Xirsi mar wal uu hadlaba wuxuun buu sii cadeynayaa in aan meesha madaxweynihii la doortay aannu talinin. Haduu madaxweynuhu doorashada ka hadli karayo sow muu hadleen.
Wasiir Xirsi lamaan fajicin hadalada ciyaala suuq nimada ah ee ka soo yeedhay maanta oo kol hadaan qofku cilmi haga lahayn oo mansab weyna loo dhiibo wuu ku ceeboobaa oo intuu is muuji leeyey ayuu naftiisa iyo cidii mansabka u dhiibtayba fashiliyaa. Maanta waxa cadaatay in Xirsi yahay nin nasiib badan oo madaxweynihii xilka u dhiibay uu asaasaqay oo sidaa darteed uu wuxuu doono ku hadli karo.
Sidii uu tuuladii uu Xirsi ka yimi joogo oo u la hadlayo kuwii ay foostooyinka wada riixi jireen buu yidhi waa garanaysaan Silaanyo iyo ragga ku xeeran…. Subxaan … Hadana wuxuu Silaanyo bar-bar dhigay Nebi Mohamed Sala laahu calayhi wa salam…. Taasina waa waali ….Wuxuu kaloo yidhi suurta la afuufi maayo haday 26 June doorasho dhici weydo oo anagaa dalka sii xukumayna….Waxaannu Xirsi ogeyn in uu xukuman yay oo uu yahay ninka loogu necebyey oo uu jailka mandheera mar labaad liinta ku cabi doono…… Wuxuu kaloo raaciyey haday doorasho dhici weydo ciday u taal ayay u taal… wuxuu u jeedaa guurtida ayaa noo jadiidinaysa …. Xirsi yuu haweysan in Silaanyo na aamusnaado, isna sidan u nac nac leeyo dabeedna Suleiman gaal u kordhiyo … Xirsi haduu caqli leeyey ismuu bar-bar dhigeen Nebigii suubanaa iyo Silaanyo waana ka aqoon oo wax uu kala garanayaa oon boobka hantida ahayni ma jirto. Xirsi wuxuu ummada tusaa in talada dalka ay gacanta ku hayaan isaga iyo Amina Weris. Silaanyo haduu caafimaad qabo Xirsi ma khudbadeeyeen oo taasi waa biyo kama dhibcaan.