Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all 3922 articles
Browse latest View live

Taliyaha Saldhiga Booliiska ee Madaarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay Inay Qabteen Hub Fudud Oo La Damacsana In Diyaaradaha Lala Koro

$
0
0

taliye

Sallaasa 14 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Masuuliyiinta Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay inay 3-dii bilood ee u dambeeyay madaarka Hargeysa ku qabteen 82 Shay oo hubka fudud ah, kuwaasi oo waxyeelayn kara dad tiro badan.

 Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Cigaal, ayaa saxaafadda u sheegay inay qalab khatar ah oo ka dhan ah Amaanka madaarka ay ku qabteen afaafka hore ee Madaarka laga soo galo. Waxa uu dadka Madaarka soo galaya iyo gaadiidka uga digay inay isku dayaan inay wax amniga khatar galin kara la soo galaan Aagga madaarka.

“Qalabka aanu qabanay waxay iskugu jiraan Faashash, Toorriyo,Waxaa ku jira Warmo,waxaa ku jira wax laga sameeyay baangeyaal dhaadheer, waxaa ku jira bahalo laga sameeyay Kammaanno, waxaa ku jira Baaskoolado, dhamaan qalabkaas waxaanu ku qabanay kadinka hore ee Madaarka laga soo galayo” ayuu yidhi Taliyuhu.

 Taliyaha Saldhiga Madaarka Kabtan Saalax Caarshe, ayaa Sharci darro ku tilmaamay in qalabkaasi lala soo galo Madaarka Hargeysa “Waxaa Sharci darro ah ama Mushkilad ah in Qalabka noocaas ah ee khatarta ku ah amaanka, inuu qofku ku soo talo galo inuu Madaarka la galo, isagoo doonaya inuu garoonka hawl ka qabsado”

 Kabtan Saalax Caarshe, ayaa sheegay inay amaanka Madaarka kor u qaadeen islamarkaana aanay suuroobi doonin in qof la soo galo Maqas, isagoo sheegay in cidkasta oo lagu qabto Qalab amaanka waxyeeli kara sharciga la horgayn doono.

Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com


Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Madaxweyne Ku Magacaabay Agaasimaha Haayadda Qurbe Jooga Somaliland

$
0
0

president silanyo

Sallaasa 14 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)– Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, ayaa lagu magacaabay Agaasimaha haayadda qurbe joogta Somaliland, waxaana loo magacaabay xilkaasi Mudane Cabdi Cabdilaahi Xirsi oo ah nin aqoonyahan ah, hoos ka akhriso Digreetada:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:         Ahmiyadda Wakaaladda Qurbjoogga Qaranku u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:        In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

 

Daawo Video Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Canada

$
0
0

Arbaca 15 April 2015 Toronto (HALBEEG)– Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa booqasho lugtiisii labaad ku tagay magaalo madaxda dalka Canada ee Toronto oo si weyn loogu soo dhaweeyey booqashada uu ku maraayo Waqooyiga Amerika, hoos ka daawo

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Daawo Video: Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Ku Dhawaaqday Olole Cashuuur Uruurin Ah Safarna Ugu Baxday Gobolada Dalka

$
0
0

Arbaca 15 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)– Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ku dhawaaqday todobaadyo cashuur uruurin qarran, iyadoo safarna ugu baxday gobolada dalka hoos ka daawo:

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Server-kii samayn jiray Baasaaboor Somaliland-ka ee Soo Saari jiray Malaayiinka Doolar oo u Gubtay Marawaxad La’aan Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Qarranka Oo Ku Fashilmay Hawlahii Uu U Xil Saarna

$
0
0

“Ilmo 12 jir Kelyuhu istaageen oo u Cadilan Baasaaboor La’aan

passport machine

Arbaca 15 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Server-kii samayn jiray baasaaboor Somaliland-ka ayaa u gubtay marawaxad la’aan kadib markii kulaylka jiilaalku kariyey qolkii uu yaalay, waxaanay dhacdadadaasi sababtay in gabi ahaanba la waayo baasaaboor Somaliland.

Server-ka gubtay ayey xukuumadda Somaliland soo iibsatay sanadkii hore iyadoo ku bixisay qanadaraas ay ku baxday lacag aad u badan, waxaana la dhigay xarunta Laanta Socdaalka, halkaas oo ay wasaaradda Maaliyaddu kaga urursato maalin kasta dakhliga uu ka soo saaro baasaaboorka uu daabaco-ba.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ay wasaaradda Maaliyaddu ka heshay lacag malaayiin ah maadaama baasaaboorkiiba ay siiso boqol iyo Lixdan Dollar, taasoo ka badan tii ay Xukuumaddii Rayaale ku Iibin jirtay, sidaas oo ay tahayna sababta uu u gubtay ayaa ah mid ka dhalatay marawaxad la’aan ku habsatay qolkii uu yaalay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku weyday dakhli aad u badan oo dadka laga qaadi jiray, taas bedelkeedana waxay dadweynuhu ku waayeen adeegii baasaaboor ee ay ka heli jireen, kaasoo ay ugu safri jireen dalal kala duwan oo ay danahooda kaga soo qabsan jireen.

Dad gaadhaya illaa toddobaatan qof ayaa shalay isa soo hor tubay xaruntla Laanta Socdaalka, kuwaas oo doonayey baasaabooro u xaraysnaa si ay u qaataan, hase yeeshee waxay ogaadeen in uu Gubtay Server-kii baasaaboorka soo saarayey-ba waxaanay ka hor sameeyeen cabasho.

Dadka dhibta ugu weyni kala soo daristay baasaaboor la’aanta ka dhalatay Server-ka gubtay waxa ka mid ahaa wiil 12 jir ah oo ay Kelyuhu taagan yihiin, kaasoo hawl caafimaad ugu bixi lahaa dalka dibadiisa, hase yeeshee nasiib darro isagoo lacagtiisa la baxaya ayuu la’yahay baasaaboor Somaliland uu ku dhoofo.

Lama oga goorta iyo xilliga dib loo kicin doono Server-kan wallow ay ka dayrinayaan dadka aqoonta u lihi sida iyo goorta lagu soo iibin doono Server cusub maadaama sida xoguhu sheegayaan uu gubtay Serverkii hore. Dhacdadan iyo kuwo kale oo ka jira goobaha adeegyada Bulshada ayaa lagu war helaa uun marka albaabadu u laabmaan, waxaanay inta badan ka timaadaa Dayac iyo maamul xumo ka timaada hay’adaha masuulka ka ah ama shaqaalaha gacanta ku haya oo aan ku helin daryeel iyo dabagal ay kaga helaan madaxdooda.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo La Degay Waaxdaasi, iyo Waaxda Oo U Baahan In Qof Xilkas Ah Aqoona U Leh Loo Magacaabo

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa la degay hawl maalmeedkii shaqo ee laantaasi, iyadoo laantu ay la tacaalayso maamul xumo galalaftay hawl maalmeedkii shaqo ee laanta socdaalka qarranka Somaliland.

Hawl-wadeenadda laanta socdaalka Somaliland ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey isla markaana usoo jeediyey madaxweynaha Somaliland Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha gudahu inay dibu habayn ku sameeyaan hawlaha laanta socdaalka Somaliland, isla markaana ay masuul cusub usoo magacaaban.

Taliyaha haatan Maxamed Cali Yuusuf ayaa ah nin aad u cuna geedka qaadka, isla markaana aan badiba ka soo xaadirin xafiiska.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Musuq Maasuqii Ugu Dara Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Faraha Kula Jiraan, Lacagtii Loogu Tallo Gallay Dacaytirka Mishiinka Sameeya Baasabooradda Somaliland Oo Wasiir Warancadde Iyo Taliye Canbaro Kala Qaybsadeen Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Diiday Inay Bixiso Kharashka Dayactirka

$
0
0

warancadde iyo canbaro

Arbaca 15 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)– Ceebtii iyo fadeexaddii ugu xumayd ee dhinaca musuqa iyo wax is daba marinta ayaa dul hoganaysa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mr. Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro).

Sida hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda maaliyadda Somaliland ay shabakadda HALBEEGEWS u xaqiijiyeen kharashka lagu fuliyo baasaboorka Somaliland ayaa dhan $155 dollar halkii baasaboorba, lacagtaasi ayaa $10 oo ka mid ah waxaa lagu shuba sanduuq xisaabeed ay gaar u maamulaan wasiirka daakhliga Warancadde iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Canbaro, lacagtaasi $10 ah ayaa loogu tallo gallay in lagu dayactiro qallabka lagu sameeyo baasaboorka Somaliland haddii sida hadda ku dhacday oo kale ay cilladi ku timaado.

Baasaboorkii Somaliland ayaa muddo laba usbuuc ku dhaw wuxuu hadda u fadhiyo cillad ku timid marwaxadahii daabici jiray boggaga uu baasaboorku ka koobanyahay, waxaana habayaraate sanduuq xisaabeedkii lagu keydin jiray lacagta $10 dollar ah laga waayey lacagtii ku jirtay.

Xadka Musuq Maasuqa

Lacagtani keydka ah ee $10 oo la keydiinaayay shantii sannadood ee ugu danbeeyey ayaa qadarkeeda lagu qiyaasay ilaa 1.2 Malyuun oo dollarka maraykanka ah, wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo uu wehelinayo Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) ayaa usbuucani waxay codsi u gudbiyeen wasiirka maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ay ka codsadeen inay bixiso kharashka lagu dayac tiro mashiinkani cilladu ku timid, balse Marwo Samsam ayaa ganafka ku dhufatay waxaanay labada masuul weydiisay inay is weydiiyaan lacagtii $10 ahayd ee loo keydin jiray dayactirka qallabka baasaboorku halkay martay.

Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo ka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa khilaaf weyni ka dhex taaganyahay, iyadoo Marwaduna dacwad ka dhan ah arrintani musuq maasuqa u gudbisay madaxweyne Siilaanyo.

Ceebta Musuq Maasuqani

Sida xubno ka tirsan xafiiska hanti-dhawrka guud ee qarranku ay HALBEEG u xaqiijiyeen lacagtani 1.2 Malyuun ee dollar ah ayaa looga shakisanyahay inay musuq maasuqeen isla markaana ay sanduuq xisaabeedka kala bixi jireen wasiirka daakhliga Mr. Warancadde iyo Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Mr. Canbaro.

Sida xubno ka tirsan waaxda socdaalka Somaliland ay HALBEEG u xaqiijisay lacagtani ayaa in muddo ahba waxaa si siman u qaybsan jiray wasiir Warancadde iyo Taliye Canbaro.

Tallaabo Ma Qaadan Doona Hanti Dhawrku

Hanti dhawrka guud oo lagu dhaliilo dabacsanaan iyo jileec farabadan, ayaa looga fadhiya hadda inay baadhitaan ku sameeyaan halka la geeyey lacagtii $10 ahayd ee loogu tallo gallay marka sidani oo kale ku dhacdo qallabka lagu farsameeyo baasaboorka Somaliland in lagu dayactiro.

Fadeexadani ayaa haddii hanti-dhawrku ku fashilmo inuu si daacad ah u baadho waxay marka caddaynaysa in Somaliland uu musuq maasuqu biyo dhigay.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Jidka horumarka aan dheeli tirnayni, waa dariiqa dawlad xumada muddada dheer

$
0
0

come on

Somaliland waa dal leh dawlad shaqaynisa oo ku faani karta in amaan keedu sugan yahay, oo ay xakamaysay budhcad badeeda iyo hawlgallada Shabaab oo wadamda jaarku khaaratiyaan ka joogaan. Waa dal ku dhaqma dimoqraadiyad luudisa oo maamulka ku kala wareejista hab doorasho, waxa ay kula nooshahay dariskeeda nidaam dawladnimo iyo iskaashi sirdoon.

Somaliland waxa ay soo martay marxalado ka la du duwan oo mid waliba duruufaheeda leh, waxa ay gaadhay guulo isdaba jooga 24 Sano ee ay jirtay. Ka soo bilaw hub ka dhigistii, dibu dajintii dadkii qoryaha qaatay xilligii dagaalka iyo asaasaaskii haayadaha iyo haykalka dawladnimo oo ahayd marxaladii ugu adkayd oo uu hormood ka ahaa madaxwaynihii hore Cigaal. Waxa ka mida aasaaskii ciidanka policeka, qaranka, iyo dhamaan haayadaha dawladda ee maanta shaqeeya. Xaaladii kala guurka axdi qarameedkii ilaa dal dastuur loo codeeyay leh.

Waxa xusid mudan madaxwayne Rayaale oo fuliyay qorshihii xilligii kala guurka ee dalka dimoqraadiyadda uu u hayaamayay kana guurayay nidaamka axdi qarameedka oo loo guuray in dastuurkii lagu dhaqmo iyo qabashadii doorashooyin xor iyo xallaala.

Dawladda tallada dalka maanta haysaa waxa ay culayska saartay in dalku horumar gaadho baaxad wayn oo ay ugu horayso wadooyinka gobollada oo la dhaqaajiyay, miisaaniyada oo la kordhiyay, sahaminta shidaalka iyo macdanta.

Laakiin su’aashu waxa ay tahay horumarka Somaliland waa side, muxuu galdalolooyin leeyahay si mustaqbalka loo saxo, oo loo helo horumar dheeli tiran (sustainable development) oo ah horumarka kiisa waari kara sida taariikhda adduunku ina barayso, waxa aan jecelahay in aan idinla wadaago ceebaha ii muuqda ee horumarkeena ka muuqda:

Waxa aad moodaa in dawladu kolba cida cabata, galaan gal leh ama buuqa badan ay kolba baahideeda ka jawaabto ama xilal u magacawdo, taas oo dhiiri galin karta in reer waliba taayiro gubo ama uu ciidan samaysto marka ay arkaan waxa ay soo kordhin karto. Hab maamulkan waxa loo yaqaan (crises management) oo ah habka maamul ee ugu liita loona yaqaano damdamiska oo kolba loo cararo xalka ay wax ka dhacaan.

Waxa aynu caan ku nahay in aynu bilawno hawl gal horumarineed oo aan lahayn asaaskii siyaasadeed iyo sharcigii lagu maamuli laha, taas oo ku xasuusinaysa maahmaahdii saan caddaalaha ee ahayd “The Cart comes before the horse” buudhiga oo laga horay siiyo dameerka tusaale ahaan Wasaarada Macdantu way dadaashay lakiin waxa ka maqnaa siyaasadii, sharcigii shidaalka iyo dakhli qaybsiga shidaalka, sidii dakhliga loo qaybsan lahaa deegaanka iyo dadka kale, tani waxa ay cadayn la hayd deegaanka macdanta ama shidaalka laga helay muxu xaq dheeraada leeyahay si aanay ugu baahan in ay qoryaha la soo yaacaan ama ay TVga uga dhurmaan.

Waxa aad arkaysaa in iskuulada laga dhiso meelo aan cidiba uga baahnay oo inta badan ay ku xidhan tahay cida meesha ugu jirta ama wasaaradda madaxda ka ah oo mashruuc walba yidhaahda hala geeyo deegaankiisa. Waxa Somaliland ka jira in galaas qudha ay ku wada dhigtaan afraad iyo shanaad, taasi waa ceeb iyo wax laga naxo, in deegaanada qaarna lo’da iyo riyaha lagu xareeyo iskuulada markii cid dhigata la waayay. Fiirso sawirkan.

Dugsiga dhexe ee Balli-cabane

Hoos u dhaca ka jira waxbarashada dawladdu maamusho oo aanay dhigan carruurta dadka ladani, ku waas oo loo diro iskuulo lagu dhigto lacag ka badan ta Jaamacadaha lagu dhigto, tani mustaqbalka waxa ay keenisaa kala tagsanaanta dadka saboolka ah iyo dabaqada dhexe oo noqon doonta mushkilad wayn hadaan imika wax laga qaban meel fogna laga raadin doono.

Shaqooyinka dawlada oo aan la xayaysiin oo si daaha daba diisa ah uun loo qaato, taasi waxa ay sababisaa dadka ladan ee Hoteelada madaxdu habeenkii ku cawayso taga ee ay ka mid yihiin tijaarta, salaadiinta iyo dadka dabaqada dhexe ee loo yaqaan ay kala goostaan si farsamaysan (Elite) waa dadka loo yaqaano kudlada ama gofanayaasha dawladdaha oo aynu inagu u naqaano dawlad ku nool oo hadaan la xakamayn qaranka aan u fiicnayn mustaqbalka fog, maan sheegin mustaqbal ka dhaw oo ay noqon karaan dayr layskaga dhigo cabashada bulsho waynta.

Qaybinta miisaaniyada qaranka oo aan xikmad faro badan ku dhisnayn oo aad arkayso in miisaaniyadda in la gu kordhiyaa ay ku xidhan tahay qofka aad tahay iyada oo aan la eegin Wasaaradda baaxaddeeda iyo waxa ay bulshada u qabaniso, waxa ay hayd in miisaaniyadda lagu saleeyo bar tilmameed keena oo sugan iyo waxa aynu muhimada siinayno sanad walba.

Waxa aan qoray markii dawladan Kulmiye hoggaan dalka la wareegtay maqaal la odhan jiray Somaliland xagay ku socotaa oo diirada aan ku saarayay in dalka loo sameeyo qorsho qaran lakiin maanta waxa aan leeyahay ha laysku daro Wasaarada Maaliyadda iyo Qorshaynta, si qorshaheena iyo hawl qabadkeena meel looga wada maamulo taas oo aan filayo in ay meesha ka saari doonto qorshe fiican iyo hawl qabad aan is la hayn.

Bare iyo La taliye: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

hhmadaxyare@yahoo.com; + 252634418302

Ogaysiis Muhiima: Habeenkii Seattle USA & Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamal Ali Hussien

$
0
0

ina cali

Ogaysiis Muhiim Ah:-

Oo ku Socda Taageerayaasha Xisbiga UCID Iyo Dhamaan Jaaliyadda
Somaliland ee ku nool Nawaaxiga magaalada Seattle, WA. USA In la qaban
doono Xafladii La Kulanka Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID
Mudane Jamal Ali Hussien oo ka dhicidoonta magaalada Seattle,
Washington USA maalinta Saturday April 25, 2015 Wakhtiguna waa 6:00
pm.

Fadlan sidii caadadu inoo aheyd marka ay inoo yimaadaan madaxda
Qaranka & Xisbiyadu, waa in laga soo qeyb galo soo dhaweynta &
xafladaba.

Xaflada waxa lagu qabanayaa:

Embassy Suites

15920 West Valley Hwy

Tukwila, WA. 98188

Saturday April 25, 2015 Time: 6:00 pm

Guul & Gobonimo Somaliland

Mahad Oo Dhana Illaaha Weyn Ee Waaxidka ah baa Iska leh.

For Information please contact:

Cabdalle Cakule Rashiid Caraale

cakule@hotmail.com rarale@msn.com

206-235-0090 206-793-2314

Afhayeenka UCID Gudoomiye


Lammanihii soomaalida Qallinkii Jibriil Jirde Cabdi

$
0
0

jibriil

Maqaalkan kooban waxa aan holladay in aan qoro, markaan akhriyay maqaalka lammaanihii singapore ee uu qoray guuleed ibraahim yuusuf

Xasan iyo xamda waa dhalinyaro ku heshiiyay in ay yagleelaan nolol guur. Xasan waxa uu jiraa 26 sanno. Mataantiisa jaceylka la daadihisaana waxay ka yar tahay laba gu. Shahaadadii u horeysay (Bachelor Degree) waxa uu ka qaatay jaamacada hargeysa( university of hargeisa), waxa uu bartay cilmiga dhaqaalaha(Economics) waxana bishan uu shaqo ka bilaabay wasaaradda maaliyada(ministry of finance). Xamda waxbarashada waxay ka hadhay markii dugsiga sare ay dhamaysay oo ay weyday awood ay tacliinteeda ku sii wadato, halkaas oo ahayd meeshii xasan ay isku barteen jaceylka waalida ahna ay iskugu qaadeen, muddo sanad ku siman ayay ka shaqaynaysay haayad ku hawlan la talinta arrimaha qoyska ,halkaas oo ay ka tahay xoghayn(secretary)

Lammanahan oo ah lammaane kas iyo karti badan, hamigooduna aad u sareeyo ay isla qaateen inay muddo sannad gudaheeda isku guursadaan dermo dalaalimo lehna ku wada dakeeyaan.                 Heshiis aan jabin ayay dhigteen, mid kastaana waxa uu cindiga ku qabtay in si naf hur leh loo shaqeeyo si loo gaadho qorshaha la qotomiyay lagana ilaaliyo falalowga, farac_faraca iyo falaadhaha nacabka si aanu jaceylkoodu u dhicisoobin.

Wakhtigii ay ardayda ahaayeen maalin walba way isku arki jireen iskuulka laakiin inay sheedda(meel fog) iska arkaan mooyee ma`ay kulmi jirin,toddobaadka dhammaadkiisana addaaba sheegaya! Ismay arki jirin waayo xamda xaafadoodu umay ogolayn inay baxdo iyada oo aan tageyn goob waxbarasho. Hayeeshee waxay in badan sidii eeridhaban isaga ooyi jireen taleefanka ahaana rafiiq riyadooda rumeeya.

Mushaharka ay ku shaqeeyaan waa fiican yahay kuna filan yahay nolashooda mustaqabalka ee ay dajiyaan mar walba, niyadana ay ku hayaan se Nasiib darro iyo Nasiib wanaag mid ay tahayba, xasan waxa mushaharkiisa si toosa ugu tiirsan reerkooda oo uu ugu weyn yahay, xamdana waa la mid. Arrintanina waxay dhabar-jab ku tahay qorshahooda musataqbalka, guri hantiya inay helaan, gaadiid u fududeeya hawlahooda iyo ku noolaanshaha badhaadhe iyo barwaaqo.

Dhibtu waa furaha fikirka e lammaanahan isku cindani waxay iskugu yimaadeen falanqayn, fikir iyo sidii ay tagoogaha uga jabin lahaayeen timmaadadan, iyaga oo illaahayna tallo saaranaya ( Alla Aamin ma iisho e) waxay himilooyonkoodii u kala horeysiiyen sidan.

1. Inay is guursadaan sanad ka dib.

2. Inay ku sii aqal galaan guri kiro ah, laba sanno ka dibna dhistaan guri 5 qol ah oo qiimihiisu yahay $35,000.

3. Inay isku dhalaan shan carruur ah, laba kastana ay kala waynaadaan 2 sanno.

4. Inay waajibaadka xajka soo gutaan shan sanno ka dib.

Haa , hubaal lammaanahan rumaynata hiigsigoodu waxay ku xidhan tahay sida ay u qorsheeyaan dakhliga soo gala iyo siday u isticmaalaan. Marka la eego dakhliga soo gala, kharashka ku baxa iyo waxay hiigsanayaan suurta-gal uma aha inay yoolkooda si dhakhso ah u gaadhaan.Si qorshahooda qumman ay u gaadhaan , xasan galinka dambe ilaa habeenkii waxa uu noqday macalin taas oo kordhisay dakhligooda,waxay dhimeena kharashkooda.

Yoolalkooda oo midba kan kale u dhigmo ayay sidoodii u wada daayeen,lammaanahani intay dadaaleen ayay haddana dalanbaabiyeen, intay dibireen ayay haddana dalfoof noqdeen, intay degdegeen oo kala daadan gaadheen ayay haddana dajiyeen. Way wada haasaawi jireen , wayna wada ooyi jireen ,way wada boholyowi jireen wayna wada muusanoobi jireen, waayo waxa hayey jaceyl hanaqa iyo halbawlahaba jaray, hantiyay qalbiyadooda kuna abqaalmay lafaha iyo dhuuxa, midkoodna ma gam`I jirin ilaa uu kan kale la soo xidhiidho kuna dul ooyo.

Xasan iyo xamda waxay dhex jibaaxaan maalmahaa macaanka iyo qadhaadhkaba isugu jira,waxa soo dhawaatay aqal-galkoodii,tabaabushahoodii way kordhiyeen,hurdo la`aantoodii waa halkeedii, werwerkoodiina waa batay—-   — — —- – ————-waa batay—- —- —- ————-laakiin kumay hungoobine way ku reeyeen,hirgaliyeena hadafkoodii ahaa nolo guur, iyaga oo degay guri kiro ah sidii qorshuhu ahaa.

Hadda xasan iyo xamda waxay isku noqdeen sey iyo oori wadaaga wanaag, walaalnimo iyo wad- jir.                                               Waxa hirgalay qorshahoodii ahaa in muddo sannad ah ay isku guursadaan, waxa isna sidiisa loo hirgeliyay qorshihii ahaa caawinta xaafadahooda. Guurku waa barako e, muddo laba bilooda markay is-qabeen xasan waa dallacay waxana u noqday agaasime (DIRECTOR) taas oo kordhisay dakhligoodii qorshayaashoodina ku abuurtay ididiilo.

1. Muddo labo sanno ah markay is –qabeen waxa u dhashay ilmahoodii u horeeyey loona bixiyay MAXAMED

2. Miuddo saddex sano ah markay is-qabeen waxa rumoobay qarshahoodii ahaa guri hantiya

3. Muddo afar sanno ah markay is- qabeena waxa u dhashay ilmahoodii labaad looguna wan-qalay HIBO.

Immika waxay is-qabaan muddo 5 sanno ah waxa aan u suura-galin oo dhicisoobay qorshihii ahaa inay soo gutaan waajibaadka xajka, sababo la xidhiidha xanuun ku yimi gabadhooda yar ee HIBO,waxay niyada ku hayaan inay sanadka soo socda hirgaliyaan.

Xamda imika waxay bilawday jamacada,seygeeduna waxa uu ku guda jiraa Master-degree,waxaana hiyiga ay ku hayaan in carruurtoodu ku noolaato nolol hodan ah, barwaaqo ah,helaana waxbarasho tayo saro leh

Gebagebadii xasan iyo xamda waxay meelmariyeen riyadoodii,waxay riyoodeen iyagoo aad u da`yar waxaanay rumeeyeen iyaga oo aad u da`yar. Hadda xasan da`diisu waa 32jir, lamnmaantiisuna waa 27jir.             Qorshahoodan way u daaleen, u dalanbaabiyeen una duqoobi gaadheen fikir aawadeed.                                                     Kuwaasi waxa ay ahaayeen lammaane soomaali ah, lammaanaha soomaaliyeed waxay la mase yihiin lana siman yihiin lammaanayaasha kale ee dhigooda ah dhinaca qorshaha iyo dhinac walba balse waabay ka xag-jiraan ee kama hooseyaan.

                 EMAIL: jirde40@hotmail.com

                  FACEBOOK:jibriil jirde

Waa in Shacabka Somaliland Muujiyaan Diidmo ka dhan ah Dhaxal wareejinta Dekeda Berbera oo ku beegan Waqtigan kala guurka ah Qalinkii A/rahman fidhinle UK

$
0
0
berbera
Waxaa nasiibdaro ah in xukuumadani nidaamkii dawladnimo ubedeshay Hab-shirkadeed Ganacsi ah oo gacan wadaag ah. Waxaana kaaga markhaati ah isbaaradaii ay Dekeda Berbera u dhigtay Baabuurta ee shacabku ku diiday ee ay ku fashilantay xukuumadu dhawaan. Dastuurka qaranka ayaa damaanad qaadaaya oo qeexaaya in hadii ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 6 bilood aaney maalgashi caalami la geli karin shirkadaha Caalamiga ah ee aduunka. waxaana waqtigan uu wadanka JSL ku jiraa waqti kala guur ah maadaama ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 3 bilood mudo xileedkii loo doortay dalka, sidaa daraadeed Shirkado  caalami ah heshiis lama geli karto waqtigan xaadirka ah. Hadii ay xukuumadu isku daydo in ay Dekeda Berbera shirkado ku wareejiso waqtigan kala guurka ah ee ay xukuumada u hadhay 2 bilood iyo badhka waa in  shacabka reer Somaaliland ha ka horyimaadeen oo ka dhiidhiyaan go’aankaa ay xukuumadu dooneyso in ay ku wareejiso Dekeda Berbera dhawaan.
Somaliland waa wada qabyo oo ma dhameystirna dhamaan xeerarkii iyo shuruucdii maalgashiga caalamiga ahaa looga baahnaa , Tusaale ahaan Somaliland Waa qabyo oo ma dhameystirna xeerarkii adkeyn lahaa seeska cadaaladeed ee Maalgashiga hantida maguuranka ah ee Qaranku sidaa daraadeed JSL ma laha:
1- Shuruuc iyo Xeerar dhamaystiran oo Maal-gashi ( Halka Wax ka bedelista iyo kaabista xeerka maalgashiga ee JSL uu mudo dheer yaalay Golaha Wakiilada oo uu dhasku ku dhacay ) taas oo xukuumadu damacsan tahay hada in ay ka faaideysato.
2- Somaliland ma laha Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas oo damaanad qaad iyo magdhowba bixiya hadii khasaare dhaco.
3- JSL ma laha Maxkamado tayo leh oo madax banaan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismari waa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga  sida aynu ka dheregsanahayna  maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba  waa iib sida waxbarashada iyo caafimaadka .
4- Amniga oo sugan min bari ilaa galbeed taas oo ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku sameyso Qiimeyn amni oo sugan oo isku wada halbeeg ah.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta  ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan,taas oo maanta la isku wada raacay in xukuumadani musuq-maasuq hadheeyey oo ay noqotay xukuumad xaaluf daaq ah oo dhoobo qaad ah.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo  sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee is ishuwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo  cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo “  oo macnaheedu yahay in xukuumada iyo dilaaliinteedu  ay dha-dhamo dheecaan siistaan oo Dilaalis iyo Aduun buuran laga dhufsado shirkadaha quud dareynaaya in ay la wareegaan Dekeda Berbera.
Waxaa Shacabka reer Somaliland ka dheregsan yahay Heshiisyadii tirada beelay ee mugdiga iyo mad-madowagu ku meersanaa ee ay xukuumadu la gashay Shirkadaha badan ee Shidaalka sahamiya ku waas oo hada ciidan loo sameystay  oo aan weli la horkeenin Golaha Baarlamaanka si ay shaqadooda uga gutaan oo u ansixiyaan. Hadaba waxaa qalad ah oo qadaf ku ah sunaha dawladnimo sifaha is bar-bar yaaca ah ee Dilaalista loogu weeraray ee loo weeteeyey shirkadahan quud daraynaaya in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera , kuwaas oo ay ka midka yihiin;
1- Bollore oo Fransis ah
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
 Shirkadahan waxaa u dus dusay oo udabo marteeyey Gudidii loo xil saaray si ay Dilaalis buuran uga qaataan shaqsiyaad ku xidhan xayndaabka madaxtooyada oo aan wadanka xilal ka haynin. iyada oo hada lagu jiro waqti kala guur ayaa xukuumada Siilaanyo badka soo dhigtay in Hantidii maguuraanka aheyd ee dalka la xaraasho oo ay kula shuraakowdo Ganacsato ku saleysan is xulafeysi iyo isxaafadeysi waxaana horumarkii qaranka adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq baahsan taas oo meesha ka saartay xalibnaantii, xilgudashadii iyo isxisaabintii dawladnimo.waxaana ay arintani ay nusqaan iyo haybad la’aan ku tahay haykalkii dawladnimo.
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Xukuumada Siilaanyo oo mudo xileedkeedii dastuuriga ahaa ay hada uga  hadhay 75 maalmood oo keliya ma wareejin karto Dekeda Berbera ee qaranka Somaliland waqtigan xaadirka ah.  Waxaa kale oo shacabka reer Somaliland lala socodsiinayaa in aanay dhameystirneyn Somaliland sharciyadii iibinta iyo wareejinta hantida maguuran ee qaranku. Sidaa daraadeed Qarankani ma laha sharcigii  iyo xeerarkii adkeynaayey seeska cadaaladeed ee maalgashiga Hantida ma guuraanka ah ee Qaranka. Waxay xukuumadani ku caanbaxday Xaaluf daaq Dhoobo qaad ah oo aan waxna xeerin waxana ka xishoon. Waxaan Xukuumadan u soo jeedinayaa in ay ilaaliso maslaxada guud ee qaranka JSL oo ay ka waantoowdo in ay ilaha dhaqaalaha ee wadanka dhaxal-wareejiso una sadqeyso  in 4 dilaal ay masiirkii 3.5  Million ee reer Somaliland ay sida ay doonaan ka yeelaan oo dilaalis uun siistaan
 Shacabyahow Tiraa Kaa gedmane Wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

Waanu Is Qabnaaye Maxaanu Iska Jeclaan?

$
0
0

is jeclaan

Illahay ha u dambi dhaafee midka mida odayaashii soomaaliyeed ayaa la waydiiyay hebeloow islaantaada ma jeceshahay? wuxuu ku jawaabay( adeer maxaanu iska jeclaan waanu is qabnaaye).

Dhaqankii soomaalida ee hore shayga jacaylk la yidhaa dhaxdooda kumuu ahayn shay haybad ku leh ama inta badan laga sheekeeyo waayo waxa aad ka garaynaysaa sheekooyinkooda marka aad u fiirsato ,dumarka iyaga xishood iyo anshax fiican oo ay lahaayeen ayaa u diidi jiray in ay u badheedhaan ka waramid jacayl,ragana iyaga dhaliil ayayba ku ahayd in uu ninku yidhaa jacayl ayaa I haya ,taasina waxa sababay deegaanka iyo duruufaha ay ku noolaayeen oo ku salaysnaa ad adayg ,halgan iyo dagaal , in uu ninku calaalana way adkayd ,hadi la arkana ceeb ayay ku ahayd.

Ninka geela si fiican u soo dhaca ma reer hebel iska celiya ayaa badanaa amaan ku lahaa?

Waxa la yidhi odayaal soomaaliyeed ayaa meel aqal soomaali agtiisa geed ku dhawaa shir ku lahaa ,kadib waxaa soo agmartay islaan uu qabay mid kamida qolada shirka lahaa ,dabadeed inta ay u dhawaaqday ayay magaciisii ugu yeedhay,hebeloow ,hebeloow odaygii ayay cadho is madax maray inta uu usoo kacay ayuu ku yidhi(hada waxba hay waydiine gurigii hay noo ahaato ) dabadeed shirkii ayuu ku laabtay isaga oo ka xun sida ay islaantiisu ugu yeedhay ,markii uu gurigii tagay ayuu islaantii dhangadeeyay ,islaantii yaabtay xaaji shaydaanka iska naar maxaa ku daaray ayay ku qaylisay kadib waxa uu ku yidhi (maxaad magacayada noogu yeedhaysay dadka ayaa mooday in aynu is jecelnahaye).

Waxa aad qiyaasi kartaa sida uuna dhaxdooda naxariis ,jacayl iyo jiljilayc u dhax ool .

Hadaba aniga fikirkayga taasi waxa ay ka mid ahayd meelaha uu ku liitay dhaqankeenii hore ee soomaalidu ,lamaanaha hadii laga waayo is jacayl iyo naxariis dhaxdooda taala gurigii waxa uu noqonayaa xabsi oo kale ,meel aan laysku farxayn laysku naxariisanayn,lays xaal waraysanayn maxay dhaantaa xabsi .

Maanta oo magaalooyinka badi lasoo galay wali dhaqankaa waad arkaysaa,dadka wada nool badankooda aad uma fahansana xidhiidhka ka dhaxeeya waxa uu yahay ,iskamana war hayaan xataa mararka qaar gabadhu mataqaan ninka qabaa muxuu yahay ?

Gabadh shan ciyaala nin u dhashay ayaan waydiiyay ninkeedu waxa uu ka shaqeeyo ?waxa ay iigu jawaabtay (walaalo dee biilka wuu noo keenaa meel uu ka shaqeeyo ma aqaane ) hadalkan waxa aad ka dareemaysaa in uuna ninkani la sheekaysan gabadhiisa waxna waydiin iyaduna ayna waraysan .

Dhallinyarta dambe qaarkood iyaga oo aad moodo in ay casri iska dhigaan hadana wali uma bisla sidii ay u raali galin lahaayeen dumarkooda ,waxa aad arkaysaa wiil gabadh qaba oo ka khajilaya in uu suuqa la lugeeyo ama wax la soo iibiyo ,qaarkood iyaga oo kula fadhiya marka ay soo garaacdo waxa uu ula hadlayaa si karaahiyo ku jirto waayo niyad ahaan ayuu is leeyahay waa lagula yaabi .

Ugu dambayn waxaa muhiima in aad ka xoraydo in aad u noolaato cid kale waayo waxaa suuro gal ah in aad ku waydo farxadaada iyo ta qoyskaaga.

iskuna day sidii aad reer kaaga dhab ahaan ula noolaan lahayd ,u xaalwaraysan lahayd ,uga war wayn lahayd ,u jeclaan lahayd ,taasina waxa kugu dhiiri galinaya diintaa,caqliga wanaagsan iyo dadnimada .

Guuleed Axmed Xaashi(shaacir)

Gaaxnuug2013@gmail.com

Facebook:guled ahmed hashi (shaacir)

Hargeisa /Somaliland

 

Dalladda Midaysa Ururka Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Sweden Somaliland National Association In Sweden Oo Ganafka Ku Dhuftay Isla Markaana Beeniyey War Jaaliyadda Lagaga Been Sheegtay

$
0
0

Jimce 17 April 2015 Stockholm (HALBEEG)– Ururka ay ku bahoobeen jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden ee loo yaqaano Somaliland National Association in Sweden, ayaa gaashanka u daruuray isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay xubno magacyadooda qariyey oo warbaahinta qaarkeed dhawaan mariyey warar been abuur ah, haddaba qoraal ay SNAS ku beeninayaan baaqa been abuurka ah oo warbaahinta ay soo gaadhsiiyeen ayaa nuqul ka mid ah oo HALBEEG la soo gaadhsiiyey waxay ku yidhaahdeen sidani:

callaamad

SomalilandNational Association In Sweden

Warsaxaafadeed!

Asalaamucalaykum!

Anagga oo ka soconna jaaliyadaha hoos ku xusan waxan halkan kaga jawaabaynaa qoraal ay  soo saareen dad qariyay magacooda oo sheegay in ay matalayaan jaaliyado ay qaarkood ka  been sheegeen. Sida ka muuqata qoraalkooda dadkaasi waxa aad u liidata aqoonta ay u leeyihiin hay´adaha samafalka ee Sweden. Inta aanan u gelin arrinta ay ka hadleen waxa  wanaagsan in la fahmo waayo hay´adda doonaysa in ay ka furato xafiis Somaliland? Horta  hay´adda furaynaysa xafiisku ma aha hay´adda samafalka ee dawladda Sweden (SIDA).

Waxa furaynaysaa waa jaaliyad guud oo ay xubno ka yihiin jaaliyadaha Sweden ee ka  shaqeeya samafalka, kuwaas oo ay kamid yihiin jaaliyado badan oo reer Somaliland ah. Jaaliyaddan ama ururkan waxa la yidhaahdaa Forum Syd waxanay caawimo ka heshaa SIDA  iyo meelo kale, caawimadaas oo ay u sii qaybiso jaaliyadaha kale. Jaaliyaddani markii ay kortay ayay dhawr xafiis ka furatay dunida kaas oo kan Somaliland laga furayaa uu ku  noqonayo kii lixaad.

Ururka dalladda guud ee jaaliyadaha Sweden waxa uu muddo dheer la shaqaynayay Forum  syd oo uu deeqo dalka lagu horumarinayo ka helay. Dallada guud arrinkan furitaanka xafiiska ilaa bilowgii ilaa dhammaadkii way ka caawisay Forum syd. Laakiin markii Forum syd ay ka  soo cawdeen dad reer Somaliland oo dalbaday shaqada looguna diiday oo keli ah in ay yihiin reer Somaliland ayay bilowday in arrintan kala hadasho Forum syd. Dadkaasi dalbaday qaarkood khibraddooda iyo aqoontoodu way ka badan tahay inta sannaddood ee uu jiray ninka la siiyay shaqada. Jaaliyadda dalladda guud waxay arrinta u martay sida shuruucda Sweden ay dhigayaan maadaama ay xilsaarteen dad ka mid ah xubnaheedu.

Sida ay qoreen dadka dhaleecaynaya guddoomiyaha ururka ee leh shaqada ayuu dalbaday waxba kama jiraan  ee wuxu ka dhiidhiyay dadkaa uu madaxda uu yahay ee xuquuqdooda laga duudsiyay.Waxana u baahan in la cambaareeyo dadka ku raacsan in xuquuqdooda la duudsiyo ee aflagaadaynaya ninkaas u dadaalaya dadkiisa. Waxa xusid mudan in jaaliyadaha wax caayaya ay qaarkood u shaqeeyaan soomaaliwayn oo ay baroortu orgiga ka wayn tahay. Haddii aad soomaaliwayn kursi ka doonayso ragannimaada in aad ku doonato ayaa wanaagsan ee ma aha in aad dalkaaga iyo dadkaaga dhulka la dhacdo adiga oo waliba iska dhigaya muwaadin.

Waxa kale oo aan caddaynaynaa in aanay jirin cid ka waxqabad badan guddoomiyaha iyo  guddiga jaaliyadda dalladda guud ee Sweden oo ay iyagu buuxiyeen kaalin muhiim ah.Waxan dadka Somaliland ka codsanaynaa in ay kala bartaan jaaliyadaha qaarkood ay  leeyihiin shakhsiyaad isticmaala magaca magaalooyinka Sweden.

Shirkii ugu dambeeyay ee lagu doortay guddiga jaaliyadda waxa lix bilood ka hor lagu qabtay  magaalada Orebro, waxana joogay ururo aad u badan. Ururka dalladda guud inta uu guddoomiyaha ka ahaa Sakariye ayuu ugu waxqabad badnaa haddii ilaahay laga baqayo.

Laakiin bani´aadamka waxa ka mid ah dad ka xumaada oo neceb qofka waxqabta. Haddaanu  nahay jaaliyadaha halkan ku xusan waxan xaalmarinaynaa guddiga dalladda guud ee  aflagaaladdada loo gaystay, waxanan leenayahay ha ka daalina waxqabadkiina iyo dadaalka aad ugu jirtaan dalkiina iyo dadkiinaba, hana u joojinina dad xamar biil looga soo diro oo ka shaqeeya isku dirka reer Somaliland. Dalladu waxay ka duulaysaa markasta ilaalinta danta  guud iyo qaranimada Somaliland. Dallada waxa ka reeban wax ka sheega sharafta iyo maamuska shakhsi iyo mid bulsho.

Wabillaahi towfiiq

Jaaliyada Somaliland Stockholm

Jaaliyada Somaliland Örebro

Jaaliyada Somaliland Jönköping

Jaaliyada Somaliland Göteborg

Somaliland Medical Relief

Jaaliyada Somaliland Linköping

Jaaliyada Somaliland Skellefteå

Jaaliyada Somaliland Dalarna

Jaaliyada Somaliland Enköping

Afro nordisk bistånd organisation Umeå

Somalilands integration och utvecklings förening i Uppsala

Ururka Dhalinyarada Stockholm

Somaliska fred Stockholm

Dallada haweenka Spånga

Jaaliyada Redsea ee Göteborg

Jaaliyada Samawadaag Göteborg

Kultur och ungdoms förening Vänersborg

Somaliland Aid Group Husqvarna

Jaaliyada SomRelif

Jaaliyada Surad Relief

Ali Hassan Ali

Xooghayaha Ururka dallada guud ee Jaaliyadaha Sweden

somalilandriksforbund@gmail.com

_____________________________________________________

Halbeegnews, Stockholm

contact@halbeegnews.com

Mudane Madaxweyne Qalinkaagu Waakan Qabanta Beelaha Isaaqa, Harti , Samaroon, Ciise, Iyo Fiqshini Hawiye ?Ee Muxuu U Qaban Laayahay Qabiilka Muuse Dhariyo Mise Adigaan U Quudhayn ?

$
0
0

silanyo

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland Bacdal Salaan, Waxaan Qalinka U Qaatay Inaan Wax Ka Qoro Ama Ka Idhaahdo Mawduuca Aan Ciwaanka Uga Dhigay Maqaalkaygan “Mudane Madaxweyne Qalinkaagu Waakan Qabanta Beelaha Isaaqa, Harti , Samaroon, Ciise, Iyo Fiqshini Hawiye ?Ee Muxuu U Qaban Laayahay Qabiilka Muuse Dhariyo Mise Adigaan U Quudhayn ?

Beesha Sheikh Muuse Dhariyo Waxa Yihiin Qabiil Kaalin Mug-Leh Bulshada Reer Somaliland Waa Farsamo Yaqaanka Dalka, , Waxay Ay Xor Ka Yihiin Dawarsiga, Shaxaadka, Iyo Khalkhal Galinta Amniga Umadda Ku Wada Noolaanshaha Dadowga Reer Somaliland, Waa Bulshada Kaliya Ee Nabada Somaliland Ku Caano Maasho Maalin Kaliya Aan Laga Sheegin Wax Khal-Khal Nabad Galiyo Ah Waa Dad Ku Qanacsan Dalkooda Iyo Dadkooda Taageersana Dawladnimdoowda Iyo Jirtaanak Somailand, Haddaba Waxaan Is Weydiiyaa Oo Aan Ka Fikiraa Markasta Maxay Bulshadaasi Muuse Dhariyo U Heli Weyday Agaasime Waaxdeed, Gudoomiye Degmo, Gobol, Gudoomiye Maxkamadeed, Xoghaye Dawleed, Gudoomiye Komishanada Madax Banaan, Maayir, Gaashaanle Sare, Xildhibaan Gole Deegaan, Xildhibaan Golaha Wakiilada, Gudoomiye Waaxdeed, Agaasime Guud , Wasiir Dawlde, Wasiir Kuxigeen, Iyo Wasiir Midna Aan Ku Lahayd Somaliland, Waa Ayaan Darada Ina Haysta Gaar Ahaan Xukumada Hadda Joogta Waayo Intaasba Xaq Ayey U Leeyihiin Waaney Jiraan Rag Badan Oo Gudan Kara Hawshaas Balse Ma Garanayo Waxaa Sababayu Looga Qadiyay Xilkaas. Beesha Muuse Dhariyo Waxa Mudan Tahay Ixtiraam, Qadarin,Karaamo Soo Dhawayn Iyo Iwm.

Waxaan Ku Soo Gunaandaya Maqaalkaygan Inuun Hadii La Doonaayo Cadaalad Iyo Sinaan Inay Kuwada Noolaadan Reer Somaliland Waa In Miiska Wada Hadalka Iyo Talada Dalka Laga Qayb Galiyo Bulsha Weyntan Muuse Dhariyo Ee Dulman Beeshaas Oo Ah Dalkan Beeshii Loogu Yimid Oo Beel Walba Oo Reer Somaliland Ah Ka Muddan Ka Qayb Galka Talada Dalka,

Waxaan Ku Sooo Gabagabaynaya Qoraalkaygan Xukumada Madaxweyne Siilaanyo, Waxaanu Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha U Dhashay Somaliland Oo Dhamaan Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Ay Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Iyo Talada Dalka Somaliland

Wabilaahi Taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

Mohamedudoode@Hotmail.Com

Iskuuladda Iyo Haayadda Islaamiga Ah Ee Al Hudda Qallinkii Mohamed Abdi Jama

$
0
0

ahmed

Waxay ahayd bishii Jeenawari ee sanadkan bilawga ah markii aan safar gaaban ku tagay Somaliland.

Intii aan joogay waddanka waxaan kormeer kusoo maray, iskuulada iyo Mashaariicda kheyriga ah ee Hay’ada Al-Huda ka samaysay ama ka wado hadda waddanka.

Aan ku horreeyo dhanka waxbarashada iyo iskuulada ay hay’adu gacanta ku hayso.

Waxaan soo maray dhammaan iskuulada Hay’ada ilaa hal school mooyee, kaasoo isna wakhtigu aanu ii saamixin inaan soo eego. Dhanka waxbarashada marka la eego, waxaan odhan karaa waxay ka mid yihiin iskuulada ugu tayada wanaagsan ee waddanka ka jira, kuwaasoo runtii ay dhigtaan in ka badan 5000 oo arday in kabadan.

Dugsiyada Al-Huda ay maamusho, waxay kaga duwan yihiin dugsiyada kale, iyagoo ardayda loo dhamaystiray asaaskii waxbarashada ka caawinayay, sida shaybaadhkii iyo kombuutarkiiba.

Waxaa kale oo masuuliyiinta Hay’ada iyo macalimiintooduba xooga saareen, inaan ardayga dhanka aqoonta uun laga dhisin , laakiin akhlaaqda iyo tarbiyada wanaagsana laga dhiso, taasina runtii waa midda ka dhigta aqoonta iyo cilmiga mid naafic ah, taasoo muujisa qofka dhaqankiisa. Waxaa iskuulku u nidaamsan yahay qaabka ugu habboon ee wiilal iyo gabdhoba wax u baran karaan, iyadoo la kala soocay fasalada wiilasha iyo gabdhaha, waxaa aad kuusoo jiidanaya sida ay asluubta wanaagsan u ilaalinayaan maamulka iyo macalimiinta iskuuladu, iyagoo waliba ku darsoo aad arkayso goobta maqaaxida ah ee ugu taala iskuulka dhexdiisa ardayda, wakhtiga nusaasacahana ay wax ka iibsanayaan in loo dhisay qaab laba albaab leh oo midna gabdhaha dhinac looga furay, wiilashana dhinac kale, dhexdana laga kala qeybiyay , taasoo qolo waliba dhinac gaar ah leedahay, loona kala xidhay.

Waxaa kale oo Hay’adu hirgelisay iskuulka farsamada gacanta ( Technical School) oo la odhan karo waa iskuulada u baahan yahay waddanku. Waxaynu ognahay in qofka waxbarashada kale ku wanaagsanayni, haddii dhanka xirfada uu leexdo si wacan maskaxdiisu ula qabsan lahayd, sidaa awgeed ayaa waddamada horumaray, qaabka waxbarashadoodu inta badan u dhigantahay hab xirfadeed iyo hab aqooneed, iyaddoo lagu salleeyay heerka maskaxda qofka iyo waxii maskaxdiisu baran karto isna hadhaw wax ku soo saari karo. Iskuulku waxuu leeyahay fasallo kala duwan , sida nijaarada, xidhida dhuumaha biyaha, laydhka ama korontada, qeybta cilmiga tiknoolajiga ee (ICT), sayniska, iyo luuqada ingiriisida.

Dhanka mashaariicda kale, waxay Hay’adu fulisay mashaariic kheyri ah oo badan, oo aan lasoo koobi karin , kuwaasoo   laga fuliyay inta badan gobolada waddanka, sida magaalooyinka, Burco, Caynabo Boorama iyo gobolka maroodi jeex, kuwaasoo isugu jira masaajido, iskuulo , goobo caafimaad iyo ceelal biyood.

Waxaa ay hadda dhistay Hay’adu dugsiga carruurta agoomaha, kaasoo leh qeybta waxbarashada, qeybta cuntada iyo qeybta jiifka,waxaana dugsigan wax ku baran doonaa arday gaadhaysa 200. Sidoo kale waxay Hay’adu dedaal wayn u gashay sidii mashaariicda bulshada faa’iidada u leh ay uga qeyb qaadan lahaayeen, waxaana ay dhismihiisa bilaabeen oo gebagabo ku dhaw, mashruuc ballaadhan oo ka kooban saldhig booliis, suuq (ama sariibad) leh qeybaha kala duwan, goob caafimaad, dukaamo iyo masjid intaasoo goob qudha kuwada yaalla.

Waxaan kusoo gebogebaynayaa qoraalka, qofku inta uu noolyahay marka uu hammi xambaaro , si kasta oo u dedaalkeeda ula imaado, Ilaahay waa ku garab galaa, waxaana taas kuu caddaynaysa, mar uu iiga warramayay Sheikh Abdalla Abiib Dugsiyada Al-Huda sidii ay fikirkooda uga timi iyo hirgelinteedu, waxaanu igu yidhi, “ Ahmedow, wakhti ka mid ah wakhtiyada, aniga iyo Sheikh Dayib Faroole, waxaanu iskaga riyoon jirnay ayaa Allaah nala qabtay”

Xadiith xasan ah ayaa laga weriyay nebiga ??? ???? ???? ????  kaasoo macnihiisu ahaa

“ Dadka waxaa ugu kheyr badan, kan ugu nacfiga badan” Waa hubaal in qofka nacfigiisu badan yahay kheyrkiisuna badan yahay, sidaa awgeed masuuliyiinta Hay’ada Al-Huda , runtii waxay ku jiraan kaalin waxtar badan ay u qabteen bulshada, taariikhduna waa xusi doontaa, bulshadeenana dadka sidaasoo kale ah in la dhiirigeliyo ayaa loo baahanyahay, waana shayga ugu yare e aynu abaal marin uga dhigi karno wax-qabadkooda.

Ilaahay waxaan uga beryayaa inuu xasanaat badan miisaankooda u saaro, cid walba oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashaariicda Hay’ada.

dugsi dugsi1 dugsi2 dugsi3 dugsi4 dugsi5 dugsi6 dugsi7

Wabilaahi Taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

Mohamedudoode@Hotmail.Com

Dib udhaca doorashada xukuumadda cidi lama wadaagto, madaxtooyadduna waxay u eegtahay maxbuus siyaasadeed oo wakhtigu garbaduub u xidhay” Dr Mohamed-Culimo

$
0
0
dr. culumo
Dr Mohamed-Culimo
“Xukuumadda lalama wadaago dib u dhaca doorashadda, waana dembi qaranka laga galay. Qabashadda doorashadu waxay ahayd qodob dastuuri ah oo madaxweynuhu ku dhaartay fulintiisa.  Xukuumaddu marna si daacad ah ugamay shaqayn in dalka doorasho ka dhacdo 2015. Waxaa muuqata in xukuumaddu si dadban iyo si toos ahba u hagratay qabashada doorashooyinka iyo dardar galinta shuruucdii ay u baahnaydba. Way dhici karaan duruufo dabiici ah oo dib u dhaca keeni kara , hasayeeshee ma muuqdaan wakhtigan.
 Maansaddii Aakhiro warbaa jira ee Ibrahim Gadhle, waxaa ku jiray,
Waxaan odhanayaa maye, axdiga iyo dhaartii?
Waxaan odhanayaa maye, I igmadda kuwii yidhi?
Waxaan odhanyaa maye, ididiiladii shalay iyo ulashadeenii?
Iyadda oo dalkii barri iyo galbeedba ka ololayo, badhtamihiina qiiqii qabyaaladdu cirka isku shareeray. in madaxtooyaddu isku diyaariso damaashaadka mudo kordhintu maaha astaan muwaadinimo iyo mid masuuliyaddeed midna. Xaalka dalku wuxuu iila eeg yahay , “Deylooy laxdeenani, dar Allay ku socotaa
Maansaddi Ergo ee macalin Gaariye(1992) waxaa ka mid ahaa:
Aflagaadana maaha,
Haddaan maanta idhaahdo,
Odayaashi la doortay,
Anigoon kala reebin,
Irbad dhuub galin waaye,
Iskadaa waxkaleetoo,
Amnina noo sugi waaye”.
Siyaasiyiinta asal madoorshayaasha ah oo halka ay joogaana waxba tarin, halka ay ka maqan yihiina laga tabin, ayaa u haysta inay darajooyin ku helayaan dib udhaca doorashadda. .
Dhanka kale, khudbad sanadeedkii madaxweynuhu may taaban arrimaha xasaasiga ah ee nolosha dadka saamaynta weyn ku yeeshay sida musuqmaasuqa, qabyaaladda, tahriibka hooyooyinkeen goblanka ka dhigay, nolosha iyo maceeshadda bulshadeena ee qaaliga noqotay, abaaraha  iyo shaqo la aanta baahsan ee dalka ka jirta. Ka hadalka xaaladda Yemen waxaa igala haboonaa ka hadalka xaaladda Awdal, qancinta Bariga Sanaag iyo u bushaareynta reer Sool.. Waxaa dhaliisha ugu badan lahaa sida uu madaxweynuhu uga hadlay arrimaha cadaaladda iyo garsoorka. Top of Form
Gebo gabaddii, duruufaha inagu gedaamani waxay madaxtooyadda ka dhigeen sida maxbuus siyaasadeed oo wakhtigu garbaduub u xidhay”

Ha Daawan Haddii Aad 18 Ka Yartahay Ama Aad Qalbi Jilicsantahay: Xaaladda Muhaajiriinta Dalka Libya, Halaaga Bedweynta Libya Ilaa Italy, Ma Gafaha, Ma Gartaha Iyo Geerida, Barnaamij Uu Diyaariyey Vice News

$
0
0

Jimce 17 April 2015 Bengazi (HALBEEG)– Waa nolol geeridu dhaanto, waa nolol silic, saxariir, sahay la’aan iyo saymo ku dhammaanaysa, bal nala daawo barnaamijkani uu diyaariyey telefishanka Canadian ka ah ee Vice News oo diiradda saaraya Muhaajiriinta iyo halaaga bedda.

Halbeegnews, Bengazi

contact@halbeegnews.com

Xukuumadda Somaliland Ayaa Gaashanka U Daruurtay Baaqii Kaga Yimid Midawga Yurub

$
0
0

somaliland response

Jimce 17 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Masuuliyiinta hawlgalka Ururka Midawga Yurub iyo waddamada Xubnaha ka ah, ayaa baaq diidmo ah ka soo saaray Qisaastii Xukumadda Somaliland ku fulisay 13-kii bishan 6 Qof oo hore u gaystay Dilal.

Hadalka Midawga Yurub oo ku baaqayay in Somaliland joojiso xukunnada dilka ah ee ay fulinayso oo dib u dhigaya shuruucdeeda ayaa Xukumadda Somaliland ku gacan saydhay islamarkaana sheegtay in Xukumadda Somaliland iyo bulshadeeduba raali ku yihiin in la dilo ciddii Qawaaniinta dalku mariso qisaas.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu.

Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka” Xuseen Axmed Caydiid.

Waxaanu intaasi raaciyay “Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku leeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen”Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Baaqa Midawga Yurub Arrintan ka soo saaray Shalay

“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka badan ee Madheera in badan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuunna dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Aragtida Bulshada Somaliland:-

Bogaadinta Qisaasta la fuliyay ayaa maalmihii u dambeysay laga dareemayay bulshada Somaliland dhexdeeda. Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, Culimada waaweyn ee Somaliland iyo dadweyne kale ayaa Xukumadda ku bogaadiyay fulinta Qisaasta iyagoo ku timaamay Amarka Alle oo la fuliyay. Waxaa sidoo kale si weyn looga dareemay taageerada bulshada baraha Bulshada ee Internet-ka oo si aada loogu bogaadiyay.

Suldaan Maxamed Muuse Nuur(Suldaan Abu Sufyaan), oo hogaanka dhaqanka Somaliland ka mid ah ayaa isna qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay sida Qisaastu u tahay mid mubaax ah “IIAAHAY waxa uu quraanka ku yidhi “qisasta nolol aya idinku jirta dadkiina caqliga usaaxiibaw si aad ubaqataan ayaana qisaasta la idinku jideeyay” nolol ba idinku jirta qisaasta , ilahay waxa uu galiyay qisaasta nolala sheena waxaan ognahay in aynu nahay dad muslimiina calankenana waxa ku qoran kalmada tawxiidka taas oo katarjumaysa in aynu nahay dad muslimiina sida awgeed waxa lilaahay ina farayaa in aynu qisasta fulino sida awgeed udheg jalaqsiin mayno cidkasta oo arinkaa kahor timaada ha ahadeen kuwo dawlada sheeganaya ama kuwo yuribiyaan sheeganayaba.

cidkastaba ha ahaatee wa inaan loo joojin ceeb ayay inagu tahay inaynu waxaasoo kale dhagaysano inagaa dalkeena iyo dadkeenaba wanaagiisa cidwalba uga ogaal badan. xukuumadana arinka qisaasta waan kutaageer sanahay oo waa arin waajib ku ah in ay fuliso diin ahaan iyo caqiida ahanba marka shacabku ha isku bar bartaagaan wixii wanaaga ee xukumadeeno fulinayso,” ayuu hadalkiisa ku koobay Suldaan Abu-sufiyaan.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qaban-Qaabadda Munaasabadda 18 May Oo Ah Maalinta Qaranimada Somaliland

$
0
0

silanyo

Jimce 17 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)                                   

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                        

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                            

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka                             

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga          

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                               

Ku:       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada                                        

Ku:       Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha                                               

Ku:       Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac                                                

Ku:       Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                                  

 

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

 Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada  Madaxtooyada JSL.

____________________________________________________

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Daawo Guddiyada Jidadka Dawga Cad Iyo Hargeysa Baligubadle Oo Midoobay Isla Markaana Booqasho Ku Tagay Ilaa Iyo Magaalada Quruxda Badan Ee Ceel-Sheekh

$
0
0

Jimce 18 April 2015 Ceel-Sheekh (HALBEEG)– Guddiyada dhismaha jidadka dawga cad iyo jidka kale ee isku xidha Hargeysa Baligubadle ayaa maanta si wada jir ah u booqday jidka dawga cad iyagoo dhex maray buurahii la bineeyey, isla markaana ku qadeeyey magaalada quruxda badan ee Ceel-Sheekh hoos ka daawo:

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

WAA KUMA MURASHAXA XISBIGA KULMIYE?

$
0
0
Mohamed Hagi Mohamoud. The University of Warwick

Mohamed Hagi Mohamoud. The University of Warwick

Hordhac

KULMIYE waa Xisbiga Xukuumiga ah ee gacanta ku haya taladii dalka ee shacabka Reer Somaliland u igmadeen 2010. Ka hor waxa uu ahaa Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka Somaliland sanadihii 2002 – 2010. Wixii ka horeeyey bishii Juun dabayaaqadeedii oo ahayd markii loo doortey in uu Xisbigu hogaanka u qabto 4 milyan ee Reer Somaliland ah, si uu u xaqiijiyo himiladda iyo hiigsiga ummadda. Waxa aynu ka wada warqabnaa in markii taladu gacanta u gashey Madaxweyne Axmed Silanyo iyo Ku-Xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici dhamaan Kaadiriintii Xisbiyahanka ahaa ee KULMIYE aan taladii dalka iyo guushii Xisbiga ee ay keeneen toona waxba laga siin. Taa badalkeeda waxa dib u weeraray xubno badan oo aan hore Xisbiga ugu jirijirin ama aan si toos ah uga muuqan xiligii halganka talada dalka Xisbigu ku jiray. Maqaalkan maanta waxaan ku lafa-guri doonaa xaaladdaha siyaasadeed ee uu KULMIYE soo maray, gaar ahaan 10 kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxa kale oo aan si dhab ah u taaban doonaa cida fursadda siyaasaddu u siisay in uu dhaxalka Xisbiga KULMIYE yeesho.

KULMIYE 2002-2007

Taariikhda aan kor ku xusay ee 2002-2007 waxa uu Xisbigu ahaa mid isku duuban oo u muuqda in ay isku daacad yihiin marka dusha laga eego. Laakiin, xaajaddu sidaa waa ay ka duwaneyd oo waxa jiray xurguf hoose oo waxa afka qalaad lagu yidhaa (Win/Lose Strategy) ama khariidada mid keen ha guuleysto. Xafiiltanka hoose oo ahaa mid siyaasiyan aad u dahsoon shacabkana aan u muuqan ayaa u saamaxay in KULMIYE noqdo Xisbi Mucaarid ah oo xoog badan, isla markaana ka helay taageero balaadhan qurbe-jooga Reer Somaliland, oo yagu aad u jeclaa in is badal macno horumar dhaqaale iyo sugida qaranimo taam ah laga sameeyo dalka. KULMIYE waxa uu kulmiyey ruug cadaa siyaasiyiin qalin-miirato ah sida Silanyo, Fagadhe, Sifir, Maxamed Cabdilahi Oomaar, Ahmed Xuseen Ciise, Cadami, Cabdiraxman Tanyanle, Cali Maarshaal, Cabdi Aw-Daahir, iyo Iskeeerse. Halka Mujaahidiin waaweyn oo baryahaa duur-joog ahaana madal iskugu keenay sida Cabdiraxman Aw-Cali, Muuse Biixi, Dhagaweyne, Mohamed Kahen iyo Cali Gurey.

Waxa kale oo yaguna sida ciida u tuulmay dad kale oo magac iyo maamuus badan ku lahaa dalka siyaasadihii halgankiina qayb weyn ka soo qaatey sida Cabdiraxman Cabdiqaadir, Cabdi Haybe, Xuseen Caydiid, Abiib Diiriye, Cabdilahi Jawaan, Axmed Muxumed Madar iyo Maxamed Aar. Halka ay aqoonyahanadda iyo siyaasiyiinta dhiiga cusubi ay hormuud u ahaayeen yagoo aad ugu firfircoon shaqo kastana sida ay tahay uga soo dhalaali jiray. Waxaa yadna xusid mudan in saxaafadda madaxabanaani halganka qaybta ugu wayn lahaayeen. Sidoo kale, ganacsatada waaweyn iyo wadaadadda qunyar socodka ah oo uu hogaaminayo Cabdicasiis Samaale waxa ay laf-dhabar u ahaayeen Guusha Xisbiga KULMIYE ka gaadhey siyaasadda uu talada dalka ku hantiyey. Hugunka iyo buuqa way adkayd in lagu kala saaro cida uu odeygu ku raali yahay iyo cida ay hoos tuur siyaasadeed oo hore uu turaanturooyinkeeda ugu hadimoodey. Yeelkeeda, xukunka iyo siyaasadda UDUB in laga takhaluso waxa lagu wada ahaa raali, waana ta isku keentay aragtiyaha ashkhaasta isdiidan ee KULMIYE iyo tuurista Madaxweyne Rayaale uun ku bahoobay. Sidaa oo ay tahay meesha kama aysan maqneyn awood kala jiidasho (Power Struggle) iyo in loo kala dhawaado odeyga si hadhow aan calafka la iskugu cawryin.

KULMIYE 2007-2010

Sadex sanno gudahood oo ka bilaabmayey 2007-2010 ayaa uu bilaabmay guuxii Xisbiga Gudihiisu. Sababta inteeda badan waxa lahaa nidaamka awood raadineed ee Xisbiga guddihiisa ka jirey, dad cusub oo ku soo biirayey oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo qurbe-joog badan. Waana markan markii shacabka Reer Somaliland ogaadeen in buuq siyaasadeed ka dhex-taagan yahay KULMIYE. Waxa kale oo jiray doorashaddii Madaxtooyadda oo dib u dhac badani ku yimi oo keentay in UDUB isku daydo in ay kaxaysato qaar ka mid ah siyaasiyiinta KULMIYE oo markii dambe ay qaarkood ku guuleysatey. Waxase xusid mudan in ay jireen siyaasiyiin han leh oo hunguri weyni kaga jirey in ay Madaxweyne Axmed Silanyo oo wakhtigaa ahaa Guddoomiyihii Xisbiga kula tartamaan Xisbiga guddihiisa.

Waxa ka mid ahaa Axmed Xuseen Ciise, waxase si lama filaan ah fursadan uga faa’ideystey Muuse Biixi oo siyaasiyan aad uga mudakarsanaa, ka mayal adkaa isla markaana aad uga hanweynaa dhamaan inta Xisbiga ku jirta ee hanka siyaasadeed leh. Waxa aan sidan u leeyahay Muuse Biixi waxa uu ahaa siyaasiga kaliya ee kalidii is wada, halka Axmed Xuseen Ciise uu isku haleynayey Shahaaddada PH.D oo uu filayey in lagu ixtiraami doono, iyo isaga oo xidhiidh wanaagsan la lahaa dawladda Maraykanka. Muuse Biixi isaga oo aad usku nabaya se uu aad u dareensan yahay Guddoomiye Axmed Silanyo ayuu si dhib yar uga takhalusey Axmed Xuseen Ciise oo dabinka ugu dhacay. Waxa kale oo uu kurka ka guray dhamaan siyaasiyiinta uu u arkayey in ay ka soo horjeesan doonaan hankiisa idman, intaa ka dibna waxa uu u cadeeyey Axmed Silanyo in la gaadhey xiligii siyaasadda afka qalaad lagu odhan jiray (you scratch my back and I will scratch yours) oo macnaheeda runta ahi yahay labadeenuba ma guuleysanaa oo waxaad dooneyso aan kuu fududeeyaa adna waxa aan rabo aad banaanka ii dhigtaa yadoo aan loolan siyaasadeed oo kale ku jirin haba yaraato e.

Farsamaddii siyaasadeed ee ugu horeysey ee uu arrintaa ugu sheegay Guddoomiye Silanyo waxa ay ahayd, markii uu ka dalbadey in Murashax Madaxweyne Ku-Xigeen Xisbiga dhexdiisa Muuse Biixi loogu boqro. Macnaha ugu weyn ee uu kalahaa Muuse waxa uu ahaa in uu diyaar u yahay in balan siyaasadeed (Political Deal) isaga iyo Axmed wada galaan. Waxa uu Muuse tusayey in uu yahay haldoorka kaliya ee guushan gaadhsiin kara Axmed, si uu isaguna ugu fududeeyo hanka mustaqbalka. Arrintan run ahaantii waxa uu Muuse u arkayey in fursad siyaasadeed uga banaan tahay. Talo iyo tashi balaadhan ka dib Axmed Silanyo xaalkiisu waxa uu noqdey tuducii gabayga ee ahaa:-

Maskii qaradda weynaa          Qoratada markuu helay

Qaniin oo tufi waa                  Qaadey oo dhigi waa

Ha qaniinsanaaduun                ilamaa qiyaamaha

Taas oo macnaheedu yahay haddii uu Muuse ka takhaluso, waayo qorshihiisa siyaasadeed marnaba hore ugu ma uusan talo-gelin in uu jaranjar u noqdo oo uu fursadan hadiyadda ah siiyo sababo isaga u gaar ah aawadeed. Marwalba waxa u cad in haddii uu Muuse tuuro kursiga uu inta badan hawsha u soo galeyna in uu raacayo. Haddii uu haystana siyaasadiisii iyo farsamooyinkii hogaamineed ee uu doonayey in mustaqbalka lagu xasuusto waxa ay u eegtahay in ay meesha ka baxayaan. Waayo Muuse iyo Axmed may ahayn saaxiibo siyaasadeed oo isku hadaf ah, isku da ah, isku waayo aragnimo iyo isku aqoon ah toona. inkasta oo uu Muuse ogol yahay Axmed oo ruug cadaa siyaasadeed ah in uu wax badan ka baran karo, isagoo isku gaysanaya waayo aragnimadiisa siyaasadeed, aqoontiisa ciidan iyo wixii uu ka dhexlay siyaasigii ruug cadaaga ahaa ee Cigaal oo uu muddo hoos fadhiyey, inkastoo markii dambe ay kala fogaadeen.

Muuse Biixi waxa uu garab iyo gaashaan ka dhigtey Maxamed Kahin oo nin daacad ah isla markaana ku wanaagsan balanta iyo qawlka siyaasadda. Waxa hubaal ah in markii bishii August 2008 Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ka dhacay Magaalo Madaxda Labaad ee Burco ee abuuray khilaafka weyn ee markii dambena keenay in Xisbigu laba u kala faliidhmo, uu Maxamed Kahin ku raacay Garabkii Cabdiraxman Aw-Cali ay dib u soo noqoshadiisa ka dambeysey Muuse Biixi oo ay ku balansanaayeen in uu siyaasadda ugu hiiliyo. Maxamed Kahin uma uusan soo noqon Garabka Axmed Silanyo, odeyguse waa siyaasi ruug cadaa ah oo waa uu la socdey sida ay wax u socdaan dantiisa ayaase cusleysay oo uu ka raacayey marwalba. Ugu dambeyntii Siyaasaddii KULMIYE waxa ku soo biiray oo ilawsiiyey xanuunkii burburkii Burco markii Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo wata dhamaan Xubnihii Golaha Fulinta ee Xisbigii UDUB marka laga reebo 5 Xubnood oo kaliya oo kula hadhey Madaxweyne Dahir Rayale ay u soo digo-rogteen KULMIYE. Waxa intaa ka dambeeyey Xubno horleh oo iskugu jira Wasiiro, Madax hay’addaha dawladda ka tirsan iyo Xildhibaano iska casiley ama ka soo wareegay UDUB oo ganacsaduhu lug weyn ku lahaa. Waana halkan meesha uu Muuse Biixi sida weyn uga faa’ideystey kana helay awooda siyaasadeed ee uu ku ogolaysiiyey Silanyo in uu Xilka Guddoomiyanimadda ku soo wareejiyo bil dabadeed doorashadda.

Guushii KULMIYE

Muuse waa Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, waana siyaasiga ugu miisaanka weyn marka laga yimaado Axmed Silanyo ee taladiisu iyo go’aankiisu socdo. Nasiib daro se, arrinkaasi ma uu sii raagin ka dib markii doorashadii 26 Juun 2010 Axmed Silanyo iyo Dahir Rayaale ku kala guuleysteen. Hadda ma aha Guddoomiye Axmed Silanyo waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aaden, sida ay qoreyso saxaafadda Somaliland, waxana gacanta ugu jirta dhamaan awoodii qaranka oo dhan. Waa Madaxa Qaranka, Waa Madaxa Xukuumadda, Waa Astaanta Dawladnimadda iyo xabagta dalka isku haysa iyo waliba Hogaanka Guud ee Ciidamadda Qalabka sida ee Dalka. Sidaas oo ay tahay haddana waxa uu wali madax ka yahay Xisbiga KULMIYE oo dhaxal sugaha rasmiga ahi yahay sida ku saxeexan waraaqda Golaha Dhexe ee Xisbiga ee lifaaqeeda ay sitaan Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Silanyo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo uu Muuse ahaa ninkii labaad ee Xisbiga haddana sheekaddu sidii hore ma aha oo in uu arko Madaxweynaha Qaranka wax ka horeeya in balan looga sameeyo oo uu soo maro jaranjar aad u dheer, isla markaana uu gudbiyo waraaq uu ku saxeexan yahay oo ay ku xusan tahay ujeedada uu u rabo in uu u arko Madaxweynaha Qaranka. Layaab malaha oo siyaasadda adduunka oo dhan ayaa iska sidaas ah, waana mid xaqiiq ah in ay kala duwanaadaan oo la fahmo faraqa u dhexeeya Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo. Waxaan aaminsanahay intaa ninka aan dhaadeyn siyaasadda adduunka wax badan baa u dhiman. Nasiib wanaag se Muuse iyo Maxamed Kahin si fiican ayey u yaqaaneen faraqa u dhaxaynaya labadan ammuurood ee kor ku xusan.

Ka hor intii aanu xukumadda dhisin waxa uu Axmed la kulmey Kaadiriintii Xisbiga oo uu Muuse hogaaminayo, waxa si qunyar ah oo taxadar badani ku jiro uu ugu sheegay in uu siyaasiyan aad u door bidayo sii jiritaanka iyo taabo qaadka Xisbiga KULMIYE. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo waxa uu ku hal-qabsadey in uu rabo in KULMIYE noqdo Xisbi waligii jira oo tamariya sida ANC ga Nelson Mandela ee South Africa. Waxana uu kala dooran siiyey in ay Xisbiga ku hadhaan oo ay ka faa’ideystaan iyo in ay Xukuumaddiisa soo galaan oo ay baneeyaan kuraasta Xisbiga. Inkasta, oo aaney ahayn wax ay filayeen haddana Muuse iyo Maxamed waxa ay is tuseen in ay joogaan oo ka shaqeystaan Xisbigan ay u soo garbaha beeleen. Halka qolooyin kale oo aanan jeclayn in aan magac yadooda halka kan ka sheego ay marooradilaac qaylo afka ka wadheen. Guntii iyo gunaanadkii Madaxweyne Axmed waxa uu dhistey dawlad ka madaxbanaan Xisbiga KULMIYE oo ka kooban inta badan dhalinyaro siyaasadda laydi ku ah lakin dadaal iyo xamaasad siyaasadeed ku jirto (enthusiastic and energetic). Horaa loo yidhi laba Qaydhinka wax ku qaybsatey isma cawrido e nin waliba halkii Illaahay u calfay ayuu xaadhxaadhey.

Bilawgii Mucaaridadda

Inkasta, oo muddo dheer la waayey cid mucaarid ah oo ka hortimaada dawladdii KULMIYE ka dhalatey haddana waxa aan been ahayn in intaas oo dhan KULMIYE isagu iskugu filnaa mucaaridnimo. Arrintan sababteeda ugu weyn waxa lahaa koox lagaga yimi Xisbiga se aan ku qanacsaneyn oo u aragtey in lagu guuray. Tusaale ahaan ninka isaga hankiisu Wasiirnimo ama xil kale oo dawladdeed ahaa, ee lagaga yimi KULMIYE waxa uu fahamsan yahay in fursaddii uu xaqa u lahaa la seejiyey waana ta ay ka dagaalameen kooxahaasi. Dacaayaddii ugu horeysey ee 2 bilood ka dib sida weyn u soo ifbaxdey ee odhaneysey Madaxweyne Silanyo caafimaadkiisu ma wanaagsana waxa faafiyey isla Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan raggaa lagaga yimi ee aan ku qancin sii joogista Xisbiga.

Waxaaney uga xirsi-xidh ahayd in ay kaga jawaabaan marka dadkii ogaa xagjirnimadda xiligii ololaha doorashadda ay ku jireen sidii ay ahaayeen, iyo sida cidlada loogaga dhaqaaqey. Waxa ay is tuseen in jawaabta ugu habooni tahay in ay yidhaahdaan odeygii xanuun baa ku yimi oo waxba ma kala garanayo. Waxaan xasuustaa tusaalihii ugu horeeyey ee ay Biixiyeen kooxdaasi oo ahaa Madaxweyne Silanyo waxa uu garan waayey Madaxweyne Ku-Xigeenkiisii oo uu yidhi kan indhaha buurbuuran leh muxuu ahaa. Dhanka kale wallow ay markii dambe abuurmeen Axsaab Mucaarid ahi sida UCID iyo WADANI, haddana mucaaridad xoog badan ma aysan noqon marka laga reebo Cali Gurey oo isagu noqdey siyaasiga kaliya ee si rasmi ah u xanuujiyey dawladda Madaxweyne Silanyo.

Haddii aad dib ugu noqoto mucaaridada Cali Guray siyaasiyan waxa aad si toos ah u dareemeysaa in ay wax weyn yeeshay Xukuumadda. Sababta oo ah Cali Guray isaga oo og in uu KULMIYE guuleysanayo ayuu ka baxay oo uu UDUB u diga-rogtey, sidoo kale ma jirin sida siyaasiyiinta kale xil loo magacaabey ama dan gaar ah oo uu lahaa oo laga hor istaagay sida Madasha Wadatashiga intooda badanoo dano kala duwani isku keeneen. Waxa kale oo aynu ognahay in Madaxweyne Axmed iyo Cali Guray wallow aaney rafiiq ku ahayn siyaasadda, haddana sida kale yihiin laba ruux oo isku neef ogol marka runta laga sheegayo saaxiibtinimadda caadiga ah.

Sameysankii Madasha Wadatashiga

Wali Mucaaridad xoog badani ma jirto oo si dhab ah culays siyaasadeed ugu keeni kara Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo. Ka dib doorashadii aan lagu wada qancin ee dhacday 2012 ee Golayaasha Deegaan Somaliland. Sidaas oo ay tahay haddana sameysankii Madasha oo markii hore isku magacaabay Gole Siyaasadeed waxa ay noqdeen cidii ugu horeysay ee si toos ah uga hortimaada Siyaasadda Xukuumadda. Inkasta oo ay lahaayeen iin wayn oo siyaasadeed, sababtuna ay tahay yaga oo u badnaa rag dan iyo masaalax ay lahaayeen oo ay ka waayeen Xukuumadda ama Ururaddii siyaasadeed ee ay ku doonayeen in Xisbiyo isku badalaan oo aan u soo Biixin. Badidooda marka aad eegto Xukuumadda waxa ay uga horyimaadeen labada ammuurood oo masaalax siyaasadeed ah kaliya, waana ta keentay in qayladooda inta badan dadku aaney tix-gelin badan siin. Lakin dhinaca kale marka aad eegto Xukuumaddu waxa ay u aragtaa culays weyn oo soo fuuley, waxaaney ka qabaan baqasho siyaado ah oo kaliftey in khalkhal guddhaha ay ku keento, maantana waa cabsida ugu badan ee haysa, waxa intaa u dheer Cali Guray oo neef qabad ku noqday. Waxa aan sidan u leeyahay cid wal oo xukuumadda ka tirsan oo aan arko waxa ay hadalka ka bilaabaan Cali Guray iyo Madasha Wadatashiga.

Siyaasadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE

Madaxweyne Axmed Silanyo kama soo Biixin balantii Xisbiga ay wada galeen ee ahayd in uu ninba meeshiisii ku ekaado. Wallow qolooyinkii laga tagey badidoodu marka laga reebo hogaanka Xisbigu ay weerarka gaadmadda ah ku horeeyeen ee ahaa in sababta looga tagey ay ahayd in aanu Madaxweyne Silanyo caafimaad ahaan fiicnayn. Axmed Silanyo sharci ahaan waxa uu xaq u leeyahay in uu isa soo taago marka ay shanta sano u dhamaato. Laakiin ma doonayaa in uu isa soo taago mise cid kale ayaa dabada ka riixaysa? Tani waa su’aal dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ama dalka u dhuun daloola ay is waydiinayaan. Si kastaba ha ahaatee Silanyo waxa uu dareensan yahay in Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay dagaal adag la galeen xiligii uu doorashadda u cararayey, gaar ahaan doorashaddii 2010. Sababta ay u doonayeen in uu Silanyo waayo doorashadda waxa ay ahayd yaga oo si fiican u dareensanaa in haddii uu waayo aanu fursad kale lahayn oo uu ku soo laabto yaguna si rasmi ah Xisbiga u dhaxlaan.

Waxa kalifayey in ay tan sameeyaan waxa ay ahayd way ogaayeen in aanu Silanyo marnaba talada dalka qaybtooda siineyn, hadhowna uu dib uga eryan doono Xisbiga, isagoo adeegsanaya ciyaalkiisii siyaasadda uu ku soo darsadey oo ay labada Mujaahid si fiican u ogaayeen. Siyaasadda Madaxweyne Silanyo ee maantu waa wajiyo badan marka ay noqoto Xisbiga KULMIYE, waxaana is garab yaala laba arrimood oo ay mid uu dhaboobi doonto. Waa ta hore e, Madaxweyne Silanyo ma kaga dhabeyn doonaa siyaasadda ku fadhida in uu ka takhaluso labada Mujaahid? Taasi hadda miyaaney adkayn oo aaney noqoneyn in uu Xisbigu burburo gabi ahaantiiba haddii uu sidaa ku adkaysto, marba haddii uu hore u tijaabiyey oo ay dhawr jeer ka fashilantey. Arrinta kale marba haddii ay doorashaddii dib u dhacdey in uu la heshiiyana ay qasab ku tahay si muddo kordhintu ugu suurowdo, tani ma noqon doontaa mid heshiis dambe oo ay isku aaminaan Madaxweynaha iyo labada Mujaahid uu ka dhalan karo? Akhriste labada ammuurood waxa ay ku xidhan yihiin kaliya ma aha Madaxweynaha ee waa cida haysa mafaatiixda Madaxweynaha oo yeelsiin karta ama diidsiin karta sida Xisbiga dantiisu ku jirto.

Siyaasadda Muuse Biixi

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu kaga duwan yahay dhamaan siyaasiyiinta hadda joogo, marka laga reebo Cabdiraxman Cirro iyo Gaboose hanka joogtada ah iyo hamadda in uu dadka iyo dalka hogaamiyo. Arrintani ma aha mid dhib yar, waxa jira siyaasiyiin badan oo mudakar ah aqoon iyo karti ku filan haysta, lakin nasiib daro uu ka maqan yahay hanka wax doonista (Political Ambition). Inkasta oo siyaasiyan hanka sadexdan siyaasi isku mid yahay haddana waxa ay ku kala gadisan yihiin habka iyo farsamadda siyaasadda loo maro (Political Strategy) oo ah farsamadda guusha soo dhaweysa. Hase yeeshee taa u galimaayo waayo mawduuca maqaalku kuma saabsana arrintan. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si fiican u fahmay siyaasadda Madaxweyne Silanyo oo uu muddo soo hoos joogay, waxa kale oo si fiican u bartay caruurta siyaasadda u fulisa Madaxweynaha oo badhkood hoos ahaan ula shaqeeyaan una keenaan warka intiisa nuxurka ah. Waana halka uu Muuse ka liici la yahay waayo waxa uu og yahay arrin wal oo Madaxtooyadda laga soo jaro, si kasta oo xadhkihiisa la iskugu dayey in la jaro, Muuse waa uu liici laayahay. Waayo waxa ay is hayaan waa dawlad ma aha shakhsi caadi ah. Haddana waa ay inoo muuqataa in uu wali isagu Xisbigii ka talinayo. In uu Madaxweyne Axmed Musharax noqdo waxba kama qabo Muuse waayo waa uu ogyahay in uu Axmed Guuleysanayo haddii ay ku tartamaan isla markaana uu khatar galin karo kursigiisa. Lakin waa mihim ah in aynu fahamno in aan cid aan Madaxweyne Silanyo ahayni aaney Muuse Xisbiga KULMIYE dhexdiisa kula tartami karin si walba haddii ay noqoto, aan ka ahayn in gabi ahaanba uu Xisbigu burburo. Wabilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com

Viewing all 3922 articles
Browse latest View live