Quantcast
Channel: Binance交易所,币安注册|数字货币平台
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Xuduudka Somaliland iyo Djibouti Oo Maalintii Afraad Xidhan iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Amniga Oo U Jooga Jibouti Arrintaasi

$
0
0
Mudane Cali Maxamed Cilmi, Wasiir ku xigeenka Dhinaca Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Photo File

Mudane Cali Maxamed Cilmi, Wasiir ku xigeenka Dhinaca Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Photo File

Arbaca 25 Feb 2015 Djibouti (HALBEEG)– Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Mudane Cali Maxamed Cilmi, Taliyaha Haayadda sirdoonka Somaliland Sareeye guuto Jaamac Maxamed Bootaan iyo saraakiil ka tirsan haayadaha ammaanka Somaliland ayaa ku sugan magaalo Jamhuuriyadda Jibouti, ee Jibouri, waxaana ay kulano la leeyahiin madaxda ammaanka dalka Jibouti oo ay kala xaajoonayaan xuduudka Somaliland iyo Jibouti oo maalintii afraad xidhan.

Madaxda ammaanka Somaliland waxay kulano la leeyahiin haayadaha sirdoonka dalka Jibouti, wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxda ciidamadda xuduudaha dalka Jibouti, iyagoo kala hadlaaya arrimo la xidhiidha cabsi ay dawladda Jibouti sheegtay inay ka qabto in kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab ay ka soo tallaabaan xuduudka labada dal.

Ma jirto faahfaahin ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo ku saabsan maxsuulka wada-hadalkani dhex maray labada dhinac, iyo weliba xuduudkani xidhan, balse badhasaabka gobolka Salal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay labada dalba ka wada socdaan joogsiga xuduudka labada dal.

Xuduudka Xidhan iyo Saamaynta Dhaqaalaha

Dhuxusha iyo caanaha ayaa looga qaada Somaliland dalka Jibouti, iyadoo sidoo kalana bagaashka iyo allaab kale laga soo geliyo dhinaca Jibouti, baabuurta caanaha iyo dhuxusha qaada ayaa ku go’doonsan magaalada Lawyacado, iyadoo sidoo kalana gawaadhida dadka rakaabka ah wada ay sidoo kale iyaguna maalintii seddexaad ay hakad ku jiraan.

Halbeegnews, Djibouti

contact@halbeegnews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3922

Trending Articles