Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Wer-werka Reer Saaxil Ee wareejinta Dekeda Berbera iyo walaaca Mucaaridka + Laaca Xukuumada Keeba Dan Ah !!!

$
0
0

berberaWarkii dhiilada lahaa ee maalmihii uu danbeeyey shacabka Reer Berbera ka jaho-wareereen ayaa ahaa wareejinta mar-sada Berbera oo xukuumadan Axmed Siilaanyo ku wareejineyso shirkad shisheeye taaso gabi-ahaan-ba la qorsheeyey inay la wareegto maamulka Guud ee Dekeda, isla markana ay shirkaddu tahay mid shaqaalaheedda wada-ta. Taaso meesha ka saari-doonta shaqaalaha ka hawl-galla dekeda Magalada Berbera oo ah dad muwaadiniin ah, oo iyagu ka xammaasha halkaas ayaa noqon doona Bilaa camal, waxana sii xoggeysan-doonta shaqo la’aanta Shacabka reer Somaliland oo %70 ahaa kuwo bilaa camal ah, Waxa kale oo jira walaac xooggan oo ku saab-san wareejinta isha dhaqaalaha Somaliland oo ahayd meesha kowaad uu ku tiir-san-yahay dhaqaalaha dalku, in kasta oo aanay Lacagta Dekeda Berberi geli-jirin miisaaniyada qaranka ayaa hadana waxay ahayd Hooyada dhaqaalaha Somaliland.

Shirkada la wareegaysa Dekeda Berbera oo u fadhigeedu yahay Wadanka Faransiiska ayaa waxa lagu magacaaba Bollore Africa Logistics (SDV international),waxanay ber-yahan dambe masuuliyinta shirkadaasi ay wada hadalo iyo kulamo is-daba joog ah wada lahaayeen masuuliyinta Dawlada Somaliland. Maareyaha dekada Magaalada Berbera Ingineer Cali Cumar Maxamed oo dhowaan la hadlayay Idaacad ku taala Wadanka Faransiiska ayaa sheegay in Masuuliyinta Shirkada SDV iyo weliba saraakiisha dekada Berbera ay bilo ka hor wadaa-yeeshen kulan kuwaaso diirada lagu saaraayo iibka Dekeda iyo xadiga dhaqaalaha la siin doono, Eng Cali waxa nuxurka hadalkiisu ahaa sidan. ”Waxaanu diyaar u nahay isla markaana aanu soo dhowaynayna cid walba oo maal-gashanaysa dekad-deena,waxana aad ugu riyaaq-naa oo aan danaynayna shirkadaan in ay la wareegto maamulka dekada”,ayuu yidhi Maareeyaha Cali . Shirkada Bollore Logistic Network (SDV international) oo ah Shirkada ugu baaxada weyn ee ka howlgasha qaarada Afrika oo maal-gashi ku sammeysa dekaddo iyo dalal kala duwan oo ku yaal Qaaradaan africa, ayaa inka badan 200-xarumo iyo wakiilo ku kala leedahay daafaha qaaradan.

marka laga yimmaado maal-gashiga ay shirkadan faransiiska ahii ku sammeyneyso Dekeda Berbera ayaa waxa jiraa cabashooyin Mudooyinkii uu danbeeyey kasoo baxaayey dalal badan oo ay shirkadani maamusho dekedahooda kuwaaso hada ku hawlan sidii ay caw-da ugu jari-lahaayeen shirkadan oo noqotay mid adeeggeedu hoos uu dhac ku yimmi, waxana wadamadaas ka mid ah dalka la yidhaahdo Kenya, oo ay maamusho Nairobi, Mombasa, Nigeria. Sidoo kale, waxaa iyana jiraa walaac xoogan oo ay asxaabta mucaarid ka qabaan dhaxal-wareejinta Dekeda Berbera waxanay intaa badan ku doodaan in aanay sharci u lahayn Xukuumadan wakhtigeedu ka hadh-san yahay dhawrka bilood oo kaliyaa inay gasho heshiis miisaankaas leh. Qorshaha iibka dekeda Berbera ayey xukuumada Siilaanyo sii qarsoodi ah uu waday moddo hada ku siman 6 Bilood oo dhan, iyadoon wali sharci uu marin dhaxal wareejinta hantida ummada sidaa shirkada Laydh ee Dawlada oo ay ku wareejisay Dad shicib ah iyo waliba ashkhaas kale oo macaamilo ka dhaxayso Dawlada Kulmiye.

Docda kale, waxa iyana sadeexdii maalmood ee uu siilaanyo joogay magaalada Berbera Madaxweynaha lagu as-qeeyey su’aallo la xidhiidha wareejinta Dekeda iyo war-shada laydhka Magaalada, waxanu intooda badan kaga jawaabey sidaa ay uu xaqiijiyeen shabakada warar ee xogreebnews dad Goob joogayaal ahii sidan..” Deked Baad ka sheekeyneysaan ee waxaanu shirkaddo gaar ah ku wareejin doonaa Wakaalada Biyaha, warsheda laydhka iyo walibaa Haamaha shidaalka”.

Hadalkaas madaxweyne Siilaanyo waxaa laga dhaadhan-san karaa in aanu wax lexo-jeclo ah ka qabin Hantida qaranka ee Maguurtada ah oo ay ku xidhan tahay Baahiyaha asaasi-ga ah ee Bulshaddu qabto. Waxana dhawaqa shacabka reer Saaxil maalmihii uu danbeeyey uu ahaa mid salka ku hayaa cadaawad gaar ah inuu uu hayo madaxweyne Siilaanyo Gobolka Saaxil, waxana muuqataa in hadda xukuumadani ka faa”iideysaneyso awooda qaran ee Hoggaamineed taaso sidaa dadka qaar aamin-san yihiin iney tahay mid hab beeleysan wax uu wadaa. La soco qormooyin badan oo ku saabsan dhaxal wareejinta Berbera…

W/Q

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel: 4144434

Info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles