![Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali Wuxuu Iska Casilay Shaqadii Uu Ka Hayey SLNTV]()
Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali Wuxuu Iska Casilay Shaqadii Uu Ka Hayey SLNTV
Arbaca 05 March 2014 London (Halbeegnews)– Suxufiga keliya ee aqoontiisu gaadhsiisantahay heer Master Degree, isla markaana ahaa ruug cadaaga keliya ee ka mid ah suxufiyiinta afka Soomaaligaku hadla ee ku sugan magaalada London, oo tan iyo markii telefishanka xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso ee SLNTV laga furay magaalada London ka hawl gallaayey, Cabdilaahi Maxamed Cali ayaa shallay gelinkii danbe shaqadii uu ka hayey telefishankaasi iska casilay, iyadoo wararkuna tibaaxayaan in sababta uu isku casilay tahay sababo badan oo is biirsaday oo ay ugu weyntahay isagoo barnaamijyada uu ka sii daayo telefishanka u madax banaanan waayey, isla markaana dadka uu weraysiyada la yeesho qaarkoodna la diido in laga sii daayo telefishanka halka qaar kalana barnaamijyada la jar jaro.
Arrinta kale ee ku keliftay Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali inuu shaqadii telefishanka SLNTV iska casilo ayaa wararka ay Halbeegnews hellaysa tibaaxayaan inay la xidhiidho musuq maasuq, eexasho, qabiilaysi iyo kooxaysi la degay isla markaana burburiyey dhammaanba hawlahii telefishanka qarranka ee dalka ingiriiska.
Haddaba barta uu ku leeyahay shabakadda Facebook ayuu Cabdilaahi Maxamed Cali wuxuu ku qoray qoraalkiisa uu shaqada kaga tagay oo u qorna sidani:
“Waxa aan dhamaan asxaabta igala socotay TV Qaranka Somaliland la socodsiinayaa laga bilaabo 05/03/2014 oo ku beegan Arbaca in aan iska casilay kana tagey, isla markaana aanan wax shaqo ah ama ka hawlgal dambe TV Qaranka Somaliland ka sii wadeyn, siiba laanta laantiisa Yurub oo aan studio-ga London xarun u ahayd barnaamijkaygii joogtada ahaa ee ‘Madasha Qurbejooga” aan ka soo dayn jiray.
Hase ahaatee taa macnaheedu ma ah in aan faraha ka qaaday saxaafada iyo qaabkii aan barnaamijkaa u soo diyaarin jiray, waxaanan rajeynayaa in aynu dib ugu kulano Madasha Qurbejooga ama mid kaba sii wanaagsan bar kale oo saxaafadeed Inshaa Allah. Sidoo kale waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa mudadii aan TV Somaliland joogay oo runtii aan ahayn hawl fudud , balse waayo aragnimo ii ahayd intiinii taageerada, niyad dhiska iila barbar joogtay oo aanan marnaba ilaawayn dareenkiina iyo wadaniyada aad muujiseen. Waxa sidoo kale aan halkan lee yahay asxaabtayda ku sii hadhay TV Qaranka London ee hawsha gacanta ku haya balse aan magac ahaan u joogin nasiib wanaagsan iyo khayr badan oo aan idiin rajeynayo, waanad mahadsan tihiin. Laakiin halkan facebook weynu wada joognaa!!” ayuu ku soo gebo gebeeyey qoraalka uu isku casilay Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali.
Dedaal Intee Le’eg Ayuu U Gallay In Sumcadda Telefishanka Qarranka Ee Dalka Ingiriisku Ay Wanaagsanato
Wararka ay Halbeegnews ka hellayso xogaha ku dhaw Suxufi sare Cabdilaahi Maxamed Cali ayaa tibaaxaya in muddo dheer uu cabashooyin isdaba joog ah u gudbiyey madaxda ugu saraysa qarranka, isagoo cabashooyinkiisaasi ku sheegay caqabadaha ugu waaweyn ee la soo darsay hawshii uu ka hayey telefishanka, iyo weliba qabiilaysiga, kooxaysiga, hanti lunsiga iyo musuq maasuqa dhinac walba leh ee xadka ka baxay ee ka dhex aloosan gudaha telefshanka qarranka ee magaalada London.
Wararka Halbeegnews heshay ayaa tibaaxaya in Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali uu kulan arrinta kala yeeshay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan muddadii uu ku sugna dalka ingiriiska, isla markaana uu cabashadiisa uu si rasmi ah ugu bandhigay isla markaana Wasiir Xirsi si toos ah ugu sheegay inay ka raali yahiin in madaxda qarranka ee axsaabta iyo golayaasha wararkooda iyo weraysiyadooda laga sii daayo telefishanka isla markaana aanay madaxtooyadu wax caqabad ah ku ahayn, balse maamulka telefishanku uu iska baqanayo, balse kulankaasi ayaan noqon mid caqabadda haysatay suxufi Cabdilaahi Maxamed Cali lagu xalliyo, waxaanu telefishanku la mid noqday sida sidii kii Kacaankii Siyaad Barre, iyo inuu telefishanku noqdo mid qarranka u dhexeeya sida magaciisa ka turjumaya, balse nasiib darro kulanka uu la yeeshay Wasiir Xirsi ayaan noqon mid lagu qanciyo
Wuxuu sidoo kale Cabdilaahi Maxamed Cali dhawr jeer cabashooyin u gudbiyey madaxweynaha Somaliland iyo marwadisa Aamina Maxamuud Jirde Weris, kaasi oo uu u sababeeyey arrimaha iyo caqabadaha haysta telefishanka oo ay madaxtooyadu ku bixiso boqolaal kun oo dollar, balse noqday ka noqday fadhiid dalka ingiriiska, dhammaanba cabashooyinkiisaasi ayaa noqday hal bacaad lagu lisay aan waxba la iskaga tirinin, isla markaana ay madaxda qaranku si dadban ugu xaqiijiyeen inaanay ka raali ahayn in telefishanka qarranku noqdo madal loo wada simanyahay.
Barnaamijka Madasha Qurbe Jooga
Suxufi Sare Cabdilaahi Maxamed Cali ayaa wuxuu ka sii dayn jiray telefishanka SLNTV barnaamij siyaasi ah oo la yidhaahdo Madasha Qurbe Jooga kaasi oo uu ku martiqaadi jiray todobaadkiiba mar siyaasiyiinta Somaliland iyo haldoorka qurbe jooga, balse intii uu barnaamijkaasi soo saaraayey ayaa mar walba wuxuu kala kulmi jiray caqado aad u farabadan in barnaamijkiisa laga sii daayo telefishanka, waxaana mararka qaarkood dhici jirtay in gebi ahaanba la diido in barnaamijkii uu soo saaray, wakhtigu kaga baxay isla markaan soo gudbiyey la tirtiro lana diido in la sii daayo, sababtoo ah inuu qofka la weraysanaya yahay hogaamiye mucaarid ah.
Dhibaatada kale ee Cabdilahi Maxamed Cali la soo daristay ayaa ahayd iyadoo barnaamijkiisa bilaw ilaa dhamaad lagu samayn jiray jar jaris laga goynayo meelaha aanay xukuumaddu jeclaysan, iyadoo weedha iyo muuqaalka la goynaya aanay ahayn wax sidaasi u sii jaban.
Musuq Maasuqa iyo Qabiilo Kiilka Biyo Dhigay Xarunta SLNTV Ee London
Xafiiska uu telefishanka SLNTV ku leeyahay magaalada London ayaa waxaa loo soo magacaabay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Aadan Dhari oo ay isku raas ka soo jeedaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, oo isagu ahaa shakhsigii xilka keenay, Mr. Dhari ayaa wuxuu ahaa intaanu xilka qaban dadka ku mamay hawlaha bulshada (Community Service) ee lacagaha been abuurka ah lagaga gurto dawladaha hoose ee dalka ingiriiska.
Markii loo magacaabay xilkani wuxuu markiiba ka dhex bilaabay gudaha SLNTV London qabiilaysi, iyo inuu musuq maasuqo mushaharkii shaqaalaha iyo xarunta telefishanka, oo mararka qaarkood ay dhacdo in shaqaalaha qaarkood ay bilaa mushahar ku dhacaan, iyadoo mushaharkoodii loo soo diray.
Arrinta ugu layaabka badan ayaa ah in Mr. Dhari uu shaqaale kasta oo ka hawl galla SLNTV London uu khidmad ahaan mushaharkooda uga goosto lacag U dhexaysa £100 Ilaa £200 oo uu ka dhex saaro mushaharkooda.
Cabdilaahi Maxamed Cali Iyo Aqoontiisa Saxaafadeed
Cabdilaahi Maxamed Cali ayaa wuxuu shahaadada sare oo Master Degree ka haysta jaamacadda Toronto University ee dalka Canada oo uu ka qaatay Master degree of Journalism, wuxuu hore ula soo shaqeeyey wakaaladda wararka Reuters, iyo maxadada wararka dalka canada ee Canadian Press, wuxuu sidoo kale ka soo hawl gallay idaacaddii afka Soomaaliga ee dalka Canada ee Radio Golis oo uu ka noqday tafatire.
Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa haldooradi sida tabaruca ah usoo qaaday telefishankii ugu horeeyey ee carada Somaliland laga hirgeliyo sannadkii 1998 kii ee marka loo yaqaanay Hargeysa TV, imikana loo yaqaano Somaliland Space Channel, wuxuu ahaa weriyahii ugu horeeyey ee Somalilander ah oo weraysi fool ka fool ah la yeeshay madaxweynahii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye.
Wuxuu ku hadla marka laga yimaado luuqadda Soomaaliga luuqadaha ingiriisiga, faransiiska iyo carabiga.
Weriyahii Gaarka Ahaa Ee Madaxweynaha Somaliland Siciid Maasim Axmed Cawaale Oo Hore Isagu Isla Arrintani Isku Casilay
Weriyahii gaarka ahaa ee SLNTV ee madaxweynaha Somaliland Siciid Maasim Cawaale ayaa bishii December ee sannadkii hore shaqadii iska casilay, ka dib markii maamulka telefishanku diiday in la sii daayo barnaamij uu ka sameeyey guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo dalka Turkiga kaga qayb gallay shir caalami ah oo axsaabta bidix dhexe iskugu timid.
Kharashaadka Lagu Bixiyo Xarunta SLNTV Ee London
Marka laga yimaado khidmadda qamar sanaaciga ee laga qaado telefishanka sannadkii, waxaa ka hawl galla SLNTV xaruntiisa magaalada London dad kor u dhaafaya ilaa 30 qof, oo aanay qaarkood xita soo shaqo tagin, isla markaana lacagahooda lagu siiyo fadhiga.
qofka ugu mushahar yar ee ka hawl galla SLNTV London wuxuu qaata lacag gaadhaysa £800 pound oo u dhiganta ilaa $1200 dollar, waxaa intaasi dheer kharashka kirada goobta ay kaga jiraan magaalada London oo sannadkii lagu qiyaasayo ilaa ku dhawaad 1000 kun oo pound oo u dhiganta ilaa 170 kun oo dollarka maraykanka ah.
Arrinta afkala qaadka, yaxyaxa iyo layaabka mudan ayaa ah in maamulka xafiiska magaalada London oo ah qol keliya oo uu ka hawl geli kari lahaa oo keliya hal qof, kharashka intaasi le’egna xukuumadda u bad baadin lahaa, loo sameeyey maamul ka kooban ilaa shan qof oo kala ah Guddoomiyaha xafiiska SLNTV London, Guddoomiye ku xigeenka, Maareeyaha Guud, Maareeye ku xigeenka iyo madaxa xisaabaadka, oo dhammaantood mushahar kumanaankun Pound ah ku qaata hawl uu qof keliya qaban kari lahaa, markii shabakadda Halbeegnews isku dayday inay wax ka ogaato sababta sidani foosha xun loogu sameeyey maamulka SLNTV ayaa lagu sheegay in agaasimahii hore ee warfaafinta Somaliland Faysal Cali Sheekh inuu qaab beelo ah ugu qaybiyey maamulka telefishanka oo aad moodayso in loo qaybiyey qaabkii 4.5 ee beelaha Soomaaliya wax u qaybsan jireen.
![Cabdilaahi Maxamed Cali Oo Barnaamijkiisa Qurbe Joog Ku Weraysanaya Wasiir Xirsi]()
Cabdilaahi Maxamed Cali Oo Barnaamijkiisa Qurbe Joog Ku Weraysanaya Wasiir Xirsi
![madasha qurbe jooga1]()
Hoos Ka Daawo Video Muuqaaladda Qaar Ka Mid Ah Baraamijkii Cabdilaahi M. Cali Ee Madasha Qurba Jooga Ee Ka Bixi Jiray SLNTV Weraysigii Wasiir Xirsi
Weraysi Uu La Yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale
Halbeegnews, London
contact@halbeegnews.com