Sallaasa 30 September 2014 Hargeysa (HALBEEG)– Waxay shallay ahayd maalin farxad, raynrayn, riyaaq iyo qurux u ah dhalinyaro badan oo qarranka Somaliland u ah udub dhexaad, waxay ku soo qaateen seddex sannadood oo noloshooda ka mid ah waxbarasho, wax akhris, daalacasho iyo inay baraan noloshooda sidii ay waayaha iyo mustaqbalka ugu diyaarin lahaayeen.
Wacdiga iyo waayaha ku geedamani maaha mid xasiloon, maaha mid togan, mana aha mid kashkooda iyo laabtooda farxad gelinaayey, lagaba yaabe in saaxiibo badan oo ay kursi soo wada fadhiyeen uga caraabeen dalka aragti darradiisa mustaqbaleed, balse iyagu waxay u samreen wakhti, wacdiga iyo waayaha nolosha ku geedaman, iyagoo dhegaha iyo indhahaba ka furaystay humaaga iyo hawraarta ku wareegsan.
Haddaba akhristayaal waxaa maalintii shallay ahayd sida caadada ah ka qallin jabiyey jaamacadda caasimadda Hargeysa ugu weyn ee Hargeysa University loo yaqaano ama Jaamacadda Hargeysa, boqolaal ka mid ah ubucdii qarranka, waxaa boqolaalka nasiib wanaag ka mid ahaa seddex dhalinyaro oo Aabayashood maalin maalmaha ka mid ah ay ku rafiiq ahaayeen furumahii dagaalka ee Somaliland lagu xoreeyey, alla ha u naxariistee waxay ahaayeen miidii Somaliland maanta hadhka iyo himilada ay higsanaysayba gacantooda ilaahay ka sokow ku dhaliyey.
Sawirkani hoose waxaa ka muuqda markaad bidix ka tiriso Mustafe Mujaahid Maxamed Xasan (Gacma-dheere) oo haddii qallin dahab ah lagu xardhi lahaa taariikhdii halgankii ururkii SNM uu Aabahii alla naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye ka mid ahaa feedha iyo dhabarka ay SNM guulaha ku gaadhay, alla ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xasan (Gacma-dheere) wuxuu ku geeriyooday meel galbeedka kaga teedsan caasimadda Hargeysa isagoo ahaa madaxii sahaminta iyo guuragalka ee SNM, isagoo wakhtigaasi hogaaminaayey ciidamaddii SNM ee dhinaca galbeed ka soo gallay caasimadda Hargeysa, Mustafe oo ah wiilka curdeed ee uu Mujaahid gacma dheere ka tagay waa sarkaal sare oo ka tirsan Bangiga Salama Bank ee xaruntiisu yahay dalka Jibouti.
Waxaa dhexda ku jirta Huda Mujaahid Cali Xasan Aadan Banfas, oo alla ha u naxariistee uu dhallay Abwaankii, farshaxankii, halgamaagii, taariikh yahankii reer Somaliland Cali Xasan Aadan Banfas, oo la odhan karo wuxuu ahaa qalbigii iyo maskaxdii ay SNM guulaha ku gaadhay, gabayadii taariikhdu reebtay ee Mujaahid Banfas waxaa ka mid ahaa “haddaanan, hadaanan lixlow guga maanta”, Huda Cali Xasan waxay madax ka tahay mid ka mid ah haayadaha maxaliga ah ee u gargaara qoysaska itaalka darran ee Somaliland
Inanta ku shaqlan dharka qallin jabinta ee ugu midigaysa , ee ilaahay quruxda, sharafta iyo cisaha ku manaystay waa Hodan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Aabaheed wuxuu ahaa madaxii ururkii SNM ee galbeedka dalka, afar jeer ayuu ku dhaawacmay halgankii SNM, markii ugu danbaysayna waxaa xabbadii ku dhacday ay ka soo riday caloosha, hadda Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Bidix Mujaahid Maxamed Xasan Gacma Dheere, Dhexda Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Midig Mujaahid Cali Xasan Aadan Banfas
Mustafe iyo Hodan waa lamaane, iyaga ayaanu idinla wadaagayna sawirkoodani ee daawasho wacan