Hargeisa(halbeegnews)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka qayb galay Xaflad loo sameeyay ku dhawaad sideed boqol oo Arday oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Hargaysa.
Munaasibada oo ay ka soo qaybgaleen Xisbiyada Mucaaridka ah ,Golaha Wasiirada iyo Golaha baarlamaanka ayaa waxa ay ardaydaasi ku booriyeen inay himiladooda waxbarasho sii wataan.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada hargaysa Dr Cabdi Gaas oo ka waramay Dufcadan maanta qalinjabinaysa iyo Waxqabadkii jaamacada Hargasya ,Waxaanu tilmaamay inay Maanta heer wanasgan marayso jaamacada Hargaysa.
Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare Ee Somaliland Ayaa iyaduna hambalyo u dirtay Ardayada ka qalinjabisay jaamacada Hargasya,Waxanay Goobtaasi kaga gudoontay jaamacada Hargaysa Lacag dhan shan kun oo Dollar oo loogu talo galay dhismaha jidka Ceerigaabo.
Gudoomiyayaasha Kulmiye iyo UCID ayaa iyaguna Ardayda Qalinjabinta u fadhiyay u hambalyeeyay .
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa ka waramay heerka shaqo la’aanta dalka iyo sida loo Abuuri karo shaqo ay dhalinyaradu samaystaaan .
Madaxwaynaha Somaliland ayaa isaguna gabagabadii Munaasibadaasi shahaadooyin gudoonsiiyay Ardayada kaalmaha hore ka gashay qaybahah kala duwan ee jaamacada