Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

WIILKU QAADKA MA CUNAA? Qr:cabdi casiis maxamuud yuusuf (ZACIIMKA)

$
0
0

gggManta ayaa gaba,eedii lacunay dadka iyo eheladeedu waa ay farxsan yihiin hooyo iyo aabbo hadalkoodaba daa ,ruux waliba waxa uu ugu hanbalyaynayaa,guurka ay guursatay. qof waliba waxa uu leeyahay manta waxa labixiyay ina hebal maanshaa allahuda ayaa badatay ducada ,hanbalyada,ayaa inanta lagu salaamayaa laguna soo ganayaa.haday asxaab noqoto.haday ehel iyo xigaal noqoto moble keeda gacantu afka iskuma darayo gudo iyo dibadba,waxa codka moble keeda ugu soo dhacaya cod muujinaya guur iyo faraxti,waa dhab oo goobtu waa madal faraxti.dareenkeeda waa uu kacsanayahay maxaa yeelay waa maalintii ay sugaysay nolosheeda iyada oo la leeyahay caruusada iyo hadalo kale oo macaan in ay ku maqasho dhagaheedu .mararka qaar waxa soo wacaya ruuxi ay manta u xalaalawday waa sawjkeedii ay manta kawsatay in ay nolol cusub la wadaagto,isaga qudhadiisu kama dareen hooseeyo isba aad ayuu u kacsanyahay shucuur ahaan iyo dareen ahaan,iyada oo kala hufaysa telefoonka isugu jira dibada iyo gudahaba ee ubadan fantastiyaha,hanbalyada
Waxaa soo wacday oo doonaysay in ay u hanbalyayso gabadh habar yar u ah waxa ay tidhi: habo manta ayaa lagu bixiyay ? waxaand manta ku biirtay dadka dadka la nool, waxa ay inantii ugu jawaabtay haa habo manta ayaa lay bixiyay ,habo waankuu soo ducaynayaa in uu illahay isku kiin barakeeyo adiga iyo nin kaaga cusub iyo in uu illahay idin siiyo ubad san.aamiin aamiin habo intaa marka ay iswaydarsadeen ayaa waxa ay ku tidhi waxa aan doonayaa in aan kuu imaado oo aynnu sheekaysano, muddo ismaynaan arage waxa ay ugu jawaabtay inantii haye habo maad I soo gaadhi,mise anaa kuu imaada. waxa ay tidhi anaa kuu iman habo hooyana maanu is arag in muddo ah e.
Gabadhan habar yarta u ah waxa uu qasdigeedu yahay in ay nolosha iyo waayaha guurku yahay nolol ka duwan tii dalinyaranimada ,ugana ibbo furto tallo ,tusmo,iyo waano waalid nimo maadaama ay bilaabayso nolol ka duwan tii hore, maadaama ay tahay inan yar oo nolosha ugub ku ah uguna hogo tusaalayso waxii khibrad iyo waayo aragnima ay leedahay,una sheegto in ay yeelato edabtii,aqlaaqdii,iyo xishoodkii hooyadeed kulana noloolaato sawjkeeda isqadarin,maamuus,xihood,iyo cisi,gabadha habar yarteed waa gabdh rabi hibo u siiyay dagani,diin,damiir wanaag,waana damal hadhwayn waxaana ay siinaysaa saad iyo sahay ay ku gaadho guriga cusub ee ay yagleelayso waana wanaag iyo samaan waxaana ay ka waaninaysaa wixii hagardaamayn lahaa gurigeeda iyada oo qaadaa dhigaysa waanadii ay gosha iyo guntiga ugu riddo lahayd inanta ay habar yarta u tahay .markii ay wixii waano iyo wax u sheeg ahaa dhamaysay , waxa ay waydiisay bal iga waran wiilka? Waxa ay ugu jawaabatay habo waa uu fiican ayahay.
Habaryarteed guyaalbadan kama wayna waxa kaliya oo lacarartay lafta , calfkeeduna waa uu soo dag-dagay uun.waxa ay reer leedahay muddo laba sanno oo kaliya hase yeeshee inanta ay habar yarta u tahay ka waayo aragsan kana khibrad badan sababta oo ah soomaalilda ayaa waxa ay ku maahmaahdaa nin gu, kaa wayni gu, baas kaa wayn.taas oo biyo dhaceedu iyo dulucdeedu tahay ruxii kaawayo aragsani in uu kaa wayn yahay habaryarteed .
Waxa ay waydiisay inanta su,aal iyada oo xishood iyo xayaa uu ka muuqdo habo wiilka qaadka ma cunaa? Waxa ay ugu jawaabatay habo haa waa uu qaylaa,laakiin ma badsado ,waa uu cunaayaa? waa ay naxday ,waxa ay eegtay inantan yare e bikrada ah iyo khibrada waayo aragnimo ee ay u leedahay nimanka laba canleeyay caleenta cagaaran iyo awood yaranta jinsi ee ay leeyihiin.marka rag is hello waa sariirta dusheeda e,mar waa amustaa,mar waa fikirtaa, mar waa qoshoshaa waa qosal aan caadi ahayn waa qosaol gariir e, badanaa hablo badan oo xishood ragaadiyay kuna dhib qaba nimanka quuto ,caleenta sumaysan kana qaada raganimada illaahay u dhaliyay caajisna galiya meello ka mid ah jidhkooda. Kamana haqabtiro dareenka iyo haraadka ay qabaan ooriyahoodu. waxa uu ka dul hinqadaa isaga oo aad moodo Awr xun oo ruqe ah.waxa uu ku ibtilaysan yahay Qaadka maalina gawskiisa kama faaruqiyo Qaadka,hasaye yeeshee gabdhiisu waxa ay ku qabtaa dhib iyo rafaad taas oo leh mid maal iyo mid jinsiyadeed,isna taqsiin waynoo waxa uu isku haystaa nin
Marka lajoogo goobaha fadhi ku dirirka ah waxa uu u muuqdaa nin huwan hugii iyo hayaankii raganimo laakin waa hungaw haraad ma reebshe ah,oridiisu waxa uu ula muuqdaa dhalanteed aan biyo ahayn markasta oo ay istidhaa cab waa ay ku hungawdaa. Sawdkiisa,sawaxankiisa joogiisa, jiifkiisa waxa uu kala siman yahay ina rag.laakiin waxa uu garwaaxsadaa marka uu ku gafo gabadhiisa in ku tukubo ul booc ah marka ay gablku dumo ee ay haliilan ragii rag ahaa waa ragii aan lahayn balwadaha iyo waxyaabaha baas, mararka qaar waxa uu ku haasawiyaa raga ay isku majlika yihiin in uu ku tamariyo caleeta cagaaran marka uu cunno,maaha run waa xujo iyo daliil daciifka oo uu ka dhiganayo xujo iyo burhaan uu ku meel marsanayo caleenta cunitaankeeda ,marka uu qayilo ee uu dhamaysto waxa uu la caraabaa bunduq katiban oo aanay waxba ka dhacayn.
Qore:cabdi casiis maxamuud yuusuf (zaciimka)
Email.gudoomiye74@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles