Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Xukuumadii Maanta Iyo Horumarka Dalka Ka Muuqda Midaan La Masuugi Karin Qeybtii 2aad

$
0
0

unnamed (3)Salaan iga gudooma Saxaaafada sharafta leh, waxaan idiinka mahad celinayaa shaqada balaadhan aad u haysaan qaranka iyo ummadiina, waxaan idinku amaanayaa doorka aad kaga jirtaan horumarka dalka aad baad ugu mahad san tihiin sidii aad usoo daabacdeen qormadii hore.
Sidii aad la wada socoteen waxaan xoogaa ka yara xusnay qeybtii horena u sheegnay Xukuumada iyo horumarka dalka inaanu ahayn mid la masuugay ee uu yahay mid la mahadiyey, qormadeenan waxaan kusoo qaadanaynaa islamarkaana aan sii wadaynaa inaan waxyaabo kooban ka iftiimino Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo intii ay jirtay oo ahayd sano aan badnayn horumarkii ay dalka gaadhsiisay.
Dawlada Jamhuuriyada iyo iyo Madaxdeeduba iyagoo ku amaanan waxqabadka mudadii ay xilka hayeen qormadeena maanta waxaan diirada ku saari doonaa Nabad gelyada iyo Ciimada Dalka noocyadooda kala duwan, Xukuumadu intii ay jirtay waxay kor u qaaday amaanka dalka, waxaana ay xoojisay xasiloonidii wadanka tayada iyo aqoonta ciimada qarankana way kobcisay, waxay samaysay ciimado cusub oo la dagaalama Argagaxisada loona yaqaan RRU kuwaas oo haybad iyo awoodba kusoo kordhiyey dhismaha ciidan ee wadanka.
Xukuumada Madaxweyne siilaanyo waxay heer ugu saraysay gaadhsiisay mooraalka Ciimada qaranka iyadoo mushaharkii u kordhisay 100% laban lab islamarkaana ugu dartay gunooyin, Xukuumadu waxay markii ugu horaysay taariikhda Somaliland Derejooyin u qeybisay Ciimada qaranka , waxaana ay taasi kor u qaaday mooraalkii, awoodii iyo hamigii ciidan ee wadanku lahaa, waxay soo kordhisay gaadiid iyo hub cusub oo lagu qalabeeyey ciimada kala duwan ee qaranka.
Xukuumadu iyadoo ku mahadsan waxay markii ugu horaysay soo bandhigtay dhoola tuska saanada Milatary ee ay leeyihiin Ciimada qaranku islamarkaana lagu difaaci karo Xuduuudaha Wadanka, Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo waxay markii ugu horaysay si nabada kula wareegtay deegaanka Taleex kana saartay Maleeshiyaadkii nabad diidka ahaa oo ay baacsatay, waxaana uu Madaxweynaha Qaranku Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Magacaabay Gobolka Xaysin oo ay Caasimad u tahay Magaalada Taleex shacabka Somaliland ay soo dhaweeyeen, gobolka xaysin wuxuu noqday gobol cusub oo kusoo biiray gobolada Somaliland.
Wafti uu hogaaminaayey Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali X. Xasan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka arimaha gudaha Cali Waran Cade ayaa gaadhay Magaalada Taleex si balaadhan loogu soo dhaweeyey iyagoo halkaasi gaadhsiiyey mucaawinooyin dadkaa reer Somaliland ee u afduubnaa cadawga, sidoo kale waxay kasoo dhiseen maamuladii sida maamulkii gobolka kii degmada iyo taliskii ciidanka bilayska.
Ciimada qaranka Jsl iyagoo fulinaaya Amarka Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay subax si geesinimo leh gudaha ugu galeen tuulada taleex oo uu ka socday wax loogu yeedhay shir loogu cumaamadaayey fidna walaha weyn ee cali khaliif, 5-daqiiqo kumay qaadan ciimada inay ka sifeeyaan maleeshiyadii tamarta darnayd deegaankaasi waxaana ay kama la,aan Xuduuda Somaliland kaga saareen ragg uu ka mid ahaa Cali khaliif isagoo markii danbe ku calaa calay inaan awooda Somaliland loo babac dhigi Karin.
Hadii aan aragno oo indhaheenu makhraati ka yihiin sida maalinta oo kalena ay u cadyihiin horumarka muuqda iyo hogaaminta suuban ee madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne siilaanyo inaga bulsho ahaan abaalkeeno maanu ahayn inaan ugu mahad celino ku taageerno ku barbar istaagno kuna mahadino Aqoonta, garashada, waayo aragnimada durugsan, daacadnimada iyo indheer garadnimada uu inagu hagaayo madaxweynaheenu alle ha daayee. ?
Balanteenu waa inoo iyo Qormada Saddeexaad

Yoonis Geele


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles