Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all 3922 articles
Browse latest View live

Waa inuu is casilo ama la casilo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga SL.

$
0
0

Maanta oo bishu tahay 1/12/ 2013 waa waqtigii Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri uu ugu baaqay in Ganacsatada danaynaysaa kasoo qeyb galaan Carwada 6aad ee Somaliland oo lagu qaban doono Hargeysa. Dhamaan ganacsatadii alaabtoodii way soo diyaariyeen oo keeneen goobtii carwada, qarash badanina wuu kaga baxay keenida alaabta, laakiin nasiib daro waxaynu maqalnay maalin ka hor maalintii lagu balamay Carwada in Maxamed Shugri uu yidhi carwadii ganacsi dib ayaan u dhigay ilaa sanadka danbe! Waxaana isweydiin leh yaa bixinaya khasaarihii ku dhacay ganacsatada? ama sideebay markale ku aamini doonaan gacansatadu in la yidhaa carwada kasoo qeyb gala?

Arimahaas oo dhami waxay muujinaysaa masuuliyad daro iyo xil gudasho la’aan ka timi xaga Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri sababtoo ah isagoo hawshii Rugta Ganacsiga kaga mashquulay danihiisa gaarka ah.

Sidaa daraadeed waxa haboonn in Maxamed Shugri uu is casilo ama la casilo inta aanu khasaare ama dhaawac kale ugu sii geysan dalka iyo dadkaba.

Qore:

Dr.Ali Rooble

Oslo-Norway


Xadhiga Djama Omaar Seed ee Djibouti From the speaker Of Sacad Muuse Diaspora, Engg. Ahmed Abdullahi Obsiye

$
0
0

Aniga oo ah Ahmed Abdullahi Obsiye, ahna Af-hayeena Qurbajooga Beesha Sacad
Muuse ee Mudanaha reer Dibouti ee Jaamac Oomaar Seed ka soo jeedo, kuna hadlaya
magacooda(igana codsaday inaan codkooda ku soo gaadhsiiyo) iyo kaygaba, waxaan
kaa codsanaynaa Mudane Madaxweyne Ismael adiga oo qadarin iyo sharafba naga
mudan inaad ARRINTA Jaamac Oomaar aad wax ka qabato ood xoriyadiisa, kraamadiisa
iyo ganacsigiisaba dib loogu soo celiyo. Wixii jirana hoos loo eego. Mudane
madaxweyne, dhaqankeenu ha ahaado kan dawliga ah ama kii aan ku soo caano
maalnay een ilaa maantadaa aan joogno haysano, wuxuu ilaaliyaa Bir-ma-gaydadiisa iyo
dadka magaca ku leh bulshada, sababta oo ah mudane Djama Omaar waa shaqsiga ugu
mudan Beesha Sacad Muuse.
Sidaas darteed Mudane Madaxweyne, waxaan si xushmad iyo maamuus leh kaaga
codsanaynaa inaad si deg deg ah wax uga qabatid.
Mudane madaxweyne, ugu dambeyntii waxaan kuugu boogaadinaynaa sida kartida iyo
daacadnimada leh ee wadanka u hormarisay, waana wax Eebbe loogu mahad naqo.
Keep up the Good work.
Mudane madaxweyne, 700 qof in ka badan oo dunida dacaladeeda kala jooga min New
Zealand iyo Australia ilaa wadamada Carabta, Europe, USA and Canada ayaa warqadan
kuu soo diraya, dhammaantoodna wxay kuugu ducaynayaan inuu hawshaa culus ee
ummadda u haysid kugu saacido, codsigayagana noo tixgali. Ammaana Alla. Wa Billahi
Tawfiiq.
Liiska magacyada iyo wadamada ay kala joogaan:
Liiska Norway:
1. Ahmed Abdullahi Obsiye , Af-hayeenka
2. Jama Ali Osman
3. Omar Darood Hassan
4. Mohamed Egeh Cute
5. Abdulqadir Odowa Awale
6. Mohamed Yousuf Guleid
7. Abdisalam Aw Isse Maaweel
8. Sh. Mohamoud Abdillahi Isse
9. Mohamed Tahar Sulub
10. Isse Farah
11. Ali Abdillahi Bulhan
12. MoAhmed Maaweel
13. Ibrahim Daud
14. Ismail Cadduur
15. Mustafa Tahar Sulub
16. Abdirahim Omar
17. Mohamed Difoo
18. Mohamed Abdillahi Cade
19. Ali Mohamed Nour (Ali iid)
20. Awal Ahmed Abdullahi
19. Abdi-amin Dahir Abdullahi
20 Ahmed Jibril
21. Mohamed Ahmed Ali
22. yousuf Mouse
23. Abdi Muhumed Madar (Abdi Gujis)
24. Abubakar Haybe
25. Ahmed Ibrahim Ainan
26. Abdirasak Ibrahim Ainan
27. Ismail Osman Otorosee
28. Hamsa Foodyacay
29. Hussein Omar
Awal Yousuf Rage
Faisal Yousuf Rage
30. Ismail Qase
31. Hassan Looyar
32. Abiib Abdillahi
33. Ahmed Hashi
34. Abdillahi Mohamed Ali
35. Sulub Ismail H. Warsame
36. Mubaarek Sharif Ali-abuu-shanaf
37. Abdi Nur (Dheereeye)
38. Abdiqadir Ibrahim Ainan
39. Hassan yousuf Guleid
40. Awil Ahmed Geele
41. Abdullahi Sh. Daud
42. Abdillahi Darod Hassan
43. Abdi Koosaar Awad
44. Mohamed Koosar Awad
45. Mohamed Habarwaa
46. Axmed Mohamed Madar
47. Sulieman Mohamed Obsiye
48. Khalid Xassan Tamuuje
49. Mukhtar Aliyare
50. Mohamed Omar (Bensel)
Liiska.Europe:
1. Ali Omer Yonis
2. Cabdicasiis Macallin Axmed
3. Hassan Haji Yaheen
4. Khadar Ali
5. Muse Mohamed Yousuf
6. Dayib Abdi Geele
7. Yousuf Dhamac Xassan
8. Nour Yousuf
9. Abdillahi Ibrahim Hassan
10. Mahamed Abdi Yasiin
11. Abdi Hurre Dualeh
12. Ahmed Cisman Aden
13. Farhan Ibrahim Yasiin
14. Cumar Maxamed Xoore
15. Mohamed Dahir Kheyreh
16. Abdihakim Sulub
17. Hashi Hussein
18. Hassan Hussein
19. Axmed Maxamed Yusuf
20. Cabdiqani Cismaan Xandule
21. Cabdilaahi Maxamed Cali – Suxufi
22. Xasan Huseen – Xasan Mataan
23. Guled Cabdi Sheekhaash
24. Ismacail Maxamed Gadiid
25. Cabdirisaaq Xuseen Balayax
26. Mukhtar Axmed Sh. Adan – Taysa
27. Yusuf Xuseen Cabdale
28. Siciid Axmed Yusuf
29. Mowliid Cumar Faarax – Kabo Yare
30. Cabdirashiid Cabdi MAxmed – Fiil
31. Maxamed Siciid Cagadable
32. Mustafe Xaaji Aadan
33. Siciid Maxamed Yusuf
34. Khadar Abokor Cabdilaahi
35. Yusuf Caawiye
36. Fu,aad Cabdilaahi Weerar
37. Maxamed Cumar Maygaag
38. Cabdi Cali Mahdi
39. Cabdikarin Ismacil Maxamed
40. Cabdi Abaadir Maygag
41. Cabdirahmaan Maxamed Qalib
42. Maxamed C/lahi Yasin
43. C/Salaan Cali Cilmi
44. Yusuf C/lahi Yasin
45. Maxamed A Gondleh
46. Rashid Cali Farah
47. Caydarus Ahmed Cali
48. Yasin Cabdi Dunad
49. Maxamud Maxamed Xassan
50. Xasan Xuseen
51. Cabdil Qaadir Cumar
52. Ibrahim Cabdilahi Cumar
53. Axmed Yusuf Cabdi
54. Abaadir Cali
55. Mustafe Maxamed Gadiid
56. Cabdiraxmaan Dalal
57. Cabdi Rashid Ismaciil
58. Cali Cabdi Ismaciil
59. Maxamed Cali Axmed
60. Maxamed Jamac
61. Cabdi shakur Axmed Yusuf
62. Yusuf Xuseen Yasiin
63. Maxamed Xaashi Maxamed
64. Yasin Nuur Warsame
65. Fahmi Axmed Cabdi
66. C/nuur Cismaan Xasan
67. Mustafe Warsame Axmed
68. Axmed Farax Cilmi
69. Saleeban Xusen Mooge
70. Cabdi Ismaciil Isaaq
71. Maxamed Axmed Xirsi
72. Cabdilaahi Xasan Cabdale
73. Amiin Cali Cabdi
74. Yusuf Ismaciil Xasan
75. Maxamed Maxamud Axmed
76. Yasin Farax Meecad
77. Axmed Xaji Xuseen
78. Yusuf Dhamac Xasan
79. Cabdi Casiis Faarax
80. Muse Cilmi Cabdi
81. Maxamed Cabdi Xuseen
82. Maxamed Cabdilaahi Wacays
83. Maxamed Ibraahim Xassan
84. Mustafe Cali Nuur
85. Cabdirashiid Nuur
86. Faarax Cali Yaxye
87. Maxamed Nuur Mooge
88. Cabdilaahi Ismacil
89. Xuseen Dayib
90. Cali Warsame Xassan
91. Maxamuud Hoori Cali
92. Maxamuud Cabdilaahi Kaahin
93. Cabdirashiid Xuseen Bookh
94. Kaahin Yoonis Buux
95. Cabdirasaaq Bulxan Maxmaed
96. Yasin Cumar Xirsi
97. Kaysar Yusuf Odawaa
98. Cismaan Nuur
99. Muxumed Qalinle Cilmi
100. Axmed Dahir Cilmi
101. Cabdiqadir Cali Qawdan
102. Nuur Cali Qawdan
103. Hannad Yaasiin
104. Iid Dahir Khayre
105. Maxamud Xaad
106. Cabdiwaaxid Sulub Mire
107. Maxamud Ilyaas
108. Ismaciil Maxamuud Maxamed
109. Khalid Cumar Maxamed
110. Maxamed Axmed Cali
111. Axmed Cali
112. Kayse Iimaan Ismacil
113. Idiris Xuseen Maxamed
114. Yusuf Kaahin Warfaa
115. Cabdiqani Muuse Daahir
116. Cabdifatax Cabdiwahab Maxamed
117. Ahmed Osman
118. Hussein Ahmed Aided
119) Abaadir Cali
120) Abaadir Muuse Diiriye
121) Amiin Cali Cabdi UK
122) Axmed Cali UK
123) Axmed Ceydiid Cali UK
124) Axmed Dahir Cilmi UK
125) Axmed Farax Cilmi UK
126) Axmed Maxamed Yuusuf UK
127) Axmed Xaji Xuseen UK
128) Axmed xasan cali UK
129) Axmed Yusuf Cabdi UK
130) Bashiir Ciise UK
131) C/nuur Cismaan Xasan UK
132) C/Sallaan Cali Cilmi UK
133) Cabdi Abaadir Maygag UK
134) Cabdi Cali Mahdi UK
135) Cabdi Casiis Faarax UK
136) Cabdi Geerash UK
137) Cabdi Ismaciil Isaaq UK
138) Cabdi Koosaar Abokor UK
139) Cabdi Qaadir Cumar UK
140) Cabdi Rashid Ismaciil UK
141) Cabdi shakur Axmed Yusuf UK
142) Cabdi Yuusuf Cige UK
143) Cabdifataax Sixiic Axmed UK
144) Cabdifatax Cabdiwahab Maxamed UK
145) Cabdikarin Ismacil Maxamed UK
146) Cabdilaahi daarood xasan UK
147) Cabdilaahi Ismacil UK
148) Cabdilaahi Maxamed Cali UK
149) Cabdilaahi Xasan Cabdale UK
150) Cabdiqadir Cali Qawdan UK
151) Cabdiqani Cismaan Xandule UK
152) Cabdiqani Muuse Daahir UK
153) Cabdirahamaan Xasan Cali UK
154) Cabdirahmaan Maxamed Qalib UK
155) Cabdirahmaan xasan cali Gaas UK
156) Cabdirasaaq Bulxan Maxamed UK
157) Cabdirashiid Cabdi Maxamed – Fiil UK
158) Cabdirashiid Nuur UK
159) Cabdirashiid Xuseen Bookh UK
160) Cabdiraxmaan Dalal UK
161) Cabdirikas Xasan UK
162) Cabdirisaaq Xuseen Balayax UK
163) Cabdiwaaxid Sulub Mire UK
164) Cali Cabdi Ismaciil UK
165) Cali Warsame Xassan UK
166) Caydarus Ahmed Cali UK
167) Cismaan Nuur UK
168) Faarax Cali Yaxye UK
169) Fahmi Axmed Cabdi UK
170) Fu,aad Cabdilaahi Weerar UK
171) Guuleed Cabdi Sheekhaash UK
172) Hannad Yaasiin UK
173) Ibrahim Cabdilahi Cumar UK
174) Idiris Xuseen Maxamed UK
175) Iid Dahir Khayre UK
176) Ismaaciil Cumar Xasan UK
177) Ismacail Maxamed Gadiid UK
178) Ismaciil Maxamuud Maxamed UK
179) Kaahin Yoonis Buux UK
180) Kaysar Yusuf Odawaa UK
181) Kayse Iimaan Ismacil UK
182) Khalid Cumar Maxamed UK
183) Maxamed A Gondleh UK
184) Maxamed Axmed Cali UK
185) Maxamed Axmed Xirsi UK
186) Maxamed baashe Awcali UK
187) Maxamed C/lahi Yasin UK
188) Maxamed Cabdi Xuseen UK
189) Maxamed Cabdilaahi Wacays UK
190) Maxamed Cabdillahi Yaasiin UK
191) Maxamed Cali Axmed UK
192) Maxamed Cumar Macaash UK
193) Maxamed Cumar Maygaag UK
194) Maxamed Ibraahim Xassan UK
195) Maxamed Jamac UK
196) Cabdillaahi Cabdi
197( Maxamed Mahdi cali UK
198) Maxamed Maxamud Axmed UK
199) Maxamed Nuur Mooge UK
200) Maxamed Siciid Cagadable UK
201) Maxamed Xaashi Maxamed UK
202) Maxamed X. Cali UK
203) Maxamed Yuusuf Cali UK
204) Maxamed Yuusuf Cumar UK
205) Maxamud Ilyaas UK
206) Maxamud Maxamed Xassan UK
207) Maxamud Xaad UK
208) Maxamuud Axmed Xaaji UK
209) Maxamuud Cabdilaahi Kaahin UK
210) Maxamuud Hoori Cali UK
211) Maxamuud Maxamed Sheekh UK
212) Mowliid Cumar Faarax – Kabo Yare UK
213) Mubaarik Xasan Tamuuje UK
214) Mukhtar Axmed Sh. Adan – Taysa UK
215) Musatefe Daauud UK
216) Muse Cilmi Cabdi UK
217) Mustafe Cali Nuur UK
218) Mustafe Ceydiid Cali UK
219) Mustafe daahir Barkhad UK
220) Mustafe Maxamed Gadiid UK
221) Mustafe Warsame Axmed UK
222) Muxumed Qalinle Cilmi UK
223) Nuur Cali Qawdan UK
224) Nuur Xaaji Xuseen Cumar Xaashi UK
225) Rashid Cali Farah UK
226) Saleeban Xusen Mooge UK
227) Shuuqi sanyare xaaji cali UK
228) Siciid Axmed Yusuf UK
229) Siciid Maxamed Yusuf UK
230) Siciid Yuusuf Cumar UK
231) Xasan Huseen – Xasan Mataan UK
232) Xasan Xuseen UK
233) Xuseen Axmed Ceydiid UK
234) Xuseen Dayib UK
235) Yasin Cabdi Dunad UK
236) Yasin Cumar Xirsi UK
237) Yasin Farax Meecad UK
238) Yasin Nuur Warsame UK
239) Yusuf C/lahi Yasin UK
240) Yusuf Caawiye UK
241) Yusuf Ismaciil Xasan UK
242) Yusuf Kaahin Warfaa UK
243) Yusuf Xuseen Cabdale UK
244) Yusuf Xuseen Yasiin UK
245) Yuusuf Cabdillaahi Yaasiin UK
246) Siciid Maxamed Cumar UK
247) Idiris Garow Diiriye UK
248) Maxamuud Cabdi Aadan UK
249) Maxamed Handulle UK
250) Khadar Cabdi Jaamac UK
251) Axmed Maxamuud wayab UK
252) Cabdirahamaan Maxamed UK
253) Axmed Xaaji Xuseen Cumar UK
254) Maxamed Cabdillaahi Xuseen UK
255) Xamse Xasan Muuse UK
256) Mustafe xaaji Nuur UK
257) Axmed Ismaaciil Cumar UK
258) Carab Guuleed UK
259) Macamuud Cali UK
260) Maxamed Aadan Xa
LIISKA USA:
1. Mohamed Abdi Hirsi
2. Mohamed Hussein Issa
3. Hassan Bihi Yonis
4. Hussien Ali Hanfi
5. Abdirahman Jama Abokar
6. Mohamoud Hashi
7. Mohamed Yussuf Gaagab
8. Nasir Abdillahi Yussuf
9. Abdirahman Mohamed Hassan
10. Dahir Hashi Madar
11. MoAhmed Abdi Elmi
12. Fadumo Essa Yonis
13. Saeed Aw Osman Ismail
14. Abdikarim Qasim
15. Ahmed Jama Yasin
16. Xassan Yonis Abdillahi
17. Farhaan Ibrahim Cabdillahi
18. Khadar Cabdiraxman Cabdillahi
19. Samiir Cali Ahmed
20. Abdillahi Yussuf Akoule
21. Ahmed Yussuf Akoule
22. Abdi M. Rodol
23. Ali M. Rodol
24. Mahamud Gaagaab
25. Ibrahim Abdi Arabay
26. Mahamed Yussuf Osman
27. Ibrahim Abdi Geele
28. Khadar Baarabiyaan
29. Mahamed Odowaa
30. Hussien Beergeel
31. AbdiHakim Hassan Hashi
32. Mohamed Hassan Hashi
33. Rashiid Haraf
34. Abiib Jama
35. Hassan Moge Hirsi
36. Mahamed Abdillahi Jawaan
37. Sidik Ali Diriye
38. Muktar Mure Warsame
39. Mahamed Abdillahi
40. Mahamed Sulub Omar Hashi
41. Jamal Abdi Gaboobe
42. Omar Sanyare
43. Hamze Abdikarim
44. Ahmed-Yasin Abdikarim
45. Nasir Abdikarim
46. Mahamed Idoor
47. Ahmed Abdi Rodol
48. Mahamed Abdi Rodol
49. Hussien Abdi Rodol
50. Shiekh Mahamed Sh. Abdirahman Kariye
51. Nuradin Sh. Abdirahman Kariye
52. Mahamed Ahmed Yussuf Akoule
53. Sahardid Aw-Abdi Buuni
54. Mustafe Siad Muhumed Adan
55. Abdirahman Haji Abdillahi Ismail
56. Ahmed Nur Daule
57. Abdirisaq Sh. Abukar
58. Ali Hayaan Mahamud
59. Abdirahman Mahamed Jama
60. Faisal Mursal Hussien
61. Abdisalan Mursal Hussien
62. Mahamed Ahmed Elmi Gadiid
63. Rashiid Case
64. Abdikarim Nadif Qasim
65. Haji Mumin
66. Abdirisaq Haji Mumin
67. Omar Haji Mumin
68. Faisal Goran Hassan
69. Ahmed Abdillahi Jire
70. Ibrahim Khalil Hawadle
71. Abdikarim Hassan Maygag
72. Ahmed Suju
Liiska Canada:
1. Mahamud Ali Abushanab
2. Jamal M. Muse
. Saada Mohamad adan.
3. Mohamud Muse Abu shanab
4. Mahdi Muhumed Nur
5. Yasin Mawlid Rage
6. Mohamed Abdi Husein
7. Mohamed Elmi Ayaanle
8. Sh. Nazir Abdi Ali
9. Hasan Omer Abushanab
10. Yussuf Jamal M. Musse
11. Ahmed Mohamed Omaer
12. Said Omar Said Hussein Filfil
13. Mohamed Hussein Filfil
14. Mohamed Muhumed Liban
15. Yusuf Ibrahim (Libax)
16. Ali Adan Said
17. Aden Dahir Barkhad
18. Abdiqadir Qalib
19. Yasin Abdillahi Tani
20. Abdihakin Omar Musa
21. Ahmed Ali Dualeh
22. Abiib Ahmed Olhaye
23. Mahamed Muhumed Warsame
24. Hasan Abdi Mah (Shiine)
25. Ahmed Abdillahi Diriye
26. Yasin Abdi Qalib
27. Husein Abdi Tani
28. Ahmed Omar
29. Abdi Farah
30. Mahamud Husein Wacays
31. Abdillahi Yussuf
32. Muse Nur Dualeh
33. Mohamed Nur Dualeh
34. Musa Arab Obsiye
35. Mahamed Arab Obsiye
36. Jama Abdillahi
37. Muse Ibrahim Bokh
38. Abdifatah Ahmed Aw Yusuf
39. Aden Muhumed (Biibii)
40. Omer MAhmed Muhumed
41. Sadiq Mahamed Muhumed
42. Rashid Ali
43. Mukhtar Osman H. Abdi
44. Siad Yusuf Buuni
45. Mahamed Muse Alin
46. Aden Abdillahi Hanfi
47. Khadar Omer Egeh
48. Yasin Omer Musa
49. Abdirahman Ahmed Farah
50. Hasan Good Jibrir
51. Mahamud Yusuf Dualeh
52. Abdiazis Hasan Warsame
53. Ali Husein Aw Ali
54. Daud Aden
55. Abdi Ali Nur
56. Abdi Aw Mahamud Ismail
57. Hashi Egal
58. Mukhtar Muhumed Abdillahi
59. Mukhar Dahir Madat
60. Mahamed Mal
61. Abdikarin Husein Abdi
62. Jibriir Hasan Warsame
63. Ahmed Ali Abas
64. Abdirisaq
65. Dualeh Jama
66. Khadar Abshir
67. Hasan Yusuf Ali
68. Muhyadiin Abdi
69. Samater Jama Hassan
70. Guleid Jama Hassan
71. Lodon Jama Hassan
72. Mohamed Ahmed
73. Mahamud Ahmed
74. Omar said
75. Farah Jama
76. Abdirashid Hasan
77. Abdirisaq Omar
78. Hasan Barre
79. Husein Barre Yusuf
80. Ismail Mohamed Abokor
81. Aden Dahir Barkhad
82. Mohamed Yusuf
83. Mohamed Olyahe
84. Omar H. Mahamud
85. Omar Dhegjar
86. Rashid Yusuf
87. Abdi Gaydh
88. Ali Haji Yusuf
89. Dr. Mohamed Rabi
90. Said Muse
91. Abdinazir inagaydh
92. Deeq Abdi Guray
93. Mohamed Biixi
94. Ali Aw Aden
95. Mohamed Nuh
96. Abdi Dhegaweyne
97. Rashid Ahmed
98. Ahmed Ali Nur
99. Mohamed Osman
100. Aden Nur Awaleh
101. Jibril Ahmed Jama
102. Ismail Ahmed
103. Mohamed Aw Abdi
104. Ahmed Samater
105. Abdi Husein
106. Hassen Abdillahi
107. Ali Hasan
108. Mohamed Hasan
109. Aden M. Egeh
110. Faisal Isaxal
111. Keyse Barkhadle
112. Abdulrashiid Ali Hassan
113. Ali Adam Tani
114. Jama Adam Tani
115. Abdulrqadir Abdillahi Mohamoud
116. Omer Hassan Mohamed
117. Yassein Abdilllahi Elmi
118. Abdillahi Ahmed Warsame
119. Mohamed Ali Warsame
120. Ahmed Ali Ibrahim
121. Abdulqadir Ali Ibrahim
122. Mohamed Ali Ibrahim
123. Mustafa Mohamed Ibrahim
124. Fowsi Abdillahi Abdi
125. Hassan Abdillahi ABDI
126. Abdulkarim Abdillahi Abdi
127. Abdirahim Abdillahi Abdi
128. Abdi Mohamed Essa
129. Saeed Ahmed Hersi
130. Awil Aden
131. Faisal Omer Hassan
132. Mustafa Abdi Mousa
133. Ali Adan Samater
134. Mohamoud Adan Samater
135. Mohamed Yusuf Samater
136. Abdirahman Yusuf Samter
137. Abdirhaman Osman Yussuf
138. Idriss Ibrahim Ahmed
139. Saeed Ibrahim Ahmed
140. Mustafa Ibrahim Ahmed
141. Mahdi Ibrahim Ahmed
142. Mahfouz Ibrahim Ahmed
143. Mohamed Ibrahim Ahmed
144. Najib Ibrahim Ahmed
145. Idris Abdirahman Mousa
146. Mustafa Abdirahman Mousa
147. Hassan Ali Banjawi
148. Hassan Dahir Saeed
149. Ahmed Abdi Ahmed
150. Ahmed Mohamoud Jirde
Dalalka Khaliijka:
1) Abdi Yonis Xaad
2) Ali Muse Xaaji Yousuf
3) Axmed Xussein Ismaciil
4) Khadar Digaale Saciid
5) Aden Sulub Ciise
6) Saleebaan Yousuf Maxamed
7) Cabdillahi Cali Yaxeen
8) Faisal Jibriil Saleebaan
7) Maxamed Kenadiid
8) Saciid Yousuf Hurre
9) Faysal Maxamed Caydiid
10) Xussein Aw-Maxamoud Yousuf
11) Xassn Aw-Ismaciil
12) Cabdihadi Jamac Cilmi
13) Ismaciil Cabdi Bacad
14) Cabdi Xirsi
15) Axmed Mohamed Geelle
16) Fuad Cabdiraxman Muxumed
18) Abshir Cabdillahi Xassan
19) Cabdillahi Maxamed Ismaciil
20) Axmed Yousuf Jamac
21) Xassan Faarax Caalin
22) Cabdi Maxamed Aden
24) Cabdi Maxamoud Digaale
25) Dayib Cismaan
26) Waliid Taanishle
27) Maxamed Yousuf Cabdi
28) Maxamoud Jamac Gadhyare
29) Saciid Yasiin Samater
30) Axmed Maxamed Cisman
31) Cabdillahi Cabdi Cadaani
32) Axmed Muxumed Ducaale
33) Ismaciil Baruud
34) Cabdiraxman Cali Jaamac
35) Ahmed Cabdiraxman Cumar-Xaashi
36) Abdirazaqa Axmed Hurre
37) Khadar Barre Axmed
38) Ahmed Ibrahim Hassan
39) Adam Abdi Farah ( Mandeeq)
40) Muse Ahmed Jama
41) Koos Maxamed Hayaan
42) AHMED OMER ABDILLAHI [GURAY DALOLDHO]
43) ISMAIL MUSE JAMA [DANIYEH]
44) AHMED OMER GARAACATO
45) -MOHAMED ABDI BIKEE
46) YASSEIN XASAN XARUURI
47) MAHAMED ABDI SARHAYE
48) SAEED MUSE ILDAB
49) MOHAMED ABDI BIIRSHE
50) DAUD JAMAC COOMEY
51) Fuad Xaaji Carab
52) Cumar Gahayr
53) Jamac Ibrahim Guuleed
54) Ibrahim Muse Diini
55) Mohamoud Hussein Ismail
56) Maxamed Xirsi
57) Rashid Cabdi Garaw
58) Cabdillahi Mahdi Ibrahim
59) Ahmed Carab Xassan
60) Sacmaal Cabdi Xabashi
61) Maxamed Xassan Gaxnoug
62) Cali Cabdillahi
63) Ahmed Mohumed Ducaale
64) Ahmed Maxamed Dualeh
65) Cabdi Muxumed
66) Liibaan Bare Awgaab
67) Cabdi Balayax
68) Ahmed Cabdallah Cige
69) Jiciir Xaaji Xussein
70) Hussein Ahmed-yasiin Cumar Xaashi
71) CAbdiraxman Maxamed Xussein
72) Ahmed Muse (Germal)
73) Omer Taanishle
74) Cabdillahi Cali Kaariye
75) Cali Xassan Cali Mataan
76) Sulub Cabdillahi Guray
78) Xassan Warsame
79) Maxamoud Gaas Cali
80) Ismaciil Xussein Kharbud
81) Noux Cumar Xussein
82) Axmed Ismaciil Ibrahim
83) Khadar Axmed Ismaciil
84) Farax Xassan Shirwac
85) Taha Cabdullah Farax
86) Cali Axmed Cali
87) Xussein Libaax Buureed
88) Faysal Xussein Askar
89) Saciid Cumar Badmax
90) Abdiraxman Habane
91) Cabdillahi Qawdhan
92) Ismaciil Maxmoud Saciid
93) Cabdi Xaashi
95) Cabdi Yonis
96) Yasiin Yousuf Xisris
97) Nour Mohamed Farah
98) Xassan Maxamed (Khumaini)
99) Abdirahman Shukri
100) Axmed Maxamoud Gaab
110) Cabdo Adam Guray
111) Saxardiid Cabdi Badawi
112) Maxamed Cabdi Badawi
113) Axmed Galas
114) Cabdilahi Cadhoole
115) Axmed Ismaciil (Dhabadhabo)
116) Muse Ismaciil Xaashi
117) Ismaciil Cabdi Cilmi
118) Rashiid Cumar Dahir
119) Col.Cabdillahi Axmed Barre
120) Cabdiraxman Maxamed Yey
121) Saciid Yasiin Samatar
122) Cumar Xussein Aden (Jarram)
By
Engg. Ahmed Abdullahi Obsiye, ahmed-ob@hotmail.com
Oslo, Norway

Xadhiga Djama Omaar Seed ee Djibouti
From the speaker Of Sacad Muuse Diaspora, Engg. Ahmed Abdullahi Obsiye

W/Q: Nasra Cali Nuux Soomaliduwaxa ay kumaahmaahdaa“ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto”

$
0
0

taasooaankumacnaynkarno waxaannadlahaynamaaankuudhaweynwaxbakuumataraan.

Iyaddaoo ay sidaas tahay, ayaamanahajkawaxbarashadaeeSomaliland (muqararkeenawaxbarasho) oo ah darkiilagawaraabinayeyjiilashasoosocda iyo mustaqbalkadalkeenauuyahaymid lagasoowaaridaydalal kale.

Waxaaynuogsoonahay in qoomiyadahacaalamku  ay   kukaladuwanyihiindhaqanahaan iyo diinahaanba, qoomiyadwalibana ay kusalaysomanhajkeedawaxbarashobii’adeeda, dhaqankeeda, diinteedda iyo baahiyaadkoodabulshoee u gaarka ah, waxaannauukuxaliyaadhibaatadahaysataisagoolaguxusayosidiiuuugasoogudbaydhibaatooyinkiihore, iyaddaooardayda la barayowixiiuuwadankusoomaray iyo waajibka ka saran ardaygailaalintadalkiisa, iyo walibaxilliyaddiikaladuwanaaee ay soomareendalka iyo dadkiisu.

 

Haddabawaxaaynnucaruurteenagaynaaiskuulloiyagaoo aad u yar-yar, waxaaynnu u hurnaahanti iyo dadaalbadanwaxaaynusiinayqalin iyo buug iyo dhamaanagabkiiuu u bahnaahalkaqaarkeenaannaysoohelikarayn, haddanawaxbakamahagraneewaxaynukukalihinaagoobahawaxbarashaddawaxaynusiinaquraacdiiran, waaaynusiidaynaa, intaymaqanyihiinawaxaynu u samaynaadhuunidiyaar ah, Waxaaynuhowshaintaaleegkuwadnaamuddo lix iyo tobansanno ah, ilmihiiyaraaeemarkaasimaantawaadoobamawaagashaantidhawr iyo labaatanjir ah, waahagaagoowaataa la gaadhayxilligiiuuilmahuanficilahaanaftiisa iyo ta waalidkiisookoriyayba, sidookalena u noqonlahaa mid ka shaqeeyahorumarkawadankiisakadibna u noqonlahaajiilkiibadalilahaahawlgabayaashamaanta, amahogaamiyayaashiibarito, hagayaashii iyo hiiliyeyaashiiwadanka, laakiinnasiibdarotaabadalkeedawaxaynu ka dhaxalnay in innankiiammainnantii 20 ka sanno u dhamaadeenlacag  iyo xoognalagudhameeyaykufikiraantahriiboodoononololdhaantawadankaagailaynloomasoodhiginkhayraadkadalkiisa iyo kaalintaugabannaanmarkauuwaxbarashaddadhamaystee.

 

Arrintatahriibkunnawaxa ay waalidkiikunoqotayanfariir iyo afkalaqaadmanaogahalka ay sartu ka qudhuntay.

Inagaadayacnayubadkeenniimaxaayeelaymaynaanbarinwixii ay bulshadeenu u baahneyd, eewaxaaynubarnayooaynumuqararugadhignaywaxaaaninnakhusaynooaandaboolaynbaahideena iyo  tan bulshadeenatoonna.

Carabtuwaxa ay kumaahmaahdaa “qofkajaahilkaahiwaxauucadow u yahaynaftiisa”, cimiga iyo aqoontunawaa ta qofkaugamuuqatakor iyo hoosba, eemaantahadiiiuuxarafbarto ay noqonayso mid aannuumarkiihoreaqoon u lahaynisagookudhaqangalinayanaftiisakunasawirayamaskaxdiisa.

 

Haddabamuqararkeenawaxbarashoayaawaxauunoqdayood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.

 

Nasiibdarro,inagu ka wadanahaantaasmaynaansamayn,waxaanaynusidankorkuxusnaymanhajkeenakasooamaahanaaamakasooowaaridanaywadamoaynaaniskudhaqan iyo diintoonaahayn.

 

Dhanka kale subaxwalbawaxadugsiyadadalkeenna u dareerain kabadantobanaankunooarday ah, sannadwalbanawaxajaamacadahadalka ka baxakumannaanarday ah.

Hadabasu’aasha is waydiintamudanlehwaxa ay tahay waxanooarday ah oodhamaantoodwaxbarashodugsihoose iyo mid sarredhamaystaymaxayisbedel u keeniwaayeen wallow habayaraadee?

Jawaabtaayaawaxaynoqonaysaaardaydanayaanmarkiihore la barrinwixiisaxdaahaaeeuuaqoonta u lahaaamaxidhiidhka la lahaawadankooda iyo horumarkiisa, waxaanaiskuqabanwaayeywixii loo dhigayey iyo waxaywadankakusuganyahay,waxaaanodhankaraa;ardaydanwaxa loo dhiibayfaashoolaguyidhikagaxaabaysodhulsaxare ah.

 

Waynnuognahayoocaadinnagamasaarnaqaabkauucilmiga iyo aqoontu u bedalaandadka iyo guudahaanbabulshada.Inagamaxaabulshadeenakudhacayeedadaalkeenii ka dhigaybiyo col dhaanshay?

Ka fikiray, shawwaaardaytahriibmaldahan loo dhigayomarkaloogasheekeeyoisbadalkiiyurub iyo badhaadhaheedaloogunadhigodugsiga inreeryurub ay noqdeenwadamodhaqaalexooganyeeshay.

Balwaxa aad u fiirsataadugsiyadeena kuma jirtohalxiisadoobaraysaubadkasida loo ilaaliyodeegaanka, kuma jirtohalxiisadoo ka hadalaysawaxa ay tahay wadaniyadu iyo guudahaanbajuqraafiyadawadankeena iyo khayraadkakujiradhulkeena.

Bal u fiirsojaamacadaheena 80% ardayduwaxa ay dhigtaanganacsigaiyo dhaqaalaha, iyaddoo ay ahayd in maadaamaaynudoonaynoinaynuhorumarsamayno in xooga la saarocilmigabeeraha iyoquudkaaynucunayno,kuwaasoodhamaantoodwadamadajaarka ah la inoogakeeno, sidoo kale waxabarasho iyo ka faa’iidaysiinoogabaahanxoolahaoo ah lafdhabartadhaqaalahadalkeena, riyaddawaxa ka horaysahorta in la seexdo, markaintaaaynu ka adkaanoaynu u dhaqaaqnowixii la soosaaraysideeayaynuugaganacsanaa iyo dhaqaale side ayaynuugaabuurnaainooga u kalaeegaynabaahiyaadkawadankeena.

Wasaaraddawaxbarashadda iyo cidda u xilsaaranarintanwaxaanleeyahaywaar ka daayainiinyahancurdinka ah ee aad kuwaraabinaysaansaliidaookuwaraabiyabiyonadiif ah.

Ugudambaynwaxaanodhanlahaawadaniyad baa wadanlagudhisaa, wadanwalbanaisagaayaayaqaanawaxa ay bulshadiisu u baahantahay,markaamiyaanayahayn in aynusamaysanomanhaj ka turjumayabaahideena iyo tan wadankeenabaooinoogaarah?

Wabilaahitawfiiq.

FadlanTalo iyo Tusaalekusoohagaajiemailkaqoraaga

W/Q: Nasra Cali Nuux

Bahdahal-abuurka iyo qoraalka (Hal-Qor)

Email: axlaam23n@hotmail.com

Magacyada guddoomiyeyaashii S.N.M soo maray iyo Beelahooda W/Q: Cali Cabdi Coomay

$
0
0

Jabhadii S.N.M waxa la aasaasay sannadkii 1981-kii. Inta guddoomiye soo martay ayeynu magacyadooda soo bandhi doonaa.

Magaca                                               muddada xilka                                        Beesha
  1. Ahmed Max’ed Guuleed              1981…….1982…………………………….. Sacad muuse      (Ahmed Jimcaale)
    1. Sh. Yusuf Cali Sh. Madar                1982…….1983……………………………… Sacad muuse
    2.   C/qaadir Koosaar                           1983……..1984…………………………….Habar yoonis
    3.  3.   Ahmed Max’ed Maxamud                 1984……..1990…………………………..Habarjecelo (Siilaanyo)
4.C/rahmaan Ahmed Cali (tuur)             1990…………………………………………….Habar yoonis

May jirin cid c/rahmaan tuur xilka kala wareegtay, waxaanu isku hayey laba xil. Mid m/weyne iyo tan guddoomiyaha S.N.M. markii shirkii boorama lagu doortay m/weynihii Max’ed Xaaji Ibraahin Cigaal (ANR) C/rahmaan tuur (ANR) wuxuu sii hayey xilkii guddoomiyaha S.N.M, sababta ayaa lagu sheegay in golihii dhexe ee S.N.M ku heshiin waayey inuu qabsoom  shirweynihii 7aad ee S.N.M oo lagu dooran lahaa guddoomiye cusub  amma la iska daayo.

 

 

 

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

 

 

 

 

Madax Weynaha Iyo sidii Baladhnayd Ee loogu soo dhaweeyay Jaamacada Timacade iyo gabiley-sawrro

$
0
0
Gabiley(HalbeegNews)-Madaxwaynaha Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuuud (Silanyo) iyo wefti wasiiro u badan oo saaka salaadii hore ka ambabaxay magaalo madaxda Hargeysa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Gebilay ee xarunta Gobolka Gabilay,ayadoo markii uu madaxwaynuhu gaadhay magalada Arabsiyo uu halkaasi kala kulmay soo dhawayn diiran ayadoo boqolaal dadka deegaankaasi ahi ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan.
Booqashadan uu madaxwayne silanyo hore ku tagay magalada Gebilay oo uu dhawr jeer ooh ore dib uga dhacay,ayaa waxa uu madaxwayne silanyo kala kulmay soo dhawayn ka fiican marka loo eego safaro hore oo uu madaxwaynuhu ku tagay Gobolka Gabilay,ayadoo halka maanta caleemo qoyan madaxwayne silanyo lagu soo dhaweeyay caleemo qoyan safaradaasi hore lagu soo dhaweeyay kabo ay dadku la taagnaayeen wada hareeraheeda,taasi oo uu safarkii uu madaxwayne silanyo kaga qayb galay qalin jabintii jaamacada Camuud ee magalada Borama uu socod ay muraayaduhu u dalacanyihiin ku soo dhaafay magalada Gabilay,balse waxa xusid mudan in ay ilaa shalay magaladaasi kun sugnaayeen dhawr wasiir oo ka mid ah Golihiisa wasiirada kuwaasi oo qayb laxaadle ka qaatay abaabulka dadkii madaxwaynaha soo
dhawaynayey,ayadoo uu Gobolka si dhaw loogala socdo   tartanka iyo loolanka ka dhex jira xisbi xaakimka kulmiye iyo sida uu madaxwayne silanyo isugu daawanayo loolanka Muuse Biixi iyo Wasiir Samaale.
Dhinaca kale waxa ilaa xalay ciidamo kala duwan lagu daad guraynayey agagaasi kuwaasi oo ay dadka Gobolka Gabilay is waydiinayeen waxa uu safarka madaxwaynaha looga soo horaysiiyey ciidankan sidii uu madaxwaynuhu tagayo goob colaadeed oo aanuu amaankeedu wacnayn ayadoo anaynu ognahay in ay jiraan ciidamo u gaar ah ilaalada madaxwaynaha.

Cali Khaliif Galaydh Iyo Xildhibaanada Beesha Dhulbahante Ugu Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Weerarka Ciidamadda Maamulka Puntland Ku Qabsadeen Magaalada Taleex

$
0
0

Axad 01 December 2013 Muqdisho (Halbeegnews)– Cali Khaliif Galaydh iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda beelaha Dhulbahante ee ka tirsan baarlamaanka Muqdisho ayaa dhaleeceeyey weerarkii ciidamadda Puntland ay kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Taleex, hoos ka daawo shir jaraa’id oo ay ku qabteen muqdisho

Halbeegnews, Muqdisho
contact@halbeegnews.com

Samaale

Samaale1


Maalinta Xanuunka HIV-Aids Oo Ku Beegan 1 December, Maxaad Ka Taqaana Xanuunka HIV, Sida Lagu Kala Qaado Xanuunkani, Somaliland Oo Dadka Xanuunkani Hayo La Qariyo, Xubno Magac Iyo Hanti Ku Leh Somaliland Oo Xanuunka La Nool Qaarkoodna Fidinaya Baadhitaan Halbeegnews Samaysay Iyo Halbeeg News Oo Digniinta Xanuunka Gudbinaysa

$
0
0

Axad 01 December 2013 Hargeysa (Halbeegnews)– Waxaa laga jooga muddo 33 sannadood ku siman markii xanuunkani halista ah ee aan weli dawo loo helin ee HIV AIDS raadkiisii ama qofkii ugu horeeyey ee qaba laga hellay dunida, waxaana sannadkii 1988-kii la bilaabay ololahii ugu horeeyey ee ku wajahan in dadka laga wacdiyo ama loo sheego sida xanuunkani loo kala qaadi karo, qoraalkani akhristayaal waxaanu doonayna inaanu idinku baro aqoon faahfaahsan oo aan warbaahinta Soomaalida taariikhdeeda hore loogu faafin, taasi oo ku saabsan xanuunka HIV, anagoo bulshada afka soomaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan bulshada Somaliland u gudbin doona wuxuu yahay xanuunka HIV.aids

Sida ay qirayaan ururka caafimaadka dunida ee WHO, haayadda u qaabilsan dalka maraykanka ka hor tagga xanuunka ee CDC iyo haayadda caafimaadka Britain ee NHS, xanuunka HIV AIDS ayaa wuxuu ku dhacay  dunida dad tiradooda lagu qiyaasay 75 Milyan oo qof, iyadoo tiradaasi ku dhawaad badhkeed oo dhan 32 Malyuun oo qof ay u dhinteen xanuunkani HIV Aidska, halka uu cudurkani HIV-gu uu maanta hayo dad lagu qiyaasay 35.3 Malyuun oo qof dunida koonkeeda, dad lagu qiyaasay 10 Malyun ku dhawaad ayaan is ogayn ama aan warba isku hayn inay xanuunka qabaan oo qayb ka qaata inuu xanuunkani fido.

Muddadaasi 30-ka sannadood ku siman ee xanuunkani dunida ku fidaayey ma jirto wax daawo ah oo si rasmi ah qofka uga saaraysa jidhkiisa ama dhiigiisa oo loo hellay xanuunka HIV- AIDS, balse 30 kaasi sannadood waxaa la sameeyey horumar baaxadleh oo laga gaadhay dawooyinka la siiyo dadka xanuunkani hayo oo uu qofka uu xanuunka HIV hayo uu si fudud ula noolaan karo xanuunkani ilaa inta ilaahay cimrigiisa ku simo, iyadoo weliba dawooyinkaasi qaarkood ay qofka u sahlayaan in xanuunkani fayruska gudbiya uu hoos u dhigo ilaa qofka dhiigiisa gaadhsiiso  heer ay aad u yaraato in lagu arko (undetectable)

Waxaa sidoo kale dhakhaatiirta dhinaca dawooyinka ee xanuunkani HIV ku guulaysteen inay sameeyaan dawo loo yaqaano PEP (Post Exposure Prophylaxis) oo haddii xanuunkani uu qofka u gudbo ama uu qaado muddo ku siman 72 saacadood gudahood, ay dawadani PEP loo yaqaana gebi ahaanba ka hor tagayso isla markaana ka saarayso jidhka, taasi oo suurtagelinaysa inaanu xanuunku gelin dhiiga ama dheecaanada qofka.

Haddaba Waa Maxay HIV Maxayse Ku Kala Duwanyahiin HIV iyo AIDS

hiv and aidsIntaynaan horta qeexin wuxuu yahay xanuunkani aynu kala saaro faraqa u dhexeeya HIV iyo AIDS oo dadka badankood ay isku khaldaan ama ay ku jahawareeraan, HIV iyo AIDS waa laba xanuun oo aad u kala duwan balse isku xidhan.

muddo ku siman 25 sanno ka hor ah,  oo ay marka yarayd heerka tiknolajiyadda isla markaana aqoonta loo lahaa xanuunkani ay koobnayd ayaa loo magac bixiyey xanuunkani waxaana loo bixiyey AIDS oo ah kelmado la soo gaagaabiyey oo ah (Acquired immune deficiency syndrome) oo ah (Weeraraha Difaacayaasha Qofka Bini’aadmiga ah).

Balse muddo ka dib ayaa waxay khubarada ku xeel dheer xanuunkani waxay ogaadeen in marka uu qofka ku dhaco xanuunkani aanu markaaba noqon AIDS ee uu qofku noqdo la noole fayruska xanuunkani (Living with HIV), marka faraqa u dhexeeya waxaa weeyi qofka uu xanuunkani haleelay ee aan weli u dhicin ama aanu jidhkiisa baabiin ama aan gogol jiif la noqon, waxaa loo yaqaano HIV, laakiin qofka uu difaacayaashiisa burburiyey isla markaana ka dhigay gogol jiif ee marka geerida uun ku sugaya ayaa waxaa loo yaqaana AIDS.

Xanuunka marka uu qofka ku dhaco wuxuu markaaba weerara waxlaha difaacayaasha qofka bini’aadmiga ah ee loo yaqaano CD4, kaasi oo qofka caadiga ah difaacayaashiisa laga raba ama inuu ahaada ay tahay inta u dhexeysa 500 cells/mm3 ilaa  1,000 cells/mm3, marka macnaheedu maaha haddii difaacayaashaadu ay ka yaraadaan 500 mm3 in aad qabto xanuunka HIV, balse waxaa jiri kara xanuuno ku dhaca dhiiga cad oo iyaga laftigoodu sababi kara in CD4 ama difaacayaashaagu ay hoos u dhacaan.

si aynu u fahano difaacayaasha loo yaqaano CD4 waxay yahiin, waa kuwa qofka bini’aadmiga ah ka difaaca marka weerar kaga yimaado dibadda, weerarkaasi ha ku yimaado xanuun ah (Infection) ama VIRUS, marka uu weerar kaga yimaado qofka bini’aadmiga ah dibadda, waxaa markiiba difaac galla, CD4, marka haddii qofka bini’aadmiga ah uu CD4-kiisu yaraado, marka waxay noqonaysa inaanu iska celin karin xanuunada kaga yimaadda dibadda, waxaa marka si fudud ugu dhacaya qofka xanuun kasta oo uu nuglaanayo, isagoo si fudud u qaadi kara xanuunada sida TB-da, Kansarka, Tayfoodka, iyo nooc kasta oo xanuun ah.

Maxaa Lagu Kala Qaada Xanuunkani Maxaanse Lagu Kala Qaadin

1. Maxaa Lagu Kala Qaada

contractSida khubarada iyo dhakhaatiirta baadhaysay, isla markaana ku takhasustay xanuunkani ay kumanaan jeer ka badan xaqiijiyeen, kuna sameeyeen tijaabooyin kala duwan, xanuunkani ayaa waxaa lagu kala qaadi kara oo qudha qodobadani hoos ku qoran:

1. Galmada: Khubarada xanuunkani HIV ku takhasusay ayaa xaqiijiyey in %80 xanuunka HIV lagu kala qaado galmada ama marka ay isku tagaan dheecaanka unuga taranka ee dumarka iyo unuga taranka ee raggu, arrinta ugu muhiimsan ee in la ogaado ah ayaa ah, in xanuunkani uu ku badanyahay ilaahay ha inaga hayo oo dadka muslimka ah ama dunida muslimka ahi ma laha eh ragga, raga u taga %60 xanuunkani dunida la nool.

Arrinta kale ayaa ah in haweenku ay laba jeer uga khatar badanyahiin raggu inay xanuunkani qaadaan, waxaa laga yaaba inaanu ninku haddii uu u tago gabadh xanuunka qabta aanu si fudud u qaadin, laakiin gabadhu marka ugu horaysa ee ay nin qabta u tagto xanuunka markiiba way qaadaysa, taasi macnaheedu maaha inaanay raggu qaadi karin, balse xanuunka HIV ayaa dunida inta la ogyahay ragga iyo dumarka qaba ay simanyahiin.

2. Hooyada oo Ilmaheeda ay uurka ku hayso u gudbisa, ogsoonow in hooyada iyo ilmaha ay uurka ku sidda ay wadaagaan hal unug, laakiin sida khubaradda xanuunka HIV ku takhasusay tibaaxayaan, heerka ilaa imika laga gaadhay dawaynta HIV ayaa ah in haddii lagu ogaado hooyadu inay xanuunkani qabto marka ugu horaysa ee ay uurka qaado, marka la kala bad baadin karo hooyada iyo ilmaheeda ay ku siddo uurka, taasi oo macnaheedu tahay in la sameeyey dawo ilmahaasi ka bad baadinaysa inuu qaado xanuunka hooyadii haya ee HIV.

3. Caanaha Naaska Hooyada: Xanuunkani waxaa kale oo uu ku gudba hooyada qabta HIV oo caanaha naaskeeda ku jira siisa ilmaha ay dhashay, waxaa muhiim ah in markastaba hooyada markay uur qaado laga baadho xanuunka HIV si looga bad baadiyo ilmaha uurka ku jira.

4. Irbadaha Dadka Daroogada La Isku Duro ama Mudo isticmaalan oo ay wadaagaan, badanka xanuunka HIV ayaa wuxuu ku badanyahay dadka isticmaala daroogada la isku mudo ama duro ee irbadaha lagu qaato, haddii marka ay wadaagaan qof xanuunka HIV qaba iyo qof aan qabin, markaaba qofku wuu qaadaya xanuunka HIV.

5. Arrinta Shanaad ee ugu danbaysa ayaa ah Dhiig qaba xanuunka HIV oo lagu shubo qof aan qabin (BLOOD TRANSFUSION) markaaba qofkaasina wuxuu qaadaya HIV.

Maxaan Lagu Kala Qaadin HIV

non contractXanuunka HIV si fudud looma kala qaado, haddii loo kala qaadayo si fududna waxaa hubaal ah inaan cidina ka bad baadeen ama badiba dadka dunida ku nooli ay qaadi lahaayeen, xanuunkani kuma noolaan karo dhiiga ama dheecaanka qofka dibadiisa wax ka badan ilbidhiqsiyo, marka laguma kala qaadi karo xanuunkani arrimahani:

Sallaanta, dhunkashada, inaad la wadaagto tuwaalka lagu maydho, inaad cunto la cunto, inaad koob uu qofkaasi wax ku cabay ku cabto, candhuufta qofka laguma kala qaado, haddii tusaale ahaan qof xanuunka qaba uu candhuuf kugu tufo ama ay cadhuuftaasi afkaaga ku dhacdo kuma qaadaysid xanuunkani.

Candhuufta (Saliva) waxaa ka buuxa boqolaal walxood iyo fiitamiino aan u suurtagelinaynin xanuunka HIV inuu ku dhex noolaado, khubaraduna waxay xaqiijisay in fayruska HIV aanu ku noolan karin candhuufta qofka, dhididka, haddii qof qaba xanuunka HIV uu dhididkiisu kugu dhaco ka qaadi maysid.

Khubarada xanuunkani HIV waxay keliya ka digayaan in labada qof ee is dhunkanaya haddii uu midi leeyahay xanuunkani ka kalana aanu qabin aanay dhunkashada dhinaca afka ah ku fogaanin, waxaa suurtagal ah in labada qof ay qabaan nabaro afka ah, laba qof oo gogol wada seexda laguma kala qaadayo.

Callaamadaha Lagu Garto Qofka Xanuunkani Qaaday Marka Ugu Horaysa

hiv rashSida khubarada xanuunkani HIV ku takhasustay tibaaxayaan xanuunka HIV ayaa marka uu qofku qaado muddo ku siman todoba cisho ilaa 8 usbuuc ah, %80 dadka xanuunkani marka haleelo  waxaa uu dareema ama uu isku arka callaamadahani

1. Xanuun u eg duray aad u xun (Flu Like Symptoms)

2. Xumad ka badan 100.5 F, xumadaasi oo markaad u cunto kiniinadda xumadda aanad hore uga bogsanaynin

3. Finan cas cas (Body rash) oo badiba jidhka qaarkiisa sare, dhabarka, wajiga, laabta ka soo yaaca, finankaasi waxay gaadhaan ilaa carabka, afka ilaa iyo hunguriga oo halka hoose ah.

4. Qanjidhadda (Glands) oo qofka xanuuna.

5. meel ka mid ah cunaha midig ama bidix oo qanjidhadu ku yaallaan oo samaysa barar u dhexeeya 1 ilaa 3 cm, bararkaasi oo aan lahayn xanuun balse si lama filaan ah iskaga bararay (swollen lymph glands)

5. madax xanuun joogto ah oo markasta madaxu ku xanuunayo.

6. Dhidid wakhtiga habeenkii kugu bata, oo jidhkaagu samaynayo dhidid fara badan (Nigh Sweets).

Afar ilaa lix usbuuc ayuu qofku callaamadaha isku arkaya, dabadeedna wuxuu ku soo noqonaya caadi, waxaana suurtagal ah inuu qofku 10 sannadood ama ka badan iska noolaado isagoo aan ogaynba inuu xanuunka qabo, isla markaana aan la arag wax callaamad ah, ka dibna uu u dhaco, markaasina uu isku bedelo AIDS.

Waxaa hubaal ah in la ogaado in callaamadahani aynu kor ku sheegnay haddii uu qofku isku arko aanay macnaheedu ahayn inuu xanuunka HIV qaaday, balse waxaa jira kumanaankun xanuun oo kale oo dhammaanba callaamadaha leh, waxaase haboon inaad is baadho, markasta oo aad is baadho waxaad bad baadinaysa naftaada, iyo nafaha dad kale labadaba, ogsoonow, inaan wakhtigan ama xilligani aan HIV loo dhiman sidii wakhtiyada qaarkood, markasta oo hore lagaaga helo xanuunkana ay fududahay sida lagu daweeyo, balse haddii uu kugu raago ay adagtahay sida lagaga daweeya.

Xanuunka HIV iyo Somaliland

hiv somalilandInta la xasuusto Xanuunka HIV ayaa wuxuu ka jira dunida koonkeeda dal kasta, isagoo u gudbay kana gudbay xuduud kasta, ma yaqaano diin, midab, jinsi, da’ af ama luuqad midna, waxaana la xaqiijiyey in dunida koonkeeda dal kasta oo ku yaalla ay jiraan dad xanuunkani la nool.

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dunida ee dad xanuunkani HIV la nooli ku noolyahiin, waxaa lagu qiyaasa dadka la nool HIV ee Somaliland ku nool una dhashay Somaliland inay tiradoodu dhantahay %0.04 oo ah ilaa 2000 ilaa 3000 oo qof tiro u dhexaysa, waana meelaha ugu tiro yar dunida ee xanuunkani dad la nooli ku noolyahiin, magaalooyinka ugu badan ayaa ah Hargeysa, Boorama, Burco iyo Berbera.

Sidaasi oo ay tahay haddana xanuunkani HIV oo ah ka ugu halisan dunida ee la isku gudbin karo ayaa sannad kastaba sannadka ka danbeeya wuxuu ku soo badanaya Somaliland.

hiv commssionDhibaatada ugu weyn ee Somaliland ka jirta ee u sahlaysa in xanuunkani HIV uu kor ugu socdo tiradiisu ayaa ah nidaamkii dawliga ahaa ee ay ahayd inay xooga saaraan in lala dagaalamo fidista xanuunkani oo ka gaabiyey, iyo weliba aqoon la’aan baahsan oo haysata haayadaha magac u yaalka ah ee hawshani u qaabilsan Somaliland oo noqday xarumo ay aafaysay musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Shabakaddani caalamiga ah ee HALBEEGNEWS oo baadhitaan ku samaysay haayadda lagu magacaabo “Haayadda AIDS-ka Somaliland “Somaliland Aids Commission” ayaa waxaa noo soo baxay in iska dhaaf haayadaasi waxay u qabato dadka xanuunkani la nool ee ku sugan Somaliland eh, aanay xita dadka ku magacaaban ee xilalka ka haya haayadaasi aanay aqoonba u lahayn xanuunkani HIV-ga wuxuu yahay, siduu ku soo bilaabmay, iyo siduu ku faafo intaba.

Waxaa ka darran musuq maasuq iyo xatooyo xadka ka baxday oo haayadani aafaysay, isla markaana deeqaha faraha guudkood ah ee haayadaha dunidu ugu soo dhiibaan haayadani, dadka masaakiinta ah ee xanuunka la nool ay musuq maasuqaan, waxaa iyaduna fajac iyo amakaag mudan in miisaaniyadda qarranka ugu jirta ka hor tagga xanuunkani ay tahay fara guudkood.

Dad Magac Ku Leh Somaliland Iyo Dad Dibadda Ka Yimid Oo Xanuunkani Qaba Oo Laga Qariyo Bulshada

sariirDhibaatada ugu weyn ee Somaliland ka jirta ayaa ah, in dadka xanuunkani la nool aan la garanayninba cidda ay yahiin, iyadoo la qariyo, taasi oo faa’iidadeeda iyo waxyeeladeeda labadaba leh, isla markaana marka la is bar bar dhigo ay waxyeeladeedu ka badantahay.

Dadka la nool xanuunkani HIV ee Somaliland ku nool laftigoodu ma yaqaanan ama aqoonba uma laha xanuunkani sida lagu kala qaado, sida ay u qaadsiin karaan qof aan xanuunkani qabin, waxaana ay arrimahaasi sii badinayaan in xanuunku ku fido bulshada dhexdeeda, iyagoo dadkaasi xanuunka qaba ay dadka kale ula noolyahiin si caadi ah, isla markaana ay suurtagal tahayba inay guursadan, galmoodaan, ama sameeyaan arrimo gudbinaya ama faafinaya xanuunkani.

Halbeegnews Oo Baadhitaan Ku Ogaatay In Somaliland Ku Noolyahiin Dad Magac Iyo Hanti Leh Oo Xanuunka HIV Qaba Kuna Faafinaya Bulshada

hargeisa11Arrinta ugu layaabka badan ee shabakadani Halbeegnews baadhitaanka ku ogaatay ayaa ah in dad magac iyo hanti ku leh Somaliland oo aanan jeclayn inaanu magacawno ay xanuunkani la noolyahiin, isla markaana qaarkood dadkaasi ay si badheedh ah xanuunkani u gudbiyaan, iyagoo sameeya arrimo fawaaxish ah oo aad uga baxsan xadka.

Qaarkood ayaa dadkaasi ka mid ah qurbe joog ka tagay dalalka dibadda, kuwaasi oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Burco iyo Berbera isla markaana guryo waaweyn ka dhistay, halka qaarkoodna ay ka kiraysteen kuna sameeya falal aad u fawaaxish badan, iyadoo xogta baadhitaanka ee Halbeegnews heshayna tibaaxayso in xita qaarkood ay ka tirsanyahiin xukuumadda laftigeeda halka qaarkoodna ay u dhawyahiin, waxaanu xukuumadda usoo jeedinayna inay dadka sida badheedhka ah ugu fidinaya xanuunkani bulshada ka dhex qabato, haddii kale Halbeegnews waxay ballan qaadaysa inaanu dadkaasi magacyadooda iyo sawiradoodaba bulshada u gudbin doono, waayo qof bulshada ku fidinaya HIV waa qof u cadaw ah Somaliland.

Arrinta kale ee layaabka ah ayaa ah in bulshada Somaliland ku nool %80 ama ka badan aanay xita aqoonba u lahayn in xanuunkani lagu kala qaado galmada, iyo in la iska baadho oo dhiiga qofka la baadho, waxaa kale oo ka sii darran in aanay jirin qallab aad u horumarsan oo xanuunkani lagu baadho, iyadoo sidoo kalana dhakhtarada badidood aanay aqoon durugsan u lahayn xanuunkani laftigiisa.

Dardaaranka iyo Dhiiri Gelinta Halbeegnews Ee Xanuunka HIV

hiv personHalbeegnews waxay ilaahay uga baryaysa in dadka la nool xanuunkani uu ilaahay ka dul qaado isaga xanuunka ilaahay keena, isagana qaada, waxaanan ilaahay ka baryayna inuu soo dedejiyo dawadii xanuunkani, ilaahayna wuxuu quraanka ku sheegay in xanuun kasta oo dunida yaalla uu leeyahay dawadiisa, balse uun ay aadamaha ku adkaatay inay hellaan.

Xanuunka HIV waa xanuun, mana ah masiibo loogu tallo gallay dad gaar ah, wuxuu ku dhici kara qof kasta oo ka gudba xuduudka.

Halbeegnews waxay ku boorinaysa xukuumadda Somaliland inay u naxariisato dadka la nool xanuunkani ee ku nool Somaliland, isla markaana iyagoo tiro ahaan iskaba yar, la siiyo xuquuq gaar ah, maadama xanuunkani uu yahay mid noloshooda naafayn kara.

Waxaanu ilaahay uga baryayna bulshada Somaliland inuu  ka nabadgeliyo, kana bad baadiyo xanuunkani, balse waxaa hubaal ah in qof kastaba naftiisa masuuliyadi saarantahay, masuuliyadaasi oo ah inuu naftiisa ka dhawro galmada xaaranta ah, ilaahayba quraanka inoogu sheegay oo inagu yidhi “ka fogaada gelmada iyo sinada xaaranta ah waxay idinku hagi dariiq khaldan eh” waana digniin inooga timid ilaahay ina abuuray ee koonka uumay, digniin ka weyn oo la bixin karaana ma jirto.

Maaha oo qudha in qofku uu xanuunkani ku qaadi karo gelmada xaaranta ah, waxaa hubaal ah in laba qof oo si xallaal ah isku guursaday ay kala qaadi karaan, balse waxaa saaran laba qof oo kasta oo is calmanaya ama is guursanaya, inay iska baadhaan xanuunka HIV ka hor intaanay is guursan, macno samayn mayso inaad qofka taqaanay, aqoon dheer u lahayd, qofkaasi ka soo jeedo qoys wanaagsan, HIV ma yaqaano shakhsi, mana laha xuduud, waxaanu ku dar daarayna kuna dhiiri gelinayna dhalinyarada Somaliland in ka hor intaanay guurka xallaasha ah u dhaqaaqin labada qof iyagoo isku niyadsan ay tagaan xarun caafimaad oo la isku hallayn karo iskana baadhaan xanuunkani, maaha keliya inaad naftaada bad baadinaysaan laakiin waxaad bad baadinaysaan q0ys dhan, maaha ceeb inaad tidhaahdo iga baadha HIV, waxaad tahay geesi ama geesiyad.

Hooyada Uurka qaada waa inay xanuunkani isla marka ay qaadaba iska baadho HIV, si ay ilmaheeda uga bad baadiso, waa hubaal inaad isweydiiso guur xallaal ah ayaan ku jira ee maxaa ii keenaya, balse ogsoonow in qadarka uu jiro.

Xukuumadda Waxaanu markale ku celinayna in miisaaniyadda loogu daro dadka masaakiinta ah ee HIV la nool kharash ay iskaga bixiyaan nolol maalmeedkooda, waxaananu ka codsanayna dadka qurbe jooga ah ee u dhashay Somaliland ee ku nool dibadda inay taageeraan dadka walaalahood ah ee la nool HIV ee ku sugan dalka gudahiisa.

Xukuumaddu waa inay barto dadka la nool xanuunkani ugu yaran sida ay cudurka ugu gudbin karaan bulshada si ay uga ilaaliyaan naftooda inay nafo kale gallaaftaan.

Xukuumadda waxaanu sida ugu adag ugu baaqayna inay gacan bir ah ku qabato dadka sida badheedhka ah ugu fidinaya xanuunkani bulshada Somaliland dhexdeeda, ee guryaha waaweyn u kirastay ee la wada yaqaano, haddii kale Halbeegnews waxay khashifi doonta oo sheegi doonta magacyadooda, waayo qof u badheedhay inuu bulshada ku fidiyo HIV waa qof bulshada oo dhan cadaw u ah.

Waxaa hubaal ah in 1 December meelaha qaarkood xaflado magac u yaal ah lagu qabto oo lagu sheeganayo in xanuunkani lagu xusayo, balse waxaa xaqiiq ah in dadka xanuunku hayo la iloobay bulsho ahaan iyo xukuumad ahaanba.

Farriinta HALBEEGNEWS Waa HIV waxaynu kaga hortagi kara inagoo muujina inay inaga wada dhabtahay, ku dhiiro inaad iska baadho xanuunkani, ka fogow galmada xaaranta ah, iska jir wax kasta oo xanuunkani ku fidi karo.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

__________________________________________________________________

Waxaanu Ogaysiinayna Bulshada Akhrista Halbeegnews in tiriyaha dadka (Visitor Counter) ee hoose uu weli ciladaysanyahay isla markaana aanu weli ku guda jiro inaanu cillad saaro, tirada hadda uu soo saaraya waxay aad uga yartahay tirada dhabta ah ee inta qof ee akhristay qoraal ama war kasta oo Halbeegnews ku baxa, waxaanu idinka codsanayna inaad noo samirtaan intaanu cilladda ka saarayno barnaamijka tiriya dadka booqday qoraal kasta

“Waa Xaalad Adag, Dhulku Iyo Dadku-Na Waa S/Land, Ma Anaa Jab La Maaganbaa Mise Afkii Baa Juuqdii Gabay, Ciidanka Tuka-Raq Lagu Soo Daad-Guraynayaa Wuxuu U Jiraa Ciidanka Qaranka Ee Gambadha Wax Ka Yar 30KM”Mujaahid Cali Guray

$
0
0

 

Hargeysa, December 1, 2013 (Halbeegnews) – Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga  mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa xukuumadda Somaliland ee taladda haysa ku dhaliiley colaadaha uu madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ka wado degmadda Taleex ee gobolka Sool, kaas oo sheegay inaanay ilaa imika xukuumada madaxwayne Siilaanyo cadaynin mawqifkeeda la xidhiidha dagaaladad ka socda jiidaas.

Mujaahid Cali Guray waxa uu xusay in Maamulka Faroole uu faro-galin cad ku hayo dhulka iyo dadka reer Somaliland, kaas oo colaadaha iyo dagaalada ay halkaasi ka hurinayaan maamulka Puntland ku tilmaamay mid aan loo dulqaadankarin, isla markaana jawaab u baahan.

Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf waxa uu xiisada Taleex ku sifeeyey xaalad adag oo la soo daristey Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ka digay ciidamo ay Maamulka Garoowe soo dhoobeen deegaanka Tuka-raq oo wax 30KM ka yar u jira jiida hore ee ciidanka qaranka Somaliland ee Ganbadha oo uu xusay inaanu garanaynin sababta ay xukuumada madaxwayne Siilaanyo u daawanayso xaaladahaa khatarta badan. Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qormo kooban oo uu ku baahiyey boggiisa Facebook, kaas oo nuxur ahaan ka hadlaysay xaalada degmadda Taleex oo maalmihii u danbeeyey ay dagaalo ku dhexmarayeen ciidamo uu wato madaxwayne ku xigeenka Puntand Cabsi Samad Cali Shire iyo ciidamo kale oo taabacsan maleeshiyo beeleedka Khaatumo. Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waa xaalad adag, dhulku iyo dadku na waa Somaliland maamulka Puntland na qayb buu yahay dhibaatada Somaliland ILAAHAY hadda mawqif keeda. lama oga. Ma anaa jab la maagan baa mise waa afkii baa juuqdi gabay. Ciidanka Tuka Raq lagu soo daad guraynayaa wuxu u jiraa Ciidanka Somaliland ee Gambadha wax ka yar 30 KM. Lakiin malaha khadka tilfoonka ayaa laga wada socdaa. Bal aan sugno oo eegno”.Halbeegnews/Hargeysa.Cali Guray11

Hambalyadda Meherka Caruus Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) Iyo Marwadiisa Hoodo Axmed Xaashi

$
0
0

Naasir Aadan Maxamed (Nawaa), Xuseen Axmed Xaashi, C/risaaq Aw Daahir Khaliif (Guray), Axmed Khaliif Jaamac Saalax,  Mukhtaar Caydaruus Cige (Dhako), Cabdiqani Muuse C/laahi (UD), Axmed Yaasiin Sheekh, Cismaan Maxamed Axmed, C/qaadir Cali Muuse (As-har) Sacad Sheekh Muuse, C/qani Daahir Ismaaciil, Dr Ciise Cabdi Jaamac, Dr Abdikariim Maxamuud Gaas, Khaliif Cabdi Sheekh, Guuleed Maxamed Muuse (Qarro), Farxaan Faarax Ibraahim (Biso), Mawliid  Cismaan Ibraahim (Ceero), Mustafe C/raxmaan Ismaaciil, Cumar Cali Casoowe, Axmed Daa’uud Cismaan (Xoogsade), Maxamed Xasan Aadan (Nesta), Maxamuud Jaamac Dirir (Salgaado), Khadar Cawil Cumar, Joordan Maxamed Bile, C/kariin Axmed Jaamac (Qalaaf), C/khaddar Maxaed Dheere, Faysal Idiris Cashuur, Mukhtaar Xuseen Yuusuf, Guuleed Maxamuud Xaashi (Big 4), dhamaan asxaabtaasina waxay  Hambalyo Meher Wacan u dirayaan Agaasimaha guud ee Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV

Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig)

Iyo

Hoodo Axmed Xaashi

Oo Axadii maanta oo taariikhdu ahay 1/12/2013 uu Meherkoodu ka dhacay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay leeyihiin Ilaahay aqalgalkiina ha idinku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo Aamiin Aamiin Aamiin.

IMG_3268Meherkii Ilig11

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe.

$
0
0

Axad 01 December 2013 Muqdisho (Halbeegnews)–Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane  Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale  oo  lagu xusayey  Marxuum Danjire Axmed  Maxamed Aadan Qeybe ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.xasan sheekh

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday  Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum  Axmed  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna  tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey  Umadda  Soomaaliyeed.   Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir  Allaah haka siiyo  ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana  jiri doonaa”

Sidoo kale Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya  ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana  micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”

“ Caawa waxaan u joognaa xuska  Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa  si aanu jirsiino mar-walba  waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa  maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in  xarunta Wasaarada Arrimaha  Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda  dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan  Qeybe yuu ahaa  ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa  u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti  ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Warar Faahfaahsan Oo Halbeegnews Ka Heshay Khilaafka Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse Iyo Maareeyahii Telefishanka Afka Xukuumadda SLNTV Khadar Cali Gaas Oo Shaqada Laga Joojiyey

$
0
0

Axad 01 December 2013 Hargeysa (Halbeegnews)–Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Shaqadii Saaka ka joojiyey Mareeyaha Telefeshinka Qaranka Somaliland Md. Khadar Cali Gaas, waxaanu Wasiirku Qoraalka Shaqo ka joojinta ku Amray Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasarada Warfaafnita in aanu soo gali karin maareyuhu.gaas iyo cukuse

Arrintan ayaa ka Danbeysay ka dib markii uu khilaaf xoogani uu ka dhex dilaacay Wasiirka iyo Mareeyaha kuwaasi oo isku qabtay Guddi loo saaray in ay dib u eegis ku sameeyan lacagta mushahar ahaan ay u qaatan Shaqalaha Telefeshinka Qaranka oo la sheegay in lacagtoodu aad u kala badan tahay, wasiirka ayaa la sheegay in sababta guddidaasi khilaafka ka dhashay u magacaabay ay ahayd ka dib markii shaqalaha qaar ka mid ahi sheegeen in mushaharka  ay qaatan uu yar yahay, waxanu wasiirku sheegey in aanay caqli gal ahay in shaqaalah qofna qaato 1,000 Dollar Midina uu qaato 150Dollar.

Sidoo kale Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee Shaqada Laga Joojiyay ayaa Shalay Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ka dalbaday in aanu la Shiri Karin Shaqaalaha Telefishanka taas oo ka hor imanaysa nidaamka Shaqo ee Wasaarada oo Wasiirku ka Madax yahay

Dhanka  kale Wararku waxay intaasi ku darayaan isla saaka Mareeyaha oo doodnayey in uu xafiiskiisa  taago ay ciidanka boolisku u diideen in uu kadinka wasaarad ka galo iyaga oo  u sheegay in ay qabaan Amar Wasiir.

Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo hore loogu sadqeeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Boobe Yuusuf Ducaale.

Mareeyaha Telefeshinka ayaa isla saaka Lagu arkayey isaga oo ku sugan Gobolka oo ah meesha ay wasaraada ugu badan ee dalku yaalan, waxaanu wakhtigaasi ku sugnaa wasarada Waxbarahada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Sheegay  inay ka Go’an tahay sidii loo simi lahaa Xuquuqda Shaqo ee Shaqaalaha ka hawl gala Wasaarada Warfaafinta oo kor u dhaafay in ka badan Lix boqol oo qof isagoo cadeeyay Wasiirku in aanay Jiri doonin wax Shaqaale ah oo uu Shaqada ka saarayo hasa yeeshee loo samayn doono sidii loo jihayn lahaa.

Dhawr Todobaad ka hor ayaa Telefishanka Qaranka laga Baahiyay Barnaamij si Toos ah looga soo Tebinayay Studio Magaalada London kaas oo ay ka qayb qaadanayeen Xubno ka Tirsan Gudida Heerka Qaran ee dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco waxaase mar kaliya layaab ku noqotay daawadayaasha in Jaaliyada Magaalada London ay Ku baaneen inay soo iibiyeen dhamaanba qalabka uu ku shaqeeyo Telefishanka Qaranku gaar ahaan xaruntiisa London iyadoo Xukuumaduna Kharash aad u badan ku bixisa Qalabka iyo Studio London.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Daawo Video: Guulahii Siyaasadeed Ee Madaxweynahii Labaad Ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal, Daawo Barnaamijkani Oo Telefishanka HCTV Ka Diyaariyey

$
0
0

Axad 01 December 2013 Hargeysa (Halbeegnews)– Telefishanka HCTV ayaa barnaamijka uu kaga waramo keydkiisa wuxuu ku soo bandhigay muuqaalo taariikhi ah oo ka waramaya khudbadahii iyo socdaaladii  siyaasadeed ee madaxweynahii labaad ahaana hogaamiyahii bud dhigay nidaamka dawliga ah ee Somaliland ka shaqeeya maanta Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyo eh, hoos ka daawo barnaamijkaasi:

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Daawo Barnaamij Gaar Ah Maalinta Xanuunka HIV AIDS Oo Laga Xusay Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa Iyo Dadka Xanuunka La Nool Oo Hadal Ka Jeediyey Xuska

$
0
0

Isniin 02 Dec 2013 Hargeysa (Halbeegnews)– 1 December oo ku beegan maalinta la xuso xanuunka HIV AIDS, ayaa lagu qabtay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaana munaasabadda hadalo ka jeediyey madax uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, madaxda haayadda AIDs ka qarranka iyo weliba dadka xanuunka la ee Somaliland ku nool, hoos ka daawo:

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com


Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo banka Aroori U Xidhay Ganacsade Al-jaabiri Iyo Reer-Guuraga Degaankasi Oo ka cabanaya In Xoolahooda Laga Xidhay Laguna Amray In Aanay U Dhawaan.

$
0
0

Hargeysa(HalbeegNews)-wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sida la og yahay waxaa uu mashruuc  koox ganacsato ah kaga qaatay banka loo yaqaano AROORI iyo Dadkii reer guuraaga ahaa oo cabasho xoogan ka muujiyey qabsashada seeraha AROORI oo ah meel reer guuraagu ku baxsado xiliga jiilaalka iyo abaaraha, waxana bankaasi si toos ah u maamula wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga balse waxaa si isku indho qabad ah koox gaancsato ah ugu xidhay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, iyadoo sida la og yahay wasiirka xanaanunada xooluhu uu madaxweyne ku xigeenka ku khiyaameeyey in uu xadhiga uga soo jaro bankaasi AROORI ,isagoo wasiirku madaxweyne ku xigeenka u sheegay in bankan AROORI wasaarada xanaanada xooluu maamusho isla markaana ay doonayaan inay ka dhigaan mashruuc  ay xoolaha gaancsatada lagu naaxiyo, waxana la sheegay in wasiirka xanaanada xooluhu uu heshiis arintaasi kula galay gaancsadaha carbeed ee Al-Jaabiri ,halka dadka deegaanka laga hor joogsaday inay bankaasi ka hadlaan isla markaana lagu war geliyey inaysan xoolahoodu u dhawaan bankaa AROORI oo loo xidhay gaancsade carbeed.

Dadweyanaha ku dhaqan gobolka togdheer ayaa waxay ku hanjabeen in aysan ogoleyn in banka AROORI loo xdiho cid gaar ah isla markaana ay arintaasi ka hor iman doonaan hadii aysan wasaarada xanaanada xooluhu faraha kala bixin, iyadoo oo odayaasha iyo wax garadka deeganaadaasi uu maalmahanba uu shir uga socday magaalada burco ee xarunat gobolka Togdheer, waxayan isku raaceen in marka hore wasiirka xanaanada xoolaha la ashkateeyo oo loo sheego  madaxweyne siilaanyo isla markaana baaq laga soo saaro khilaafka ka dhalan kara talaabada uu qaaday wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, waxayan wararku sheegayaan in dadweyanaha deegaankaasi aad uga kacsan yihiin go’aanka wasiirka xanaanadu uu uga xidhay banka AROORI ganacsade carbeed halak xoolihii reer guuraaguna dibada ka joogaan bankii ay daaqi jireen  ,waxana la sheegay in arintaasi keeni karto iska hor imaad dhex mara dadka reer guuraaga ah iyo ganacsatada la sheegay in loo xidhay banka AROORI.

Wasaarada deegaanak ayaa la sheegay inay ka cadhootay talaabada uu qaaday wasiirka xanaanada xooluhu ,iyadoo wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyigu maamsuho banka AROORI taasi oo wasaarada xanaada xooluhu aysan waxba kala socodsiin go’aanka ay ka qaataday wasarada xanaanada xooluhu,ilo wareedo u dhuun daloola wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxay sheegeen in masuuliyiinta wasaarada deegaanku dacwad ka dhan ah wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ay u gudbiyeen garyaqaanka dawlada iyo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland,iyadoo dacwadasi lagu sheegay kadib markii wasaarada xananada xoolhu ku soo xad gudubtay shaqada wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga isla markaana cabasho xoogan ka soo gudbiyeen dadka deegaanakas AROORI taasi oo keeni karta iska hor imaad ayay ku sababeeyeen masuuliyiinta wasaarada deeganku ashaktadooda.

Maaha markii ugu horeysay ee wasaarada xanaanada xooluhu sheegato banka AROORI balse ilaa in mudo ah wasaarada xanaanada xooluhu waxay  sheegaynaysay banka AROORI oo ay ku tilmaanto in ay iyadu maamusho, lama oga talaabada uu madaxweyne siilaanyo ka qaadi doono wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali.

Hargaysa Halbeegnews

Contact@halbeegNews.com …

XAFLAD AAD U WEYN OO LOOGU SAMEEYAY MINNESOTA-USA MUSHARAXA MADAXWEYNE KU XIGEENKA UCID MUDANE C/RASHIID XASAN MATAAN IYO WACDARIHII HALKAAS KA DHACAY

$
0
0

Minnesota(halbeegnews)- Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota xaflad aad u weyn oo lagu maamuusayay ku xigeenka musharaxa madaxweyne ee UCID, mudane C/rashiid Xasan Mataan. Xafladaas oo ahayd mid run ahaantii aad iyo aad looga soo shaqeeyay ayaa waxa iskugu yimid dadweyne aad iyo aad u tiro badan oo ka kala socday dhamaanba qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somaliland ee degen gobolkan Minnesota iyo weliba marti-sharaf kale oo badan ka kala yimid goboladda kale ee dalkan Maraykanka si ay uga soo qayb galaan xafladdan. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in ay xafladan kasoo qayb galeen marti sharaf kale oo ka socotay dawladda Maraykanka oo uu hor kacayay Senator Dan Hall oo ah Senator aad caan uga ah gobolkan Minnesota isla markaana ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee aadka ugu ololeeya qadiyadda Somnaliland.

 

 

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad iyo aad u tiro badan ayaa la odhan karaa

 

 

 

wax ay ka mid ahayd xafladdihii ugu waaweynaa ee abid ka dhaca Minnesota ee lagu soo dhaweeyoi musharax siyaasadeed oo ka socda Somaliland. Waxa halkaas ka hadlay marti sharaf badan oo isugu jiray muxaafid iyo mucaarid, rag iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeel, wadaad iyo waranlehba. Run ahaantii waxa goobtaas la isku dhaafsaday khaftan, talooyin iyo figrado caafimaad qaba.

Iyada oo run ahaantii aan la soo koobi Karin marti sharaftii iyo madaxdii halkaas ka hadashay waxase xusid mudan qudbadihii wax ku oolka ahaa ee ay halkaas ka jeediyeen: Qudbisamaan Imam Shiikh Sacad, Siyaasi Axmed Ugaas Jaamac (Axmed Umad), Oday Cabdi Iimaan, Suldaan Abubakar Wabar, Xoghayaha Arrimaha Dibedda UCID Mudane Yusuf Budle, Senator Dan Hall, Former Congressman Dan Severson, Gudoomiyaha UCID ee USA Mudane Xasan Yonis C/lahi iyo Professor Saleebaan Cige.

Senator Dan Hall oo halkaas ka hadlay ayaa aad iyo aad ugu nuuxnuuxsaday sida uu ula dhacsan yahay horumarka ay gaadhay Somaliland iyo weliba sida ay dadkeedu isagu tashadeen iyaga oo aan cidnaba wax ka sugin ee u dhaqaaqay siddii ay iyagu dalkooda iyo dadkoodaba ugu horumarin lahaayeen. Senator Dan Hall ayaa halkaas ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu booqasho ku imandoono Somaliland dhamaadka bisha Januari. Sidda uu sheegay Senatorkanu waxa ay booqashadaas ku tegidoonaan caasumadda Somaliland iyaga oo ka kooban saddex sarkaal ooMaraykan ah, ujoodadooda ugu weyna ay tahay siddii uu usii fahmi lahaa qadiyadda Somaliland si uu u gado qadiyadda Somaliland oo uu aad ula dhacsan yahay.

Qudbado badan kadib, waxa halkaas ugu dambayntii qudbad aad iyo aad u qiimo badan ka jeediyay Musharax C/rashiid Xasan Mataan oo run ahaantii aad iyo aad loogu qushuucay sida dheeliga tiran ee uu uga xog waramay geedi socodka siyaasadda ee Somaliland. Musharax C/rashiid waxa uu si fiican uga waramay qorshaha iyo ajendaha siyaasadeed ee u yaala xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID isaga oo sheegay wax qabadka dhamaanba xukuumaddihii iskaga kala dambeeyay maamulka Somaliland iyo kolba meeshii ay soo gaadhsiiyeen. Waxa uu Musharaxu si aad ah uga sheekeeyay waxqabadka xukuumadan hadda joogta iyo weliba waxyaabaha ay ka tagtay iyo waxa uu Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku ka bedelidoono marka uu ku guulaysto hogaanka dalka.

Waxa aan la hilmaami Karin fanaanadda Caanka ah ee Hodan C/raxmaan oo halkaas kusoo bandhigtay heeso si gaar ah looga soo shaqeeyay iyo weliba hees cusub oo ay goobtaas bacda kaga jartay oo si gaar ah loogu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID.

Waxa kale oo aan marnaba la hilmaami Karin in la xuso mahadi ha ka gaadhee Mudane Maxamed Maxamuud C/laahi (Shiine) oo isagu ahaa qabanqaabiyaha xafladdan, isla markaana masuulka ka ahaa maamulka iyo soo dhaweynta Musharax C/rashiid Xasan Mataan mudada uu socdaalka ku joogo gobolkan Minnesota.

Xafladaas oo ku dhamaatay guul iyo is fahan ayaa ugu dambayntii lagu soo gunaanaday musharaxa oo halkaas kaga jawaabay su’aalo toos ah oo ay weydiinayeen dadweynihii kasoo qayb galay xafladaasu.

Fadlan la soco sawiro kale iyo kulanada kale ee uu Musharax C/rashiid Xasan Mataan kula galay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Minnesota.

 

UCID Media

Shirweynaha Xisbiga Waddani Ee xafladii ka Dhacday Royal Banqueting placeEe magalada birmingham.

$
0
0

Birmingham(HalbeegNews)-Xaflada shirweynahan oo ka dhacday hoolka xafladaha ee  ROYAL SUITE BANQUETING PLACE, ee magaalada Birmingham, ayaa ahayd xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimey, taasoo ay ka soo qayb-galeen Xubno iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo ka tirsan xisbiga Waddani. Xafladan oo si aad ah loo soo buux-dhaafiyey ayay xubnihii ka soo qayb-galay ka soo kala safreen dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka wadankani ka kooban yahay.

Xafladan oo ahay qabsashada Shirweynihii Koowaad ee Xisbiga Waddani UK, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay, Xubno sarsare oo ka tirsan xafiiska heer Qaran ee Xisbiga Waddani, xubno ka tirsan xafiiska UK ee Xisbiga Waddani, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, iyo Xubno xilal sare ka qabtay wadanka xiliyadii maamuladii hore iyo tan hada jirtaba, xubnahaas oo kalsoonidooda iyo taageeradoodaba u soo raray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Xaflada shirweynahan oo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ku abuurtay Farxad iyo Yididiilo ayaa waxaa ka hadlay Xubno aad u badan oo dhamaantoodba ka dhawaajiyey siday ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka xafladan iyo weliba ka mid-noqoshadooda Xisbiga Waddani iyagoo hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/lahi “Ciro” yahay Muwaadin Nadiif ah, Sharaf badan, Hawl-kar ah, qaalina ku ah wadankeena S/land, yahayna Shakhsiga ugu quman ee wadanka ka saari kara xiligan adag ee lagu jiro.

Xubnihii badnaa ee goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Xildhiban A/rahman Mohamed “Xoog”, Wasiirkii hore ee Wershadaha Mudane Mohamed Saleebaan Weyne, Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Mudane Mohamud Rageh, Xoghayaha Arimaha Khaaska ah ee Xisbiga Waddani Mudane Husein Asad, Gudoomiyaha Yurub ee Xisbiga Mudane Osman Aw-Adan, Cornayl Ahmed Jama, Hasan Harun, Chief Caqil Siciid Cawl, Xubno Gudiga Fulinta iyo Golaha dhexe heer qaran oo ay ka mid ahaayeen, Mohamed Ali, Mubarak Hilac, Abdala Saleebaan Dafle, Fardus Hamarshot, Mohamed Halac, Mohamed Esse, iyo Xubno kale oo badan ayaa qodobadii ay ka hadleen waxa ugu waaweynaa:
1) Cambaaraynta Dagaalada ka socda Taleex oo loogu baaqay in degdeg loo joojiyo, Puntland-na kala baxdo Ciidamadeeda gebi ahaanba deegamadaas. Xukuumadana waxaa loo soo jeediyey inaysan arimahan indhaha ka qarsan.
2) Si muwaadin kasta oo reer S/land ahi u helo cadaalad iyo maamul uu ku qanacsan yahay waa in Xisbiga Waddani ka shaqeeyaa siduu maamulka wadanka u hanan lahaa, si taas loo gaadhana waa in Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbigu la yimaadaan Hawl-karnimo, Firfircooni iyo Deeqsinimo.
3) Taageerida iyo ka soo qaybgalka Dooda Qaran ee Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen.
4) Taageerida iyo ka qaybqaadashada horumarka wadanka.
5) In xukuumadu aysan wax dibudhac ah ku samaynin Qabsoomida Doorashooyinka oo ay xiligooda ku dhacaan.
6) Xisbigu waxay Xubnaha Golaha Baarlamaanka S/land u soo jeediyeen, inay daacad ugu shaqeeyaan shacabkii doortay, ka fogaadaan waxii iskuduubnimadooda iyo sharaftooda wax-yeelaya. Ilaaliyaana Shuruucda Dalka iyo Dadka; kana hortagaan waxkasta oo wax-yeelaya wadanka sida ku-takrifalka Awoodaha iyo ku-takrifalka dhaqaalaha iyo Khayraadka Wadanka.

Shirweynahan oo ay sidoo kale ka hadleen Wakiilada Laamaha UK, Garabka Haweenka, Garabka Dhalinyarada Uk iyo Xubno badan oo kale, ayaa waxaa lagu ansixiyey Xubnihii Gudiga Sare ee UK, iyagoo lagula dardaarmay inay la yimaadaan waxqabad la taaban karo.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani UK, Mudane Ahmed Ali Nahi oo Shirweynahan soo xidhay ayaa u mahadceliyey Gudiga Gaws-Dambeedka UK, kuwaas oo ka soo shaqeeyey Abuurista Gudigan UK iyo Dhisida Laamo badan oo UK ahba. Shirweynahan ayaa Bilad sharafeed lagu gudoonsiiyey Laamihii la yimid firfircoonida dheeraadka ah, kuwaas oo ay ku guulaysteen Laamaha Bristol iyo Shefield.

Miyaad aragtay ?!! malaa jinbay ahayd!!!!!!!!! W/Q. Abwaan Cali dhanaaniye

$
0
0

Aduunyadu ma sidaasay u dhib badan tahay? Maxaa anigga igu weegaara aafaadka iyo amakaaga nolosha? Aduunyada hadaan moodayo inay sidaas u dhib badan tahay mabaan imaadeen! Oo tolow xagee buu joogi lahaa?

Inta ugu badan wakhtigayga waxaan ku qaataa wer-wer, mana garanayo waxa aan ka wer-werayo! Haddii aad ku jirto xaalada aan ku jiro maxaad samayn lahayd? Intaa waxa ii dheer amakaag iyo oohin aan saacadaha qaar ka ooyo waayaha nolosha.

Si deg-dega ayaan u lebistay aniga oo dareensan inaanj hurdada ku daahay, waxaan u baxay debeda guriga aniga oo damacsan inaan dhulka jeedaaliyo.

Waa muuni arooryaad oo qurux badan, cirka waxa ku gedaaman oo guud ahaan ku saameelan fadad daruuro ah oo qurux badanm waxa aan si kada looba u kamandhuudhsaday kaabadii guriga, waxaan diyaar u ahay oo aan isu xidh-xidhayaa dugsigaygii waxase igu raagay oo aan sahaminayaa saaxiibkay ridwaan . hal-cabaara markii aan fadhiyey jardiinadii guriga ayaan raagsaday saaxiibkay ridwaan, aniga oo kaataa dhabloonaya ayaan tallo ku goostay inaan la hadlo saaxiibkay, nasiib darrose telefoonkiisii wuu xidhan yahay. Aniga oo ka yoolsan xaaladan saaka ayaan meel fog ka halacsaday bidhaan soo hadoodilan. Waxaan ilaaway xaaladii aan ku jiraym dareenkayguna waxa uu si dhaba ula qabsaday muuqaalka cajiibka ah ee gabadh lagu manaysatay, fadhigiibaan hayn waayey! Oo waan istaagey, indhaha ayaan mar-maray oo waxaan is idhi malaa waa riyo ‘e run maaha!!! Muuqaalka aad daa’uuska moodo! Qaab dhismeedka soo jiidashada leh, indhaha aad kuwii cawsha moodo, muunada iyo siinada qurxoon ee lagu macsuumay waa kuwo naftaydii khal-khal geliyey oo wax yeelo gaadhsiiyey habdhiska dareen wadkayga.

Waxa iga luntay kalsoonidii naftayda, inantii way yaaban tahay! Waxana ay is leedahay yarku miyaanu sax ahayn? Sowkan indhaha kaa dhex saaray? Dhawr daqiiqadood ayaan si xidhiidha oo aan kala go’ lahayn u daawanayey dheeha nuuraya iyo dhabanka gaaridan ee dhalaalka badan, waxaad moodaa oo ay iiga dhigan tahay cadceed subax iftiinka wejigeeda waxaad ubax buluuga oo harro biyo ah dhex jiifa, ruuxay hor martaana waxa uu la mid yahay mid la jawaafay, udgoonkeeda waxa aad moodaa saxansaxo roobaad markay ku soo ag martana waxaad moodaa in janno fardowsa daaqad lagaaga furay!!!!

Ma’ogtahay inaad tahay

Uabax webi ku yaaloo

Ruuxii mar eegaa

Ku il doogsanaayoo

Kal gacaylku ibbo fura?!!!! Cali dhananiye

Waxaan uurka iska leeyahay mala hadashaa? Ma iska deysaa? Laakiin hadalba cunahayga ma soo marayo, marbaan isku dayey inaan la hadlo markiina waxaan hadal dhaafin waayey: qalanjooy, een, een hadal saxana waan odhan kari waayey, laabtu way hugmaysaa waxana ay la hiiraagaysaa hadal tan dhaafa, balse yaa ii miciina oo xanuunkiisa isoo dhaafiya? Haddii xaaladan oo kale kugu timaado maxaad samayn lahayd?

“wadnuhu fugtaasuu I hayaa” waxa iga soo dareeray dhidid kulul iyo ilmo{oohin} xanuun badan .

Gaaridii way amakaagsan tahay! Balse iyada oo aanaan weli wada hadlin ayay I dhaaftay, aniga oo si habayac iyo jiitan ka muuqdo u soconaya ayaan u luuday xagaa iyo gudaha guriga, waxana hadal iigu danbaysay hooyooy meel aan jiifsado ii gogol, anigoo dawakhsan ayaa isku tuuray meeshii la ii goglay wixii saacadaa ka danbeeyeyna ma garan karo dareenkaygu sidii uu ahaa. Waxa aan sii xasuustaa roob tiix-tiixayey ka hor intaanaan soo geli gurada guriga, waxaan sii xasuustaa hooyaday oo leh alla hoogaye maxaa wiilkaugii asiibay xilligan?

Gabadhii waxay si toosa u dhex mushaaxaysaa inta u dhexaysa beerka iyo wadnaha! Waxa aan maqli jirey xuural cayn” tollow ma xuural cayntii oo jannada fasax ka soo qaadataybaa? Istaaq furalla xuural cayntu maxay ifka ka soo doonaysaa? Saacado kadib waxaan dareemay inaan caafimaad qabo, laakiin waxa igu soo siyaaday maahsanaan iyo xasuus xoog badan oo ay yartii noloshayda ku reebtay! Waxa aan isku ciil kaan biyaa maxaad ula hadli weyday gabadhaasi ku durtay ee naftaada jiidatay? Miyay qurux badnayd inaan la hadlo gabadhaasi? Akhriste adigu ma aragtay gabadha aan sheegayo? Haddii aad aragto maxaad ku odhan lahayd? Maxaan sameeyaa hadda? Haddaan fariin kuu dhiibo ma u geynaysaa gabadhaas? Bal xasuuso noloshaada inaad maalina aragtay gabadha aan sheegayo. Miyaad aragtay ?!! malaa jinbay ahayd!!!!!!!!!

Dhamaad.

Shan Agaasime Waaxeed Oo Ka Tirsan Telefishanka Qarranka Iyo Dhammaan Shaqaalaha Telefishanka Oo Waraaq Ay U Qoreen Madaxweyne Siilaanyo Ugu Sheegay In Haddii Khadar Cali Gaas Dib Loogu Soo Celiyo Ay Shaqada Uga Tagayaan Iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan Oo Gambo U Xidhatay Inay Badbaadiso Khadar Cali Gaas

$
0
0

Arbaca 04 Dec 2013 Hargeysa (Halbeegnews)– Shan Agaasime waaxeed iyo madaxyadii qaybaha telefishanka afka xukuumadda ku hadla ee loo yaqaano SLNTV ayaa maanta waraaq wada jir ah waxay u qoreen madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ugu sheegayaan in haddii uu agaasimaha shaqada laga joojiyey ee telefishankaasi Khadar Cali Gaas shaqada dib ugu soo laabto ay marka iyaguna shaqada ka tagayaan, iyagoo sheegay inaanay gebi ahaanba la shaqayn karayn.laba laba

Waraaqdani ayaa waxay sii durkisay rajadii uu qabay Agaasimaha lagu eedeeyey musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ee shaqada laga joojiyey Khadar Cali Gaas, oo tan iyo markii shaqada laga joojiyey aan saacad qudha dabada dhulka saarin isla markaana iskaga dab qaadaayey xarunta wasaaradda waxbarashada iyo hoyga ay wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ka degentahay Hargeysa.

Sida Halbeegnews loo xaqiijiyey,  xallaytoole ayaa madaxweyne Siilaanyo wuxuu si isku mid ah ula kulmay wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Daahir Cukuse iyo agaasimaha lagu eedeeyey inuu musuq maasuqa dhex dabaalanaayey ee uu shaqada ka joojiyey Khadar Cali Gaas, waxaana labada nin ay madaxweyne Siilaanyo hortiisa mid weliba ka hor jeediyey garnaqsi, isagoo madaxweyne Siilaanyo u garaabay wasiir Cakuse.

Xog aanu ka hellay kulankaasi ayaa Halbeegnews u xaqiijisay in Wasiir Cukuse uu si gun ilaa baar ah u taabtay musuq maasuqa iyo eexda aafaysay telefishanka afka xukuumadda, isagoo ku soo bandhigay kulanka waraaqo iyo caddaymo muujinaya arrintaaasi, waxaana la sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu madaxa dhawr jeer hoos u ruxay isagoo aad ula yaabay heerka musuq maasuqa uu Khadar Cali Gaas gaadhsiiyey xaruntii telefishanka afka xukuumadda ku hadla.

Dhinaca kalana Marwada wasiirka ka ah xarunta wasaaradda waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna dhawrkii maalmood ee Khadar Cali Gaas shaqada laga joojiyey aan ka cag dhigin xafiiska madaxweynaha, iyadoo la sheegay inay olole laxaadleh u gashay inay ku qanciso madaxweyne Siilaanyo sidii Khadar Cali Gaas shaqada loogu celin lahaa, waxaana ay isla shallay kulan la yeelatay wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse iyadoo si hoose uga dalbatay inuu Khadar Cali Gaas markan saamaxo, arrinta musuq maasuqana la danbabaro isla markaana la siiyo fursad labaad.

Wasiir Cukuse oo tan iyo intii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi tallaabada uu qaaday tahay mid wax ku ool ah oo badiba ay u riyaaqeen shaqaalaha wasaaradda ka shaqeeya, gaar ahaana kuwa ka hawl gallaayey telefishankaasi oo muddadii Khadar Cali Gaas joogay ay cadaalad darrada, eexda iyo musuq maasuqiisu saamayn weyn u gaysteen ayaa iyagu noqday kuwo tusaale u noqday ka dhiidhinta fool xumooyinka lagula kacay, waxaanay muujiyeen geesinimo baaxadleh oo ay kala hor tageen shakhsiyado uu ka mid yahay Agaasimaha fashilmay ee telefishankaasi Khadar Cali Gaas oo doonaayey inuu hab qabiil u bedelo, musuq maasuqa iyo fadeexadda dul hoganaysa.

Wasiir Cukuse ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka waxbarashadaba sida ay Halbeegnews xogta ku hellayso ugu hal qabsaday in aanay jirin meel uu ka maro shaqaalaha telefishanka oo iyagu taagan kala dooro Agaasime Tahriib ah iyo anaga.

Balse dhibta taagan ayaa ah Marwo Samsam Cabdi Aadan oo dul ahaan dad badani ixtiraam badan u qabaan, isla markaana lagu ammaano isbedelkii baaxadda lahaa ee ay ku samaysay nidaamka waxbarashada Somaliland, ayaa haddana dhinaca kale waxay qaab ehelnimo uga tallaabi laadahay inay difaacdo Khadar Cali Gaas oo fadeexad musuq maasuq tii ugu xumayd abid taariikhada wasaaradda warfaafinta ay dul hoganayso.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Viewing all 3922 articles
Browse latest View live