cadaaladu ka madax banaanyahay faragelinta siyaasada, musuqa iyo laaluushka oo cidii lagu ogaado uu ka yaalo xeer adagi.
4. In go’aanka garsooruhu sidoo kale ka madax banaanyahay rabitaanka khaaska ah ee garsooraha, tusaale ahaan in go’aanka aanu raad ku yeelan nacayb ama jacayl uu garsooruhu u hayo qaar ka mida dhinacyada loo garsoorayo.
5. In dalacaada garsooruhu aanay ku xidhnayn raali gelinta dawlada si toos ah iyo si aan toos ahayn toona, laakiin ay ku xidhantahay gudashada waajibka shaqada iyo sugida cadaaladda ee dhamaan kiisaska uu qaaday.
Calaamadaha lagu garto cadaaladda madaxa banana
1. In ay cadaaladu mar walba u hiiliso cida dulman oo qudha, No matter who, xataa hadii ay dacwadu u dhaxayso muwaadin caadi ah iyo wasaarad ka tirsan dawladda ama ciidanka police-ka oo dulmi u gaystay muwaadin.(Tolow caruurtii badnayd ee ku baxday gacanta ciidanka bilayka cid ma loo qabtay oo cadaalad ma loo sameeyay? Tolow xadhigan maalin walba taagan ee lagula kacayo saxaafadda iyo muwaadiniinta aan dembiga lahayn cadaalad ma lagu dhameeyaa? Tolow cabashadii doorashooyinka degaanka si cadaalad ah ma loo qaaday?
2. In aan nidaamka cadaaladu ahayn mid cidii awood lihi uun adeegsato ama danaheeda ku gaadho.( Tolow nidaamka cadaalada SL ma dawladuu raali geliyaa oo happy ku ah mise waa mel cidii la dulmayba ku eerato oo cadaalad ka soo hesho?)
3. In cadaaladda ay isku si uga baqaan waaxaha dawlada, madaxda dawladda iyo muwaadinka caadiga ahi oo aanay u kala dhawayn.
4. In aan garsoorayaashu ka wer-werin inay shaqadooda waayaan hadii ay xukumaan goaano aan dawladu raali ka ahayn, ama ay gaadhaan goaamo aan raali gelinayn qaar ka mid ah madaxda sarsare ee dawladda.
5. In shuruucda iyo nidaamka cadaaladu aanu ahayn mid shabaha xuubka caarada oo qabta cidii awood yar, laakiin aan qaban Karin cidii awood badan leh.
Hadaba waxaynu ognahay in xukuumadan kulmiye markii ay talada dalka qabatay ay bilaa sabab bedeshay Gudoomiyihii maxakamadda sare iyo garsoorayaal tiro badan. Miyaa la odhan karaa cadaaladda Somaliland siyaasada ayay ka madax banaantahay maadaama dawladu hal mar xaaqi karto gudoomiyaha iyo garsoorayaal intii ay doonto oo ay bedeli karto?
Ma la odhan karaa cadaaladda SL way madax banaantahay mar hadii garsoorayaashii soo bandhigayaan faragelinta lagu hayo sugida cadaalada? Ay u jawaabayaan garsoorayaal kale si ay dawlada u raali geliyan, halkii ay intay eegaan faragelinta la soo bandhigay ay dawladda ula xisaabtami lahaayeen?
Waxaan ku soo geba gebaynayaa Umaddu cadaalad ayay rabtaa, waa shacab xariir ah oo xaq u leh in uu cadaalad helo.
Xisbiga waddani waxa uu u arkaa in cadaaladu tahay aasaaska nolosha, aasaaska nabada iyo aasaaska horumarka.
Xukuumada waxaan usoo jeedinayaa in ay ka fogaato faragelinta nidaamka cadaalada, sidaas ayaa dalka dani ugu jirtaa, oo dawlada danteedu ku jirtaa oo dadka dantoodu jirtaa.
Waxa aynu ognahay in waxyaalaha lagu qiyaaso nidaamka dawladnimo ay ka mid tahay cadaalad madax banana oo aan cid gaari ku shaqaysan. Qaramada midoobayna waxay sameeyeen shuruudo laga rabo Nidaamka cadaaladda madaxa banana. Taasi waxay keenaysaa in hadii nidaamkeena cadaaladu uu noqdo mid wasiiradu ku shaqaystaan ay noqonayso arin aan soo dhawaynayn citiraafkii iyo dawladnimadii aynu rabnay.
Alaa mahadleh
Mohamed A. Issa
Xubin Gudiga Arimaha Debedda WADDANI