Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Hooyo Iyo Caruur Ay Dhashay Oo Haraad Dartii Ugu Dhintay Deegaanka Aato Oo Ka Tirsan Gobalka Bakool.

$
0
0

biyo-abSomaliya(HalbeegNews)-Hooyo Soomaaliyeed iyo carruur ay dhashay ayaa harraad ugu geeriyooday deegaanka Aato oo ka tirsan gobolka Bakool, deegaankaas oo ka mid ah kuwa ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.

 

Xaaladda abareed ee deegaankaas ka jirta ayaa sababtay in hooyadan iyo carruurteed oo laba ahaa ay u geeriyoodaan biyo la’aan daran oo soo food-saartay, iyadoo ay jiraan dad badan oo iyaguna deegaankaas ay ku haysato biyo la’aan.

 

Guddoomiyaha deegaanka Aato, Dubad Xasan Cali ayaa sheegay in xaalad aad u khatar badan ay ka jirto deegaanka, isgaoo xusay in dadku aysan heli karin biyo ay cabaan, taasina ay keentay inay hooyadan iyo ilmaheedu u geeeriyoodaan harraad.

 

“Deegaanka Aato xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jirta, ma jirto cid gargaar keentay, dadkuna waxay u dhimanayaan harraad iyo biyo la’aan,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Aato.

 

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida xun u samaayeen, iyadoo deegaanno gobolkaas ka tirsan ay horay harraad, biyo la’aan iyo macluul ugu geeriyoodeen tiro dad ah.

 

Arrintan ayaa imaanaysa xilli beesha caalamka iyo madaxda dowladdu ay ka digayaan in abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood ay sababi karaan in macluul ay ka dillaacdo Soomaaliya, taasoo sababi karta dhimashada dad badan.

 

Dhanka kale, waxaa jira deeganno badna oo uu gobolka Gedo ka mid yahay oo ay dad ugu geeriyoodeen baahi iyo harraad, inkastoo hay’ado maxallin ah ay ka billaabeen biyo dhaamin, taasoo aan kaafin karin dadka gobolkaas ay ku haystaan dhibaatooyinka bani’aadamnimo.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles